Khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay Gudoomiyaha Kulmiye Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Muuse Biixi

 

Warar aanu ka helnay ilo mihiim ah oo lagu kalsoonyahay ayaa noo xaqiijiyay in uu jiro khilaaf siyaasadeed oo hor leh oo la soo gudboonaaday gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Siilaanyo iyo Mudane Muse Biixi.
Ilahaasi may sheegin khilaafka dhabta ah ee ay isku hayaan labdaasi masuul, hase ahaatee waxa ay dacal saareen in midba midka kale ku eedaynaayo hab u socodka xisbiga oo ay sheegayaan in aanu u socon habkii loogu talo gala, taasi oo ay ugu weyntahay, ka bixitaanka ay xisbiga ka baxeen ama ka dhaqaajiyeen rag waawayn oo siyaasiyiin ah oo ay ka mid yihiin Dr Axmed Xuseen Ciise, Muj. Cadiraxamaan Aw Cali iyo Muj. Dhagaweyne.

Ma aha arinta dhabta ah ee la filaayo in khilaafka labadaas masuul uu salka ku hayo arintani oo midba midka kale ku dhaleecaynaayo in horaantii waxba laga qaban waayay iyo in la xalin waayay wakhtigii loo baahnaa, hase ahaatee waxa la filayaa in khilaafkaasi uu intaasi ka qoto dheeryahay.

Sida ay doontaba ha ahaatee waxa ay wararku xaqiijinayaan in arinta khilaafkaasi ay sababtay in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Siilaanyo uu ka baaqdo shirkii ay xisbiga Kulmiye isugu yimaadeen magaalada London, kaasi oo horaantii shirkaasi ay ku qornayd in gudoomiyuhu uu shirkaasi ka qayb qaato, shirkaasi oo uu tageeryaasha xisbigiisa kula hadlo, hase ahaatee shirkaasi oo aan u dhicin sidii loogu talo galay oo ayna dad aad u tiro badani ka soo qayb galin sidii shirarkii hore ee noociisani ahaa oo kale ee ay Kulmiye London ku qabsan jireen ayaa waxa halkaasi ka hadlay oo lagu soo dhaweeyay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Kulmiye Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, oo ay ahayd in isaga iyo gudoomiyuhu ay shirkaasi ka wada qayb qaataan

 

 



Source: Qarannews