|
Komishanka
Doorashooyinka oo sheegay inay dib u eegis ku samaynayaan
Natiijaddii Doorshadda Hargeysa

Guddoomiyaha Komshanka ayaa sidoo kalena waxa uu sheegay Ururada
Siyaasada iyo Asxaa bta..............
Hargeysa (TNN) - Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Somaliland Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari) ayaa si rasmiya
u shaaciyey inay Hakiyeen natiijadii hordha ca ahayd ee Degmada
Hargeysa.
Guddoomiyaha Komshanka ayaa sidoo kalena waxa uu sheegay Ururada
Siyaasada iyo Asxaa bta Qaranka ay isla garteen in dib loogu noqdo
Tirinta Codadka Degmada Hargeysa, oo Cabashhyin laga muujityey.
Gudoomiyaha Komishanka Qaranka Eng. Ciise Xamari ayaa waxa uu
arimhaasi kaga halay wa raysi uu maanta Siiyey Idaaca BBC-da
Laanteedka Afka Soomaaliaga, isaga oo arimhaasi ka hadlaya waxa uu
yidhi “ Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu go'aansaday Maadaa
ma markii Natiijadii Codbixinta Hargeysa markii lagu dhawaaqay
degmada Hargeysa ay ka bil aameen Rabshado, isla markaasina ay
dhimasho dhacday, in la hakiyo Natiijadii hordhaca aha yd ee Degmada
Hargeysa Dib u Eegisna aanu ku samayno Sanaaduuqdii Hargeysa.” ayuu
yid hi Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinku.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Komishanku inay Ururada iyo Xisbiyada
isla qaateen in dib loo tiriyo Codadka ka soo baxay Hargeysa “
Ururada iyo Asxaanta waxaanu ku qanciyan dib u eegistaa aanu
samaynayo, waanay nala wada qaateen, ururka Xaqsoor isaga
Masuulyiint iisa waanu la xiidhinay waxay Yidhaahdeen Jawaabta aad
cabashadaya ka bixinayaa Warbaa hinta noo soo mariya, fariinta dadka
ay ku socoto waa ka mid.” Ayuu yidhi Eng. Ciise.
Guddoomiye Ciise ayaa Waxa kale oo uu sheegay in deegaanada Saylac
oo cabashooyinka soo yeedhayeen ay wada hadleen islamarkaana ay isla
garteen in ay cabashadooda u gudbi yaan Maxakamada Gobolka Awdal.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|