Khilaaf Xaasaasi Ah oo Ka Dhex Qarxay Xukuumadda Iyo Ku lmiye iyo
Muuse Biixi oo Sheegay Inaanu Dalka Ka Talin Madaxwayne Siilaanyo,
Balse Cidkalae Ka Taliso
Hargeysa (TNN):- Xogo Wargeyska Yool ka helay ilo ku dhow-dhow
Qasriga Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga
KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi uu kulan Jawigiisu Kakan ya hay la
yeeshay Md. Axmed Siilaanyo, iyadoo sida Wararku xuseen Mujaahid
Muuse Biixi kala hadlay Madaxweynaha arimo dhawr ah oo ku saabsan
Qabsoomida Shirka Beelaha Sacad Muuse ku balan san yihiin inay ku
qabsadaan Deegaanka Agabar ee Galbeedka Magaalada Hargeysa iyo sidoo
kale, iska hor-imaad ka dhex dhaca Beelaha Sacad Muuse.
Waxaana wararku intaa ku dareen Guddoomiye Muuse Biixi inuu
Madaxweynaha si kulul ugu sheega y in aanay Suurtogal ahayn in la
iska horkeeno Beelaha Sacad Muuse, iyo sidoo kale in aanu
Axmed-Siilaanyo ka bogsan Colaado iyo xanafo hore, hase ahaatee
Muuse ahaan uu ka bogsaday dhacdoo yinkii laga soo gudbay. Muuse
Biixi waxa uu si cadho ku jirto ugu sheegay Madaxweyne Siilaanyo in
Xukuumaddu ku lug leedahay Khilaafka iyo muranka ka taagan
qabsoomida Shirka Beelaha Sacad Muuse, iyo sidoo kale waxa uu ka
digay qorsheyaal lagu maagan yahay in xilka laga qaado Guddoom iyaha
Degmada Agabar, oo sida wararka qaar xuseen la tuhunsan yahay inuu
ka tirsan yahay ama niyada kala jiro Muuse Biixi iyo Wasiirka
Ganacsiga ee dhalasho ahaan kasoo jeeda Deegaanka Aga bar Md.
Maxamed Cabdillaahi Cumar oo isagu xullafo la ah garabka
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
Dhinaca kale, waxa iluhu tibaaxeen in Mujaahid Muuse Biixi ku
wargeliyey Madaxweyne Siilaanyo ha ddii Xukuumaddu faraha kala bixi
weydo arrimahaa mushkilada ka dhalata aanu fal-celinta arinkaas
noqon doonin mid ay Xukuumadu ka badbaado, waxa kale oo
ilo-wareedyadu Carabta ku dhufteen in Guddoomiye Muuse Biixi intaanu
madasha ka kicin uu cadho ku jirto ugu tiraabay isagoo la hadlay ey
xubno kulanka isaga iyo Madaxweynaha kusoo biiray weedho Kakan oo
nuxurkoodu ahaa in aan war ku seeganayn Shacbiga cidda masuuliyada
talada dalka gacanta ku haysa aanay ahayn hogga ankii Ummaddu
dooratay. Waxana ay arintu gaadhay in hadalku ka taag-taagmo labada
masuul oo kulanku noqdo mid ay Maryo-dhiigle ku kala furteen
Siilaanyo iyo Biixi, inkastoo ay ilo wareedyadu ka gaabsadeen inay
si rasmi ah u iftiimiyaan jawaabta uu Madaxweyne Siilaanyo ka
bixiyey garna qsiga Muuse Biixi.
Geesta kale, Wararka la xidhiidha qaban-qaabada Shirka Beelaha Sacad
Muuse, ayaa sheegaya in Shir lagu qabtay Guriga Wasiirada
Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ay ku kulmeen Gan acsatada
Waa-weyn iyo kuwa Dhexe ee Beelaha Sacad Muuse, kuwaasoo sida iluhu
tibaaxeen ku lankooda looga gol-lahaa sidii ay Kaalmo dhaqaale uga
geysan lahaayeen Shirka. Hase-yeeshee, iluhu ma xusin iyo
waxyaabihii la isku la qaatay.
“..Maayarka Gabiley Maaha Inuu Golaha Kala Qaybiyo, oo Xisbiyo u
Qaybiyo..”
Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi
Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Ismaaciil oo ah gudoomiyaha gudida
Nabadgalyada ee golaha deegaanka gabiley ayaa maanta shir jaraa,id
ku qabtey magaalada gabiley, waxaanu raaligalin bixiyay dhacdadii
lagula kacay wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Dr Maxamed
C/laahi Cumar , waxaanu maayarka gabiley ku booriyey inaanu kala
qabin xildhibaanada golaha deegaanka gabiley, waxaanu xildhibaanada
usoo jeediyey inaaney suuqyada ka caytamin ee ay miiska wada hadlka
kusoo noqdaan.
Ugu horeyn waxa uu yidhi” marka hore waxaan raaligalin siinayaa
wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Dr maxamed c/laahi
cumar, waxaan leenahay sacaadatu wasiir raali noqo gobolku waa
gobolka udhashay waanan raaligalinayaa, Golaha deegaanka waxaa loo
doortey inay ka sheqeeyaan danta umada iyo horumarkooda, cidkasta oo
xildhibaanada reer ka dhigtan dambiga iyada leh, anigu waan ahay
gudoomiyii amniga cida isku deyda inay buuga iyo qas samayso Talaabo
adag ayaan ka qaadayaa.” Ayuu yidhi xil c/casiis c/laahi
Mar uu xildhibaanku la dardaarmayey maayarka degmada gabiley iyo
xildhibaanada Hogaanka golaha mucaaridka ku ah waxaanu yidhi” waxaa
lee yahay maayerka gabiley golaha ha kala jabinin, xildhibaanada ha
u kala saarin xisbiyo, xildhibaanadu waa kuwii ku doortey mucaarid
iyo muxaafidba adiga ayaa u maaryar ah, waxa ay tabanayaa inaad
qancsio xaq ayay u leeyihiin , waxaan leeyahay xildhibaanada
mucaaricka ah xildhibaano ayaa tihiiin looma baahna inaad suuqyada
iyo maqaaxiya ka hadashaan, xildhibaano ayaad tihiin sharaf iyo
karaamo ayaad huwan tihiin, waxaan tabayneysaan waxaa loo baahan
yahay inaad soo fadhiisataan miiska wada hadalka, mudadii aynu
joogney waxaa soo jiitamayey khilaaf kaasi oo naafeeyey waxqabadyo
faro badan oo inoo qabsoomi lahaa, hadii uu maayerku xumaan iyo
wanaagba leeyahay waan la waadaageynaa,waxaan ugu baaqayaa inay
maamulka golaha iyo xildhibaanadu sida ugu dhakhasaha badan ku
dhameeyaan khilaafka ka dhex aloosan,”sidoo kale waxaa u kula
dar-dar may xildhibaanada in ay la xisaab tamaan maayaarka isla
markana ay qiiraan waxaa u qabtay “xildhibaan c/casiis c/laahi
ismaciil.
Wargeyska Yool ,Hargeysa
|