Koobkii Ramadaanta ee loogu Magac daray Mujaahid Gacma Dheere oo Maanta lagu Soo gabog a beeyay Garoonka Gacma Dheere Hargeisa

 

Hargeiesa (Longlivesomaliland news)-Koobkii bisha ramadaan ee Loogu Magacdaray Alle ha unaxariistee Mujaahidkii waynaa ee Gacmo Dheere ayaa Maanta lagu soo gabogabeeyay Ga roonka kubada Cagta ee Gacmo dheere ee Magaalada hargeia.

Ciyaartii Xidhitaanka koobka oo ay maanta wada ciyaareen labada kooxood ee Saad NGO iyo Daalo School ayaa waxaa kala soo qayb galay Agaasimaha Dalada Dhalinyarada ah ee Sonyo Maxamed Axmed Maxamuud (Barwaani). Iyo Wiil udhalay Mujaahidka koobka loogu Magac d aray Mustafe Mujaahid Gacmo dheere, waxaanay halkaasi Hadalo guubaabo iyo Waano  isu gu jira uga jeediyeen dhalinyaradii ka qayb gashay Ciyaartii final-ka ahayd ee Maanta.

Ciyaarta ayaa waxay ku bilaabantahay jawi aad uheer sareeya iyada oo labada kooxoodba muujinayeen ciyaar wanaag, iyo Tabaha iyo xeeladaha Aqooneed ee ay uleeyihiin kubadda cagta.

Koox waliba waxa ay isku dayaysay inay iska caabida kooxda ka soo horjeeda, si ay iyadu libinta u kasbato, Nasiib wanaag haafkii hore ee ciyaartu waxa uu ku dhamaada 0-0 .

Markii lagu soo noqday Halfkii Danbe ee ciyaarta ayaa wax ay Labada kooxoodba bilaabeen inay guul ka soo hooyaan kooxda kale, waxaana goolkii hore Nasiib u yeesha kooxda Daalo School, wax yar markii ay socotay ciyaartu ayaa waxaa goolkii barbaraha ka daba keentay Kooxda Saad NGO, oo iyada lafteedu aan ka dhicin, Ciyaarta ay soo bandhigayso,

Ciyaartaasi waxa ay ku dhamaatay 1-1 waxaana loo dhigay rikoodhayaal halkaasina waxay guushu ku raacday kooxda ku ciyaaraysay Magaca Dugsiga Daallo School oo 5-4 kaga Badisay kooxda Saad NGO.


Ugu danbayntii Gudoomiyaha Tartankan Bishii ramadaan ka socday Garoonka Gacmo dheere Mr.Shiil Cabdi Shiil, oo ay Gabiley News wax ka waydiisay sida uu ku dhamaaday koobkaasi, ayaa sheegay in uu si nabad galyo ah ku dhamaaday oo aanay jirin cid ka cabanaysa cadaalad darro iyo wax kale toona.


 




Mustaf Future

Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office