Khilaaf Ba’an Oo soo dhex-galay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Qarka inuu is Casilo

 

Dr Gaboose

 



Gaboose oo is hortaagay Xadhiga Xog-hayaha Dawalada Hoose ee Hargaysa iyo Siilaanyo oo faray inuu faraha kala baxo Hawlaha Hanti-Dhawrka



Hargeysa (TNN)– Muran iyo khilaaf sababay in Shalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu u yeedho Wasiirkiisa arrimaha gudaha ayaa ka dhex dilaacay Madaxwaynaha iyo Gaboose kaa soo qa rka u saaran in Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose uu xilka iska casilo ama uu Ma daxweyne Siilaanyo xilkaasi ka xayuubiyo.

Khilaafkani ayaa dhashay ka dib markii Xeer Ilaaliyaha guud ee Qarranku uu gudbiyey Xeer Ilaalinta eedo Musuq Maasuq isla markaana uu dalbaday in xabsiga la dhigo Xoghayaha guud ee Dawladda Ho ose ee Caasimadda Hargeysa Deeq Xirsi Cambuul ka dibna waxaa amarkaasi Xeer Ilaaliyaha hor istaa gay Wasiirka Daakhliga oo qoraal kale oo amar ah u gudbiyey Xeer Ilaalinta uu ku danbabarayo amarka Hanti Dhawraha guud ee Qarranka

Sida ay xaqiijiyeen xubno masuuliyiin ah oo ka tirsan xarunta Madaxtooyada Somaliland Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay ugu yeedhay Xafiiskiisa Wasiirkiisa arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboo se, wuxuuna Madaxweynahu amar afka ah iyo mid qoraal ahba iskugu raaciyey Dr. Gaboose inaanu faraha la gelin arrimaha hanti-dhawrka guud ee qarranka ay wadaan, waxaana la sheegay inuu Wasii rka Arrimaha Gudahu ku boobay Madaxweynaha hadalo kulul isagoo ku andacooday inuu xaq u leeyah ay inuu soo dhex gallo arrintaasi.

Warka aanu helayno ayaa tibaaxaya in labada Masuul ay kulankaasi cadho ku kala kaceen, iyadoo wa rarku noo tibaaxayaan inuu Madaxweynahu Shalay Gallabta xafiiskiisa ugu yeedhay Wasiirkiisa Maaliy adda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi isagoo Madaxweynahu u bandhigay arrintaasi isla markaana ka cods a ay inuu dhex dhexaadiyo, Wararkaasi ayaa tibaaxaya in isla gallabtaba Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Gaboose oo ah laba nin oo saaxiib ah oo isku dhaw ay kulan ka yeesheen arrintaasi.

Source:Waaheen