Khudbadii Qirinqiirku iyo dhibiijooyinku soo diyaariyeen ee M/weynuhu Akhriyey

 


Maanta qallinka ummaan qaadan in khudbadii M/weynaha erey erey iyo weedh weedh aan u axadho-taasi way ii danbayn doontaa- hasayeeshee waxaan si kooban u guud marayaa nuxurkii iyo Af-somaligii uu adeegsadey. Midina way iga afeef. Anigu habar jir helay, oo moodey in uu dadba wada helay, doog wararacalaynaysa iyo tu la da' oo aan waxba ka duwaneyn oo guul ooman ku jirta, midna lama safto. Labaduba garta ayay iga dilaan oo col iyo laan deyr baanu nahay. Beel wada mucaarid ah iyo beel wada muxaafid ah, midna garaad iskuma raacin, abnimay dugsanayaan. Waa dameer iyo labadiisii daan. Waa laba danbiile. Labadaa midna ha ii malaynina.


Weedhaa war iyo wax iska sheegay dheh. Weedh kalana waa Khudbadii sannadeedkii M/weynaha oo aan dib u jaleecaayoo.


Khudbadii shalay Madaxweynuhu ka hor akhriyey labada gole ma ahayn khudbada heer qaran ah. Waxay ahayd khudbada hadday ugu sarayso heer beeleed amma heer jilib ah. Hasayeeshee markaad sii dhuuxdo amma aad u sii dhabo gasho Waxaa hubaal ah in ay ahayd khudbad heer qirinqiir isu bahaystay dantooda gaaban, oo aan doodba gayin.


Bal dib ugu laabo khudbadii tan ka horeysey ee qirinqiirku soo diyaariyey ee M/weynuhuna ka hor akhriyey shirweynihii Golaha dhexe ee KULMIYE. Waxaad arkaysaa in ay soo diyaariyeen dhibiijooyin, indhaha garaadka loo gashay oo aan meel fog wax arag. Khudbadaa M/weynuhu wuxuu ku faanay iyada oo aan go'aan maxkamadeed lagu ridin, in la qabqabtay madax musuqmaasuq faraha la gashay oo ay dawladiisu daacad tahay. Muddo gaaban kadib kuwii laftooda ayuu u magacaabay mansabyo sare. Ma kula tahay in uu khudbadaa soo diyaariyey dhawr iyo todobaatan jir, muddo 50 sano aha siyaasada ku soo jirey, oo weliba qadhaadhkeeda iyo macaankeeda soo arkay?


Khudbadan uu haatan ummadda ku sooryeyeyna shido mooyee, shucuur qaran may xanbaarsanayn. Waayo mar haddii ay ka qaawan tahay xaaladda dhabta ah ee dalku marayo, waa meel ka dhac oo garaadkii dadweynaha ayaad yasaysaa.
Waxay lahayd godaloolooyin badan oo muujinaya in uu wiil yar oo la ficiltamaya wiil yar oo baraha internetka aragtidiisa ku qoray. Khudbad siyaasiyaasadeed, wax isku soo dhaweyneysa ma ahayn. Qofka mudakar ah oo Qaran hogaaminayaa ma ammaano ka la jooga. Wuxuu culayska saaraa ka maqan ee wax tirsanaya. Bal day wuxuu ammaanay Gaboose oo beel dabada gashayday, Xaqsoorna muu carabaabin. Ilaa hadda intaan ogahay XAQSOOR shifto ma ah, Jabhad ma ah, qori ma sitaan, dagaal ma abaabulayaan, muxaafid iyo mucaaridba way leeyihiin. Kii cadhooda ee cabashada fogeeyana, dawladi waa tii u dul qaata, ereyo ka dhan aha, haddana soo dhaweynaya adeegsata.

Haddaad eegto dhinaca luqada iyo af-somaliga, ma noqon doonto khudbad taariikhda gelasha oo suugaan ahaan la tixraaci karo. Waxaa laga yaaba in loo adeegsado tusaale Khudbadaha xunxun iyo bahbahaada marka ardayda dugsiyada loo dhigayo suugaanta. Waxay ka madhan tahay waxyaabaha lagu qiimeeyo khudbadaha dhaxal galka ah, sida ereyada la adeegsadey, murti, halku dheg, sheeko dhextaal oo aad soo minguurisey, maahmaah, aayada qura'aan ah, tix iyo tiraab aad dhex dhigto, maad iyo qiiro la isku dhufo oo ku munaasib ah meeqaankaad ka hadlayso. Mar hadduu khudbada kuu soo diyaariyo afkii cayda yiqiin, Afkii beenta yiqiin markaad mucaaridka ahayd, waa iska qirinqiiro, dadweynaha iyo cid kale toona u cuntamimayso.

Ceeb baan kala cararayaa M/weynaha oo uguma baran, mana qabo in aanu waxba ka baran Kudbadihii Siyaasiyiintii ka horeysey, kuwuu la shaqeeyey, kuwuu isaga hore u akhriyey iyo kuwa Xaaji Cabdi Waraabe ee dadweynaha ku dhibca iyo kuwii madaxda caalamka ee dugsiya lagu baray. Ma odhan karo: "alla qabe afkana waa yaqaan, waana ka agnaan".


Sidaa daraadeed waxaan hadalkaygii ku soo gabagabeenayaa Somaliland umma baahna in ay iyada oo kala jeeda oo cidhifyada ka gubaneysa, Maraykan iyo Ingriis ku mudaharaado. Umma baahna in la dhegeysto dawladia iyada oo aan ka war hayn, dadweynuhu ogaado meeqan caalamka ka taagan tahay Somaliland. Waxaa loo baahan yahay M/weynaha garbaduuban in marka hore laga xoreeyo masiibadan ku habsatay, oo xoriyadiisii loo soo celiyo. Umma baahnin shirweyne Qaran, waxaa loo baahan in guriga madaxtooyada dib loogu soo celiyo taladii qaranka iyo dadweynaha, magacii iyo haybadii dawladnimo.


Haddaan taa intaa ku dhaafo, waxaan leeyahay walaalahayga XAQSOOR ismuujinee ha inna biyo dhijina. Kala takoor umma baahnin. Ha u fududaynin qirinqiirka damacooda qaladka ah. Caddaalada Axmed dhagax weydey, inta kalana way ka maqan tahay, taasi waa hubaal. Haddii sidan qirinqiirku ku sii socdo, Somalilandba waxay idinka danbaysaa waa dayrtan maanta ah
 

 

 

 

 

Hamud Duale