Koobkii Bisha Ramadaan oo ka bilaabay Garoonka Kubadda Cagta ee Gabiley.
 


Kooxaha koobkan ka qayb galaya oo ay ka mid yihiin kooxaha Lion, Heego, Timacade, Hory aal, Niil, Dhoobo, Qaran, Gaashaan, Nafaqo, Djbuti, horseed, Cadho, Daalo,.. Daawo Sawirad da

Gabiley (TNN)-Koobkii Bisha Ramadaan ayaa si Rasmi ah Shalay uga bilaabmay Garoonka  Kub adda Cagta ee Gabiley Stadium, Wareegaasi oo ay ka soo qayb galayaan 14 kooxood oo ka mid ahaa Kooxaha heerka labaad iyo seddexaad ee Gabiley, koox ka mid ahina ahayd koox ay samaysteen Dhalinyarada Reer jabuuti oo Wadanka ku soo xagaa baxay.

Koobkan ayaa ahaa mid Sanad walba bisha ramadaan wakhtigan oo kale lagu wada ciyaaro Garoonka Gabiley iyada oo Bisha ramadaan Dadwaynuhu aad uxiiseenyaan daawashada  koo bkaasi.

Koobkan ayaa ku Bilaabmay jawi xiiso badan iyada oo lagu furay labada kooxood heego iyo Lion oo ah laba kooxood oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ugu cadcad, kuwaasi oo soo bandhigay Ciyaar aad uxamaasad badan iyo Habdhaqan wanaagsan oo akhlaaqadi ku  dhee hantahay, taasi oo ku dhamaatay baraajo 0-0.

Labadan kooxood ayaa hore Xurgufi u dhexmartay iyaga oo Xabsiga loo taxaabi jiray mar  w alba oo ay ku dagaalamaan Garoonka dhexdiisa balse Ciyaartan ayaa ku dhamaatay Jawi  far xadle iyo iyaga oo Gacmaha is-haysta taasi oo ay suuro galiyeen Maamulka Cusub ee  Ciyaa raha Gabiley oo soo Saaray Xeerar adag oo lagu kala Xadaynayo Kooxaha Gobolka.

Kooxaha koobkan ka qayb galaya oo ay ka mid yihiin kooxaha Lion, Heego, Timacade,  Horya al, Niil, Dhoobo, Qaran, Gaashaan, Nafaqo, Djbuti, horseed, Cadho, Daalo, ayaa noqon doona Kooxaha ka qayb gali doona Tartanka Ciyaaraha kubada Cagta ee bisha ramadaan.

Gudoomiyaha Ciyaaraha Gabiley Maxamed Arts ayaa Mahadnaq balaadhan usoo jeediyay  Sh irkada isgaadhsiinta Telesom iyo Ganacsatada Gobolka ee ka qayb qaatada Ciyaaraha Gabil ey.
 


Mustafe Future
Timacade News Desk
Gabiley/Somaliland
mccfuture@hotmail.com

 

 

 

 

Mustafe Future