KOL HADDII DOORASHADI DHAMMAATAY KA NASO SHEEKOOYIKAN BY KAYD MAXAMED CABDALLA

 


KOL HADDII DOORASHADI DHAMMAATAY WAXA HUBAAL AH IN LAGA RAYSAN DOONO SHE EKOOYINKAN HOOS KU QORAN:

* Daawo beesha reer hebel oo ka soo diga rogatay xisbi xxx kuwaas oo ku buuray xisbiga xxx

* Daawo Guddoomiyaha Garabka Haweenka/Dhallinyarada xisbiga xxx oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

* Daawo Guddoomiyaha xisbiga xxx oo ku kaftamay in ay dhaleen reer qudhac Guddoomiya ha kale ee xisbiga xxx ay habar wadaag yahiin laakiin maanta, waxa uu geedka u fadhiyaa in abtiyaashii u codeeyaan ayaga oo hore u ahaa danwadaag isla markaana waxa uu cadd eeyey Gudoomiyuhu in qabyaaladdi maanta meel xun marayso.

* Nin qurbaha halka ugu fog jooga oo leh xisbi hebel xilka uu ii magacaabay Eebbe ha ii sah lo hadda dalkii iyo dadkiiba waa ka fog yahay.

* Daawo beesha reer Qudhac oo ka soo diga rogatay xisbi xxx kuna biirtay xxx

* Guddoomiyaha xisbiga xxx oo qado sharaf u sameeyey odayaasha iyo waxgaradka bees ha reer hebel asaga oo ka codsanaaya in ay u codeeyaan.

* Kaydoow waxa maanta hadlay Faysal iyo Cali Gurey ma dhegeysatay?

* Daawo Boqor Buurmadow oo u jawaabay Boqor Buurcas.

* Daawo shirkii belweynta reer xxx oo lagu soo af jaray magaalada xxx iyo go'aammada ka soo baxay.

* Daawo Suldaanka beesha cirka iyo dhulka oo caddeeyey in beeshiisu kala noqotay kalso onidii xisbiga xxx.

* Daawo Gadhmadoobe Xaaji oo beeniyey baaqii suldaanku soo saaray oo ku sheegay arrin aanu reerku u dhammayn.

* Daawo Afhayeenka beesha xxx oo la kulmay aqoonyahannada iyo waxgaradka beesha xxx ee deggan dalka Jarmalka kuna dhiiriyey in danta reerku ku jirto xisbiga xxx kaas oo ula diyaara saamigooda marka ay kursiga fuulaan.

* Daawo marwo xxx oo u jawaabtay heblaayo Dacar oo ka soo jeedda beesha degta barig a iyo galbeedka magaalada Lafadhuux kuna eedaysay in beeshoodu Xamar u socdaan.

* Daawo Garoonka dayaaradaha ee Cigaal oo lagu soo dhaweeyey Marwo xxx oo ah Safiir ka Wareega ee xisbiga xxx halkaas oo ubax ay qoorta u sudhay inaadeerteed dabeedna waraysi siisay shebekadaha wararka.

* Daawo siyaasiga ruug cadaaga ah isla markaana ah aqoon yahan wax laga weydiiyo arri maha adduunka oo kashifay siro badan oo ku saabsan xisbiga xxx.



Intaas ayaan xasuustaa anigu, bal aan ka nasanno illaa doorashada dambe haddii Eebbe idmo.
 

 


Kayd Maxamed Cabdalla.