Khilaafkii UCID Oo Gaadhay Inay Maxkamad Iskugu Hanjabaan




Hargeysa (TNN):-Khilaaf huursanaa oo indhowaaleba ka dhex aloosnaa Xisbiga UCID, ay aa si rasmi ah dibadda ugu soo baxay, kaasi oo xisbigaasi u kala qeybiyay laba Garab oo ay kala Hoggaaminayaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Murrashaxa Madaxweyn aha UCID iyo Jamaal Cali Xuseen.

Khilaafkan oo salka ku haya dhinaca hoggaaminta iyo sida loo maareynayo siyaasadda guud ee xisbiga ayaa bilihii u dambeeyay aad u kala fogeeyay Guddoomiyaha UCID iyo Murrashaxa Madaxweynaha xisbigaasi. Waxaanu khilaafkaasi gaadhay heer ay iskugu hanjabaan inay maxkamad ku kala calaf qaadi doonaan.

Khilaafka xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa cirka isku soo shareeray ka dib markii uu dabo-yaaqadii bishii hore Murrashaxa Madaxweynaha xisbigaas Jamaal Cali Xuseen mag acaabay Afhayeen cusub oo uu sheegay inuu noqon doono masuulka kaliya ee ku hadli kara afka xisbiga, waxaana arrintaasi ka biyo diiday Garabka Guddoomiye Faysal oo ku tilmaamay mid sharci darro ah.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha UCID Mr. Xuseen Xasan Bad-maax oo ka mid ah Garabka taabacsan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa sharci darro ku sifeeyay afhayeenkii uu dhawaan magacaabay Murrashax Jamaal Cali Xuseen, isagoo arrintaas ka hadlayayn a waxa uu yidhi “Xeerka xisbigu waxay siinayaan magacaabista masuuliyiinta Guddoom iyaha xisbiga, balse murrashaxiintu waxay xaq u leeyihiin marka ololaha doorashadu soo dhawaado inay dejiyaan qaabkii xisbigu ku guulaysan lahaa iyo masuuliyiintii ololaha. Ta labaad xagga magacaabista xubin kasta Golaha dhexe ama Gudidda Fulinta ka tirsan oo xataa Murrashaxa xisbigu ka mid yahay waxay xaq u leedahay inay soo jeediso masuul xil loo magacaabayo, ka dibna waxa la marinayaa nidaamkii sharciga ahaa.marka la isla qaato ayuu ansaxayaa qofkii la magacaabayay.”

“Illaa hadda xilalka uu magacaabay Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga UCID Md, Jamaal Cali Xuseen, waanu maqalay oo waanu ognahay, laakiin xagii sharciga wax na soo gaad hay ka guddi fulin ahaan ma jiro. Waana sharci darro,”ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga UCID.

Geesta kalena Afhayeenkii uu magacaabay Murrashax Jamaal Cali Xuseen, oo magaciisa la yidhaahdo Mr. Muuse Ismaaciil Qardhab, ayaa isna dhinaciisa ku dooday in magacaabi stiisu sharci tahay isla markaana waafaqsan tahay heshiiskii ay kal-hore Jamaal Cali Xu seen la saxeexday xisbiga xiligii uu ku soo biirayay oo qoddobo ka mid ah heshiiskaasi dhigayeen inuu soo magacaabo qeyb ka mid ah xubnaha golaha dhexe iyo gudida fulinta ee xisbiga.

“Ma garanayo waajibaadka shaqo ee uu Xuseen Bad-maax Xisbiga UCID ka hayo, go’aa nkii hore ay u soo saartay Maxkamadda sare waxay ku sheegtay in Guddoomiyaha xisbi gu yahay Faysal Cali Waraabe. Khilaafka xisbiga heshiis ayaa laga gaadhay todobaadya dda soo socda ayaana la doonayay in la shaaciyo. Heshiiskanna inay wax ka dabo yimaa daan may ahayn,”ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga UCID ee murranku ka taagan yahay.

Muuse Ismaaciil Qardhab oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku ladhay “Ma ay ahay n in rag aan ahayn Guddoomiyihii xisbigu ay saxaafadda la hadlaan ay qod-qodaan khila afkii xisbiga ee heshiiska laga gaadhay oo ay yidhaahdaan caynkan iyo sidan ayay wax u dhaceen. Arrintaas runtii waa wax laga xishoodo.”

“Haddii Arrinta Xisbiga dhulka la dhigi waayo oo la dejin waayo dalku sharci ayuu leeya hay oo sharcigaas ayaa lagu kala bixi doonaa oo Maxkamad ayaa la isla tagi doonaa, m arkaa maxkamaddu waxay nin walba siiso ayuun buu ka qaadi doonaa ayay ila taha y,”a yuu yidhi Afhayeenka Garabka Jamaal Cali Xuseen.



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland