Koob kubada cagta ah oo loogu magac daray Gar aad Cabdi Rashiid Garaad Ismaaciil oo lagu soo gabagabeeyay magaalada laascaanood

 


Laascaanood (Timacade News)-Ciyaarahan oo ay ka soo qayb galeen kooxo gaadhay ilaa 13 Naadi oo ka tirsan kooxaha kubada cagta magaalada laascaanood ayaa waxaa Finalkii ii sugu soo hadhay laba kooxood oo la kala yidhaahdo ELMAN iyo DABKA  ciyaar ahan oo lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Xirsi Guray.

Hadaba Ciyaartii kama danbaysta ahayd ayaa waxaa ka qayb galay Garaad Cabdi  Ras hiid Garaad ismaaciil iyo dadweyn tiro badan, Garaadka ayaa halkaasi khudbad uga soo jeediyay dhalinyaradii ciyaartoyda ahayd isaga oo ku dhiiri gelinaya wuxuu yidhii, Hadii dhalinyaro tayadiina ciyaareed kor u qadaan oo aad isku kalsoonaatan waxaad  gaad haysaan horumar, wuxuuna xusay in kaalintiisa uu ka qayb qaadan doono sidii kor  lo ogu qaadi lahaa sportiga gobolka iyadoo garaadku sheegay inay u furi doonaan  Acc ont lagu dhiiri geliyo cayaaraha gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa halkaasi ciyaartii ay labada kooxoodba ay soo bandhigeen cayaar  a ad u qiimo badan labada kooxaad ayay u suuro gashay inay dhaliyaan mid koodba gool intii ciyaartu socotay iyadoo ay ku kala baxeen rigoorayaal ama gool ku laad ay  guus hu ku raacday Kooxda ELMAN halkaaso ay koobkiina ku qaadeen.

koobkan oo maalmihii ugu danabaysay ka socday garoonkan ayaa ku dhamaaday guul iyadoo uu garaadkuna ugu hambalyeeyay horumarka cayaaraha gobolka iyo  dhalinya radii soo agaasintay.



Timacade News Desk
Laascaanood Office
Email:qanciye_ciise@hotmail.com