Kol Hadaanu Odeygii La Doortey Talineyn Xirsi iyo (New) Moorgan Ragey Odoyaashoodii La Dhaceen In Ay Banaanka U soo Tuuraan Waa Abaalkood

 


Marka hore waxaan Salaamayaa dhamaan bahda Timacade News ee Gudbiya Aragtida dad weynaha iyo Rayiga Caafimaadka Qaba, inkastoo aan anigu ka jecelahay inaan Siyaasada Xukuumada Siilaanyo ka jecelahay in Bulshada Looga Waramo Arimaha Bulshada haddda na, waxaan qalinku seegayn waayaha taagan iyo wacyiga jooga iyo hadba talo xumada ka joogta Aqalkii aynu waayeelka waxgarad lamoodka ah u dooranay oo hungo laga joogo.

Si kasta oo ay ahaataba waxaan halkan doonayaa inaan horta ku soo bandhigo Maansadii Abwaan Hadraawi ee (Taawilo), Takri Fale Ma Maqasheen ,afkii Toori dhooblaha ,markuu Go can Togaalaha, ku madhsadey Tigaadii ,Tusmadiisa Gogoshiyo, Tuugeysi Kaga Baxey, Xaga shada Tamuuxdii Gujadiyo, Tantoomada Kaga tuujey, Mililkee Sida qaalin tahliileed, tutuwa ha cantuugee, yidhi toojo wiilkaa ,toogadiisa kaa waa, isna tuurin kuu qorey hadba tiisa Kugu Maal ,taana waa naqaanaa, Gaariyow Tareenkii.............Lagu tacab khasaaree, taabkii riixi waayee, Tamartiisu Guuxiyo ,talan qudha ku koobneyd, mar haduu tolweynihii guradiis a tuulnaa ,tarab tarab u daadshee, tun ku shaashlayaashii , hasha wada tacaarteen, ninba taagtii gorongori,Towstii bacaadkaa ,teedkii hogaankiyo ,taxanaha Wareegiyo tolomada Bu rburisoo , Tayo Socod ka Dhimatee, Biro wada Tafiir Go,ay Wuxu Soo Tukiyaba ,Markii Taagii Hoos Yimid, Toolmoonayaashii Tuugna, Aanu Xadi Jiri inuu Daafta kaga Tago ,Ayey Sheeka dii Timid, Waxey ugu Tiraabeen,  Dhaaxaan Tiirkiyo ,Tiska Culus Samaalow, kaa Tiirineynee Hana Tuurin Jaalow.

Aan intaa ku Dhaafo Maansadii Taawilo ee Abwaan Hadraawi , oo Xikmad badan Xambaars an, Isla markaana aad moodo in ay ka hadleyso Wacyiga maanta Jooga ninbaa laga hayay Allahayow Col aan ku jiro mar uun fiintaasi ha ka cido, Waxaan aad ugu qosley markaan ar key Shaley Qormo ka hadleysa in yarkii Dhuxul ee isku haystey in uu yahey Ina Siilaanyo oo ka baqa qaba in lagu badelayo C/laahi Geeljire taasina ay xaqiiq tahey Waayo Meel ay Car uuri haysato oo ninba sidey doonaan ka yeelayaan Weeyi Xirsi iyo Moorgan maalinba nin bay nin ku dilayaan hadana marka kaa la Isticmaalo , ayaa banaanka loo tuurayaa, miyaan u ogeyn Yarku in ninkii Mujaahid Boobe daba afka u galiyay in aanu isagana hadh u jiideyn, waa laa Shukri Calaa Waajib maad garan maalintaa laakiin maanta Xaqiiqso ayaan leeyahe y , ileyn maad aheyn Ina Siilaanyo e maanta Waxaad tahey ama aad Isku qabtaa Toolmoo nayaashii Tuugna aanu Xadi karin oo banaanka loo Saarayo.

Si kastaba ha ahaatee waxaan uga Digayaa Bulsho Weynta ka soo Jeeda Gobolka Gabiley, in ay fiiro gaar ah u yeeshaan Wacyiga taagan, ee maanta ka jira Xukuumada Siilaanyo iyo sida aan naf loogu haynin Siyaasiyiinta ka soo Jeeda Gobolkaasi, maxaa Yeelay waalaga yaabaa in dad badani u qabaanj in uu talinayo ninkii ay Codka badan Siiyeen ee Siilaanyo, hase yeeshee uma qabaan in ay Xukunkii iyo Masiirkoodii dhooba walaaqayaan Xirsi iyo iyo inanka la yidhaa New Morgan waa macruufe, gaba gabadii waxaan leeyahey Dhuxulow maa nta waxa ku haysata Aniguba tin cows iyo tukubaan ku taagnahee ha igu tiirasn Laangadhe.

 

 


Najiib Ismaaciil Maxamed

Tog-Wajaale ,Somaliland
Numbar Telefoon 4466339