Khilaaf Ka Dhex Aloosmay Wasaarada Biyaha Iyo UNICEF Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Somaliland Seejiyo Kaalmo Balaadhan Oo Wax Lagaga Qaban Lahaa dhibaatooyinka Biyo Yaraanta Ka Jirta

 

  



Waxa Wasaarada Laga Layahay Xisaab Celintii Lacag Mucaawino Ahayd Oo Loogu Dhiibay In Wax Lagaga Qabto Arimaha Biyaha



Hargeysa, May 13, 2011 (Haatuf) - Ugu yaraan 5million oo dollar oo sanadkan wax lagaga qaban lahaa dhi baatooyinka Biyaha ee ka jira Somaliland ayaa qarka u saaran inay Hay’addihii bixin lahaa ay la noqdaan ka dib markii Wasaarada Biyaha iyo Macdanta Somaliland ay ka cago jiiday diyaarinta iyo hirgalinta heshiis (M emorandum of Understanding) dhex mara iyaga iyo UNICEF oo ah Hay’adda ugu weyn ee wasaarada kala s haqaysa horumarinta Biyaha, sida qodista iyo dayactirka Ceelasha Biyaha kuwa gaaban iyo kuwa dheerba.

Wasaarada Biyaha iyo UNICEF ayaa waxa caado u ahaan jirtay in intaan sanadku dhamaan ay wasaaradu hay’adda u soo gudbiso qorshe sanadeedkeeda ay doonayso inay wax kaga qabato dhibaatooyinka Biyo yaraanta ee ka dhasha Abaaraha, dabeetana ay labada dhinac bisha January ee sanadka cusub ay kala saxeexdaan heshiis guud (Memorandum of Understanding) oo nidaaminaya iskaashigooda ku aadan fulinta qorshe sanadeedkii la isku afgartay.

Hase yeehsee ilaa iyo hadda ma jiro heshiis dhex maray wasaarada iyo hay’adda UNICEF, taas oo ay ka dh alan karto inay gubtaan kaalmooyin dhinaca biyaha ah oo ay ka mid yihiin 3 million oo dollar oo ay dawladda Finland u soo marin lahayd hay’adda UNICEF, lacagtaas oo ay dawladda Finland u qoondaysay in wax lagaga qabto biyo yaraanta Somaliland.

Lacagtaas iyo kuwo kale oo ay hay’adda UNICEF diyaar u ahayd inay ku wareejiso wasaarada Biyaha iyo Macdanta waxa sida la sheegay carqalad ku noqday Wasaarada oo ka warwareegaysa in iyaga iyo UNICEF meel isla dhingaan Qalinkana ku duugaan qodobadii heshiiska ee ay ku wada shaqayn lahaayeen sanadkan, waxanaay u muuqataa in khilaafkani uu galaafan doono deeqda dawladda Finland iyo lacago kale oo ay deeqbixiyeyaashu u balan qaadeen Somaliland in wax lagaga qabto arimaha biyaha.

Sida la ogsoon yahay hay’ada UNICEF ayaa sanadahan dambe waxay wasaarada biyaha iyo Macdanta toos ugu wareejin jirtay lacagta loogu talo galay in wax lagaga qabto mashaariicda biyaha, hase yeeshee ilo xogogaal ah ayaa Haatuf u sheegay in Wasaarada Macdanta iyo Biyuhu ay ilaa hadda aanay hay’adda UNICEF u soo gudbin xisaab celintii $500,000 dollar oo lagu wareejiyey kadib markii uu madaxa Wasaaradaasi la wareegay Wasiirka cusub Xuseen Axmed Ducaale, lacagtan oo ka hadhsanayd heshiis (MOI) uu maamulkii wasiirkii hore Qaasim Sheekh Aadan la galay UNICEF ayaa hay’addu waxa ay ku wareejisay maamulka cusub si ay hawliihii socday uga sii amba qaadaan.

Hase yeeshee madaxda cusub ee wasaarada ayaa ilaa hadda laga layahay xisaab celintii ay kaga warami lahaayeen sidii lacagtaasi u baxday iyo wixii lagu qabtay toona, waxaanay arintani kalsooni daro ku riday deeqbixiyeyaasha inay sii wadaan qorshayaal ay ugu talo galeen in mucaawinooyinka haddii ay tahay lacag iyo alaabooyinba ay toos ugu wareejiyaan qaar ka mid ah hay’adaha dawladda ee Somaliland sida wasaarada Macdanta iyo biyaha iyo Wasaarada Caafimaadkaba. Tusaale ahaan waxa dhacday xiligii dhawaa ee gurmadka Abaaraha in hay’adaha caalamigu ay gargaarkii ay keeneen ku wareejiyeen hay’addo NGO-yo Maxali ah, sida HAVOYOCO iyo qaar kale.

Dhinaca kale xukuumadda Sheekh Shariif ayaa baryahanbka waxa ay cadaadis ku haysay hay’adaha garga arka ee caalamiga ah, iyadoo ku doodaysay in iyaga la soo mariyo mucaawinooyinka la siiyo Somaliland iyo Puntland.

Hadaba khilaafkan UNICEF iyo wasaarada macdanta iyo biyaha Somalialnd ayaa khubarada ku xeeldheer arimahani ay u arkaan mid qiil u samaynaya qorshaha xukuumadda TFG-ga ee maamulkeedu aanu dhaafsiisnayn mid ka mid ah Xaafadaha Muqdisho inay talo ku yeelato mucaawinooyinka la siiyo Somaliland.

Mid ka mid ah khubaradaas ayaa waxa uu yidhi “Muddo dheer ayaanu ka shaqaynaynay sidii beesha caalamku ugu qanci lahayd in mucaawinooyinka lagu aamini karo toosna loogu wareejin karo wasaaradaha dawladda Somaliland. Waxa se nasiibdaro weyn ah in Wasiir reer Somaliland ahi uu inagu celiyo heerkii la taagnaa 1993”

Wasaarada Macdanta iyo Biyaha oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino ayaa noo suurtoobi weyday inay jawaabo ka bixiyaan.