Khilaaf u dhexeeya Badhasaabka Gabiley iyo Maayar Degmada oo Cirka isku shareeray iyo Maayarka Gabiley oo dusha ka Saaray Badhasaabku in uu Abuurayo khilaafka.


 


 

Gabiley (TNN)-Khilaaf Xoogan oo soo kala dhex galay Maamulka Gobolka Gabiley iyo Golaha Deegaanka G abiley ayaa Todobaadadii ugu Danbeeyay ka soo shaac baxay deegaankaasi, khilaafkaasi oo la sheegay in uu Salka ku hayo isfaham la,aan dhextaala Qaabka wada shaqayneed ee labada Maamul.

Tan iyo intii uu la wareegay Badhasaabka Gobolka Rashiid Cumar sh.muxumed ayaa waxaa hoos u  dhac ay Wadashaqaynta ka dhexaysa Maamulka Gobolka iyo Dawlada hoose ee Gabiley taasi oo sida wararku sheegayaan ay Siyaasad ahaan isaga Soo horjeedaan Hab-maamulka Masuuliyadeed ee mid waliba ka hayo Gobolka.

Badhasaabka Gabiley Rashiid Xaraaro ayaa dhawaan Shir jaraa,id oo uu ku Qabtay Xafiiskiisa ku  naqdiy ay Waxqabadkiisa, Saluug badana ka muujiyay maayaradii Soo maray Gabiley iyo Golaha Deegaanka ee Maanta jooga, isaga oo dhaliilay Maayar Gabiley Aadan Muxumed Badde iyo Golaha deegaanka oo uu  sh eegay in uu ku mashquulsanyihiin bixinta gunaha golaha iyo shaqaalaha oo kaliye balse aanay Wax kale ka qaban Gobolka.

Rashiid Cumar Sh. Mar uu ka hadlayay Arimaahsi waxaa ka mid ahaa hadaladiisa “maayarka maanta  joo ga Aadan Muxumed Badde oo runtii lagu tilmaamo inuu yahay kii ugu wanaagsanaa markaad eegto  Gabil ey iyo rayigeeda. Horta maanta waxaanu wada joognay mudo sadex bilood ah. Sadexda bilood ee aanu wada joogno ibrad dun maanu galin. waxaanu u galin waynayna maaha mid aan sharixi karayo. In la isku dulqaato, in la wada shaqeeyo iyo in la is eego iyo in la wada shaqeeyo waa muhiim waana daruuri. Meel ay wax ka si yihiinba may noqon inuu wax ka qabto baahiyihii aasaasiga ahaa. Way jirtaa wax badan oo la qabtay oo ay ka mid yihiin gunadii shaqaalaha, way jirtaa waxyaabo badan oo la dhaliilaa oo ay ka mid tahay waxbarashada iyo caafimaadka.”

Badhasaabka Gabiley oo muddo seddex bilood ah Xilka ka hayay Degmadaasi ayaa khilaafka ka  dhexee yay isaga iyo Maayarka Degmada uu cirka isku shareeray kaasi oo si wayn loo dareemay guud ahaanba deegaanka Gabiley.

Shabakadda Wararka ee Timacade News, ayaa isku dayda inay wax ka ogaato khilaafka noocan ah iyo halka uu  salka ku hayo inay wax ka ogaato, waxaanu wax ka waydiinay Maayarka Degmada Gabiley Aa dan  Muxumed Badde waxa uu sheegay in Badhasaabka Gabiley Muddo kooban Gobolka joogay, mudada asi oo aanu wali si fiican u kala Fahmin Xuduudiisa maamul inta ay ku kooban tahay iyada oo aad moodo ayuu yidhi, In uu ka mid yahay Golaha Deegaanka.

Maayarka Gabiley ayaa sheegay in wada shaqayni ay ka dhaxayso Golaha deegaanka iyo maamulka  Gob olka balse ay shaqadoodu kala duwantahay, isaga oo intaasi raaciyay in Golaha Deegaanku leeyahay Qorshe hawleed (Strategic plan) ugaar ah gole ahaan iyo Dawlada hoose ahaan.

Aadan Muxumed Badde ayaa waxa kale oo uu sheegay inay Badhasaabka u geeyeen Qorshe  hawleed kooda, Golaha Deegaankana horkeenay iyaga oo fadhiya golaha balse aanu Wax muuqda kala hadal, ma ayar waxa kale oo uu sheegay in Badhasaabku Shaqaale hoosaadka Dawlada hoose wax ka waydiiyo  Sh aqadda Dawlada hoose iyaga oo Maamulkii hawsha gacanta ku hayay joogaan meesha, ama  Maamulad da Waaxaha kala duwan ee Dawlada hoose ka koobantahay.

Maayarka Gabiley waxa uu ka dhawaajiyay in Badhasaabka Gabiley ku soo hogaaminayo Dawlada Hoose Dadkii Daymaha kulahaa Dawlada hoose intii aan golaha Deegaanku jirinba, kuwaasi oo sheeganaya  lac ago Boqolaal milyan ah, dhamaantoodna Digreetooyin madaxwayne lagu joojiyay oo aanay Dawlada  ho ose Qaadi karinba sida uu maayarku sheegay, daymahaasi oo ay nala qabaan Gobolada kale ee Burco iyo Berbera oo dhamaantayo lanaga joojiyay.

Maayarka Gabiley oo ka hadlaya Arimaha ugu Waawayn ee khilaafka keenay ayaa sheegay in Bacadlaha Gabiley Muran badani kataagnaa Sanadihii ugu Danbeeyay kuwaasi oo ay ka gaabsadeen maamuladii hore ee soo maray Gabiley balse Badhasaabka ayaa khilaaf horle ka abuuray isaga oo u soo qoray Lacag dhan $120,000 (Boqol iyo labaatan kun oo dollar) oo la siiyo nin sheegta inuu leeyahay dhulka bacadlaha Gabiley Degan yahay, ayuu yidhi.

Dhulkaasi oo Dawladii hore joojisay isla markaana Maayarkii hore ee Degmada Gabiley Xuseen jameeco uu u saaray Guddi soo afjarta khilaafkiisa isla markaana Cadeeyay in uu yahay Dhulkaasi Dan guud oo aanay Cid gaar ahi sheegan Karin.iyada oo ay Baaq ka soo saareen Guddida Bacadleyaasha Gabiley  dha wr jeer Arinkaasi.

Arinta Dhulka bacadlaha oo khilaafkeedu soo noqnoqday isla markaana ay ka gaabsadeen maamuladdii hore ee soo maray Gobolka ayaa halistii leh hadii uu dib u bilaabmo khilaaf hor lehna ka abuuri kara  Dad ka halkaasi ku ganacsada.

Maayar Aadan Muxumed Badde ayaa sheegay inay Waxwayn ka Qabteen Baahiyaha Gobolka ee  dhina cyada Arimaha Bulshadda sida biyaha, Waxbarashadda oo ay Fasallo cusub ku Darayaan Dugsiga Sarre ee Timacadde

Dhinaca kale Mar aanu wax ka waydiinay Halka uu ku Danbeeyay dhamaystirka jidka wayn ee Wadnaha Magaaladda Gabiley ayaa sheegay in halkii km ee ugu horeeyay dawlada hoose dhamaystirtay, 1km ee labaadna waxaa dhisaya Oomaar oo sida uu sheegay Daamurkii loo Dalbay.

Waa markii ugu horaysay ee khilaaf noocan oo kale ahi soo dhex galo maamulka Gobolka iyo Degmadda tan iyo intii Gabiley Gobolka ay ahayd, iyadda oo Dadka u dhuun daloola siyaasadda Gabiley ku  eedayn ayaan Maamulka Gobolku in isku hayaan Maamulka dhinaca Dhaqaalaha ee ka soo baxa Gabiley.

Badhsaabkii hore ee Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) intuu Gobolka joogay ayaanay ka dhicin wax khilaaf ah oo soo kala dhex gala, Golaha deegaanka iyo Maamulkiisa isaga oo kaga tagay sharaf iyo Sumacad aad u badan dadka gobolkuna isku xidhmeen intii uu gobolka joogay, balse arintan ayaa  horse edi karta Caqabad horleh oo ku timaada Siyaasadda Maamul ee Badhsaabka Cusub Rashiid Xaraaro, oo hadii aan wax laga qaban Curyaamin Doonta Wax ka qabashadda Baahiyaha Bulshada iyo Gobolkaba.

 



Mustafe Future
Timacade News Network
mccfuture@hotmail,com
Hargeisa/Office/Somaliland