KHIIYAAMO IYO MUSUQMAASUQ DOORASHO TII UGU XUMAYD OO KA TAAGAN S/LAND!!!

 

Abwaan:Siciid Cabdi Dheen
 

Waxa mucjiso igu noqotay in la shaaciyay in kaadhah cusub ay ina soo gaadheen kuwaas oo lagu badali doono kuwii hore.Waxa isu kay qaban waayay mudada doorashada ka  had hay oo ah lix wiig oo kaliya iyo mudada kaadhadhka lagu qaybin doono.

Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka mudane CIISE YUUSUF MUXUMED [XAMARI] ay aa sheegay in kaadhadhka la qaybin doono 10 MAY 2010 Waxaana ay ku dhamaan  doo ntaa wiig kaliya gudahood CAJIB!!!!!!!!! tolow gudoomiyahu ma caruur yar yar oo  malcaa mad fadhida ayuu wax u sheegayaa.

Akhristoow adaan kuu dhiibee xaafada KOODBUUR OO KALIYA hadii kaadhadhka loo  qayb iyo imisa cisho ayay qaadanaysaa[ wax ma ila fahantay].Marka macquul ma tahay in  dal ka dhan ee soomaliland 7days oo kaliya lagu qaybiyo kaadhadhka cusub.

Maanta oo kaadhadhku yaalaan hargaysa bal kawaran imisa casho ka dib ayay  gaadhaya an ceerigaabo iyo laascaanood Kadibna goorma ayaa la bilaabayaa qaybintooda oo dadka lawada siinayaa suurta gal matahay in dalka dhan ee baaxadaa leh kaadhadhka lagu  qay biyo 7 maalmood oo kaliya.

arinta khiyaamadu ku jirto ee komishanku shaaciyay ee ay 7 casho ku lifaaqeen ayaa ah mid ninkii caqligiisu fiican yahay uu fahmi karo .Waa qodob aad u xeel dheer oo khiyaamo ku jirto oo ah.Waxa 7 casho la raaciyay in degmooyinka laga qaban doono 10 casho oo kale. Waxa kuu soo baxaya in la jidaynayo in meelaha qaarkood laga hirgalinaayo qodobka 7 casho meelaha qaarkoodana qodobka ilaa 10 casho ee danbe.

Waxa la jidaynayaa in dadka qaar laga xayiro qaybinta kaadhadhka halka qaarna aad loo caawin doono kaadhadhkana ay heli doonaan from 10 may 2010 ilaa 17 may 2010.

dalku waa wada degmo haday magaalo noqotana magaalo kastaaba waxay kakooban  tah ay degmooyin tusaale ahaan hargaysa waa lix degmo mid ka mida hadii lag bilaabo  qayb inta kaadhadhkana waxay qaadnaysaa sadex wiig iyo wax ka badan. Marka macquul  maa ha in dalka 7CASHO lagu qaybin doono kaadhadhka cusub.

Degaan kasta oo aanay kaadhadhku soo gaadhin waa inay codkooda kor u qaadaan   sax aafa dana u cadeeyaan in aanay helin wax kaadhadh ah sidoo kalana degaanka aan la  ga yn  sana duuqda waa inay codkooda kor u qaadaan dalbadaana sanaduuqda lagu guraayo codbixinta

WAXA MUIIMA IN MARKASTA LA DHAWRO NABAD GAYADA IYO XASILOONIDA BALSE  WAXA AD XAQ U LEEDAHAY WAA KUU BANAAN TAHAY INAAD KU DOODO SI SHARCIGA  WAAFAQSA N.

gabagabdii WAA muran kale iyo khiyaamo cad oo la rabo in DOORASHADAN lagu musuqma aso.

Hadaad runta doonayso bal la hadal meel ka mida degaanka aad dadkiisa garanayso wixii ka danbeeya 10 may 2010 oo waydii in la soo gaadhsiiyay kaadhadhka cusub ee la  shee gayo waxaad heli JAWAAB KU QANCISA.KKKKKKKKKKKKKKK Hadaba komishanku ha ka  fikir aan  ficil kooda intaanay dhamac rarana faraha la galin Si xeel dheer ha uga baaraan  dag aan habka ay u maaran karaan hawshan dhibka badan ee ay faraha la galeen.

UGU DANBAYNTII

Ma is waydiiay waxa sadexda wiig ee ugu danbeeya loo ordo ee hawl u baahan in la qabto 8 bilood ka hor halmar loogu soo boodo?

KOMISHANKAN AYAA HAYA WADADII RAGII KA HOREEYAY EE WAXBA QABAN KARI WAYAY MARKAA BAL AAN EEGNO WAXAY TALADU KU DANBAYSO.

WABILAAHI TAWFIIQ
 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London