Komishanka Doorashooyinka oo Caddeeyey in aan Weli la Bilaabin Kala Shaandhaynta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

 


Hargeysa (TNN)- Komishanka doorashooyinka Qaranka, ayaa markii u horreysay tan iyo  m arkii khubarada cusub ee ajaanibka ahi dib-u-bilaabeen sixitaanka iyo ka shaqaynta  mashii nka Serfarka ee kala shaandhaynaya dadkii isdiiwaangeliyey ka xog-waramay halkay  mar ayso shaqadiisu iyo waqtiga la soo gebogabaynayo, si doorashadii madaxtooyada ee  waq tiyada badan dib-u-dhacday qabashadeeda loo cayimo.

Shir jaraa'id oo Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi Geelle  sha lay ku qabtay huteelka Imperail ee magaalada Hargeysa, waxa uu shaaca kaga qaaday in aan weli la gudogelin sixitaanka dadkii isdiiwaangeliyey, balse la bilaabay shaqo cusub oo mashiinka Serfarka laftiisa la doonayo in awooddiisa kor loogu qaado, iyadoo la gelinayo qalab cusub, isla markaana arrintaasi lagala xidhiidhayo shirkaddii samaysay  kombiyuutar ka Serfarka.

Haseyeeshee Md. Geelle waxa uu ku dooday in aanay shaqadaas cusub ee lagu kordhinayo Serfarkau keenayn waqti badan oo qabsoomidda doorashada dib u sii rida, laakiin sida  khu baradu u sheegtay ay qaadan doonto muddo kooban oo dhawr bilood ah.

Afhayeenka Komishanku waxa kale oo uu sheegay in dhinacooda hawlaha u  diyaargarowg a doorashadu uu meel fiican u marayo oo ay dhammaystireen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin shaqaalaha xarunta dhexe ee Komishanka, isla markaana ay maanta safar ugu kala baxayaan gobollada ay ku soo qorayaan shaqaalaha ka hawlgeli doona doorashada ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Mr. Geelle waxa uu xusay inay shaqada komishanka ka soo bilaabeen meel lagu hirdamay oo qalalaase badani ka dhacay, taasina ay ku keentay inay wax walba hoosta ka soo  bilaa baan.

"Waxaannu qornay shaqaalihii xarunta dhexe oo ah ilaa dhawr iyo toban qof oo xirfad leh oo ah kuwa doorashada ka shaqaynaya oo uu ugu horreeyo sarkaalka Diiwaangelinta  Qar anka oo isaga xeerku sheegayo iyo madaxda dhammaan qaybaha kala duwan ee xarunta Komishanka. Waxaannu aad ugu faraxsanahay tayada iyo aqoonta faraha badan ee dalka taala oo aannu iminka oggaanay,” ayuu yidhi Afhayeenku, waxaanu intaa ku daray, "Waxa annu iminka u galaynaa oo marka shirkan jaraa'id aannu dhammayno u baxaynaa  gobolla da dalka si aannu u soo dhisno dadkii doorashada masuulka ka noqon lahaa ilaa  degmooyi nka, annaga oo ku maqnaan doona ilaa laba toddobaad, waxaannu isku qaybin doonaa bari iyo galbeed dalka oo qoloba dhinac u bixi doonto."

Afhayeenka Komishanku waxa uu sheegay in waxyaabihii lagama maarmaanka u ahaa  qab ashada doorashada ay badankoodii diyaar u yihiin, sida lacagta lagu fulinayo hawlaha  doo rashada ee deeqbixiyayaasha iyo dawladda Somaliland kala bixinayaan iyo shuruucda kala duwan ee lagu hagayo doorashada.

"Waxa jira arrinta amniga oo ah ta ugu muhiimsan maanta dalkeena, waxaana jirta halis dibada inagaga imanaysa oo ay wadaan dad la col ah nidaamkan aynu wadno oo cadow u ah," ayuu intaa raaciyey.

Afhayeenka Komishanka waxa uu ka hadlay halka ay marayso shaqada Serfarku, isagoo arrintaa sharraxayeyna waxa uu yidhi; "Arrinta Serfarka waad ogtihiin oo khubaradii aynu sugaynay way joogaan oo hawshii way bilaabeen, dabadeed qorshe ayaa la dhigay dhawr u qaybsamaya, horta kombuyuutarii diiwaangelinta kala shaandhaynayey in kor loo qaado oo waxa la yidhaa qalabka fudud ee kombiyuutarka (Software) in la xoojiyo iyo sidoo kale in la xoojiyo qaybtiisa la yidhaa (Hardware), waxay taasi kelifaysaa in lala xidhiidho  shirka dihii sameeyey kombiyuutarka oo wax la waydiiyo, arrimahaas ayey iminka wadaan khubaradu.

Waxa kale oo la wadaan in xogta mashiinka ku jirta laga sawiro (copy), waayo waa intaas oo ay wax ka xumaadaan. Waxa iyana jirtay xog aad maqli jirteen oo la odhan jiray Nairobi ayaa lala tagay oo la inaga xaday, tiina waa la inoo soo celiyey oo Interpeace way inoo  ke entay, iyadoo xisbiyaduna ay nala joogaan iyadoo cajalado badan ku jirto, rag badan baa nala kaftamay oo yidhi maxaad ka garanaysaan cajaladahan aydaan arkayn, markaa  waxa annu u dhiibnay inamadeenii (shaqaalaha) aqoonta u lahaa oo way ku jirtaa."

Mr. Maxamed Axmed Xirsi waxa uu shaaca ka qaaday in go'aan laga gaadhay waxa laga  y eelayo dadkii dhawrka jeer isdiiwaangeliyey oo la isla qaatay in qofkii dhawr jeer  isdiiwaan geliyey loo soo reebo hal kaadh oo uu ku coddeeyo, isla markaasina digniin loo jeediyo.

"Qalabkaa markay kor u qaadaan khubaradu ayaa xogta ku jirta ay ka shaqaysiinayaan oo sawirkii, farihii, magacii iyo wixii oo wixii oo dhan ayaa la isku baadhayaa oo la isku  eegaya a, kadib wixii dhawr jeer ku celceliyey halkaas ayey ka soo baxaysaa, waxa qorshuhu  ya hay innaga oo xuquuqda qofka muwaadinka ah ilaalinayna in aan qofna si khalad ah looga saarin liiska oo qofkii isdiiwaangeliyey inta uu goobtii codbixinta yimaado laga waayo liiskii dhib bay noqonaysaa haddii xitaa uu ku celceliyey, markaa waxay noqotay in la calaama diyo oo loo sheego inuu ku celceliyey, wixii lagu caddaynayeyna la keeno, oo la yidhaa kala dooro in dambi lagugu qaado iyo saamaxaad laguu sameeyo oo hal mar laguu oggolaado. Waxaannu arrintaa ugu jeednaa inta aynu ka cararayno qof ku celceliyey in dad aan dambi gelin oo liiska ku jiray laga saaro," ayuu yidhi Afhayeenku.

"Khubaradu markay liiska dhammeeyaan ee ay soo saaraan inta nadiifta ah oo aan qofna laga saarin, laakiin la calaamadiyey intii ku celcelisay, waxa la daabacayaa (faafinayaa) liiska ku meel-gaadhka ah, liiskaasi sidii berigii hore ee saddexda xisbi iyo komishanku meel madow tageen ee ay isku qabsadeen waanu oggolanahay iyo ma oggolin yidhaahdeen, si aanay taasi u dhicin darteed marka liiskaa khubaradu inoo soo saarto waxaannu u soo bandhigaynaa dadweynaha oo aannu gayno goobihii laga codaynayey oo qof waliba iska eego inuu ku jiro iyo in kale, kii ku celceliyey halkaas ayaa looga sheegayaa," ayuu Mr. Geelle hadalkiisa ku soo gebogabeeyey.

Afhayeenka oo la waydiiyey in shaqada cusub ee uu sheegay in khubaradu ka qabanayso Serfarka iyo kala shaandhayntii oo aan weli la bilaabin ay keenayso in doorashadii muddo badan dib u dhacdo ilaa dabayaaqada sannadka, waxa uu ku jawaabay, "Sannadka dham maadkiisu way fog tahay, laakiin sidan aan idiin sheegay waa hawl loo baahan yahay oo aan laga boodi karayn sida khubaradu noo sheegayaana dhawr bilood ayey qaadanaysaa ee maaha waqti sidaa u sii fog."

Mar la waydiiyey marka iyagu qiyaasaan shaqadooda waqtiga rasmiga ah ee ay is leeyihiin doorasho ayaa dalka ka qabsoomaysa, waxa uu yidhi; "Su'aashaas ilaa maalintii aannu xafiiskan qabanay ilaa maanta waa nala waydiinayaa, doorashadu waqtiga annagu aannu jecelnahay ma noqonayso ee xilliga ay qabsoomayso ayey noqonaysaa, waqtiga aannu ku dhawaaqaynaana wuxuu noqonayaa mid aannu kaga dhabayn karno, haddii iminka mala-awaal aannu sheegno oo berri nagu beenowdo waxaannu qabnaa in aanay ummadda  qab anin taasi, markaa in la sugo xilliga ay qabsoomikarayso ayaa fiican."

Waxa kale oo Md. Geelle la su'aalay sababta ay u joojin waayeen olole la sheegay in  xisbi ga UDUB ka bilaabay gobollada dalka oo xisbiyada mucaaradkuna komishanka ka dalbadeen inuu ka joojiyo, waxaannu kaga jawaabay, "Horta waqti olole oo komishanku ku  dhawaaq ay ma jiro, ololuhu waqtiga uu bilaabmayana xeerka ayaa caddaynaya oo waa bil ka hor maalinta doorashadu dhacayso, bishaa gudaheeda ayaanu annagu u kala qaybin karnaa xisbiyada fagaarayaasha iyo warbaahintaba, xisbi arrintaa ku dhaqaaqay oo ilaa iminka Khayriyadda ka hadlayna maanu arag, markaa waxaan qabaa xisbiyadu hawlahooda kale ha wataan ilaa inta doorashada lagu dhawaaqayo."



Source:Jamhuuriya Online