WAR-SAXAAFADEED

 

 

Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay uga mahadnaqayaan saddexda xisbi Qaran iyo Madaxtooyadaba kaalintii wanaagsanayd ee ay ka qaateen hirgelinta diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo ay ilaa hadda si fiican u wadaan.

Haseyeeshee, waxa soo baxaya cabashooyin isa soo taraaya oo u muuqda olole siyaasa deed oo ay wadaan xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, gaar ahaan labada gobol ee Togd heer iyo Awdal, haddaba, si looga hortago soo noqnoqodka dhacdooyinkan oo horseedi karta in la majara-habaabiyo habsami-u-socodka hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha Komishanka Doorashooyinka Qaranku isaga oo hawsha diiwaangelinta ku taariikhaysan 07/03/2016 ee Guddiga Ilaalinta Anshaxa Codbixiyayaasha wuxuu soo saaray awaamiir tan.

1. In laga bilaabo 8th March 2016 saddeda Guddoomiye xisbi Qaran aanay tagi karin Gob olka Diiwaangelintu ka bilaami doonto muddo 15 casho ka hor maalinta diiwaangelinta.
 

2. In Guddoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran oo wata min toddoba xubnood ay ka soo qaybgalaan maalinta daahfurka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Gobol kasta iyagoo Xisbi waliba wato ugu badnaan 5 baabuur oo aan lahayn istiikro, mikrifoon iyo sawirro, waxaanay gobolkaas ku sugnaan karaan maalinta bilowga diiwaangelinta iyo saddex maa lmood oo ka horreeya.
 

3. Waxa looga digayaa xisbiyada Qaranka in aan la ogolayn in lagu arko magaalooyinka b oodhadh iyo sawirro lagu xardhay murrashaxiin sheeganaya in ay u tartamayaan Baarl amaanka ka hor muddada uu sharcigu u fasixi doono oo go’aankiisa soo saari doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku.
 

4. Xisbi kasta oo jabiya awaamiirtan Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa lagu ciqa abi doonaa Xeerka Diiwaangelinta, Xeerka Hab-dhaqanka Diiwaangelinta Codbiiyayaasha iyo xeerarka kale ee Qaranka ee khuseeya Doorashooyinka.”



Alla Mahad Leh
Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Eng. Cabdiqaadir Iimaan