Komishanka Doorashooyinka Oo shaaciyay bilowga u diyaar-garowga doorashada Goleyaasha deegaanka


 


Hargeysa (TNN)-Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay xiligan u hawl-galayaan sidii ay u heli lahaayeen qaadhaankii deeqbixiyeyaasha Somaliland ka taageera dda horumarinta dimuqraadiyadda iyo geddi-socodka Somaliland si ay u qabtaan doorashadii Goleyaasha deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto dabayaaqadda sanadkan 2012-ka.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay inay wadaan abaabulkii lagu qaban la haa doorashada Goleyaasha deegaanka ka dib markii sida uu xusay ay Gudida diiwaan gelintu u soo gudbiyeen liiska lixda urur siyaasadeed ee ka soo gudbay marxaladdii kala shaandheyn ta 15-kii urur siyaasadeed, kuwaasi oo kala ah WADANI,RAYS,UMADDA,NASIYE,DALSAN iyo XAQSOOR.

Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) wuxuu intaasi ku daray inay shalay kulan la yeesheen urr uradda siyaasadda iyo sadexdii xisbi qaran ee hore dalka uga jiray isla markaana ay ka wada hadleen qorshaha qabashadda doorashooyinka oo ay isku waafaqeen in doorashada lagu galo habka tooska ah oo murashaxiinta lagu kala dooranayo.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinku waxa kale oo uu sheegay inay u kicitimi doonaan dal ka Kenya si ay qaadhaan bixiyeyaasha caalamiga ah ugala hadlaan dhaqaalihii ay ku kabi jire en doorashooyinka Somaliland.


Md. Maxamed Axmed Xirsi wuxuu ku dooday inay iyaga dhinacooda diyaar u ahaayeen qabash adda doorashada hase yeeshee ay muddo laba sano ku dhow ka dhursugayeen abuurista iyo kala shaan-dheynta ururadda siyaasadda.



Weriye Cumar Maxamed Faarax