Kooxaha ay ka kooban tahay Dowlada Somaliland!
Haddii aad fahansantahay Dowlada dalka Somaliland ka jirta xilligan
inta kooxood ee ku bahawday,ay isugu jirto ,markaa way dhib
yaraanaysaa in aad fahanto waxay qaban karto ,gaar ahaan dhinaca ho
rumarka shacabku u baahan yahay.Runtii waxaan aad u jecelahay in aan
si fudud kuu fahansiiyo,inta kooxood ee ay ka kooban tahay Dowlada
Somaliland ee maanta xilka haysa.Waa hubaal in ay yihiin kooxo aan
wada shaqayn Karin,isku dhinac u socon,isku ujeedo iyo hadaf midna
aan hayn,balse ay yihiin kooxo ku heshiiyey dano aan sidaa u sii
muhiim ahayn,waxaana ka mid ah:-
Kooxda 1aad:-
Waa koox dembiyo ka galay Qaranka
Somaliland iyo caalamkaba,waxaa la soo hortaagay oo dacwado
oda dhegaysatay Maxkamadaha dalka, iyo qaar ku yaala wadamo dibada
ah,waa lagu helay dembiy adii lagu soo oogay,waxaa lagu riday
xukun isugu jira xadhig iyo ganaax lacageed.Waxaa xukunka ku riday
Maxkamadii sharciyeysay Doorashooyinkii dhaarisayna Dowlada maanta
dalka ka talisa,iyo Max kamadaha Dowlado kale. Haddii shaqsigu
uu dembi ka galo bulshada uu la nool yahay iyo caalamkaba ,ma
haboona in uu haddana masuul ka noqdo.
Kooxdda 2aad:-
Koox Aflegaadii Dowladii hore Xilka ku heshay
: Waa koox xilka ku heshay Aflegaado,cay iyo ceebayn ay la
dul daagnaan jireen Madaxdii Dowladii hore,waxaan laga yaabaa in
qaar badan oo idinka mid ahi ay si fiican u xasuusan yihiin
hadaladii xajiinta badnaa ay warbaahinta ka sheegi jireen xilligii
ay muca aridka ahaayeen,waan hubaa in aanay maanta jeclayn in dib
loo xasuusiyo wixii ay ku hadli jireen,wixii lagu jidhaahdaana ay
dhibayaan.
Kooxda 3aad.
Koox loo yaqaan jebiyayaal:- Waa koox
hore xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladihii tan ka horee
yey,waxaa jebiyayaal loogu bixiyey Dowlad kasta oo ay ku jiraan ma
guulaysato,oo iyagaa ugu hore eya inta ka shaqaysa sidii loo
waxyeelayn lahaa.
Kooxda 4aad.
Koox Qabiiliin ah :- Waa koox lagu keenay, qaraabo nimo,reer
nimo,sokooye nimo, iyo dhego nuglaan ta madaxda,ma aha haba yaraatee
dad wax xirfad ah,aqoon ah u leh Dowladnimada,waxay caan ku yihiin
in ay Dowlada kaa xigsadaan,iyo in ay u jawaabaan cid kasta oo
Dowlada soo hadal qaada,run tiina waxaa lagu sifayn karaa koox aan
fahansaneyn waxa Dowladu tahay.
Kooxda 5aad.
Koox cid kale inoo keentay:-Waa koox u shaqaysa kooxo
kale,ururo kale,ganacsato kale ,waxay ku j oogaan ,ku shaqeeyaan
heshiis ay wada galeen Xisbiga talada haya iyo kooxaha ay ka tirsan
yihiin kooxdani.Heshiiyada la wada galayna waxaa ugu muhiimsanaa
dhaqaale iyo Siyaasada,taas ayey mee sha u joogaan ee umma joonba
danaha Somaliland.
Kooxda 6aad.
Koox aan Somaliland-ba aaminsaneyn, balse aaminsan in
Soomaliweyn la mideeyo,Soomaaliweyntana waxay u yaqaanaan Muqdisho
iyo Hargeysa oo keliya,waa koox looga taliyo Muqdisho,waxay si toos
ah uga amar qaataan TFG Sheekh Shariif,waana xidhiidhiyayaasha
Somaliland iyo Soomaaliya,waxaa na laga yabaa in dhowaan
tiradoodu kor u sii kacdo.
Kooxda 7aad.
Waa koox aad iyo aad ugu xariifiin ah habka
xatooyada khayraadka dabiiciga ah ee dalka ,waxay hes
hiisyo la soo galeen Shirkado shisheeye ah ,waxay xooga saarayaan in
ay si dhaqso ah u xaalufiyaan Sibidhka,Kaluunka,Macdanaha kale ee
kala duwan ,kooxdani waxay shaqadoodii durba ka bilaabeen Gobolka
Sanaag,Gobolka Saaxil iyo dhamaan Xeebaha Somaliland.
Kooxda 8aad.
Waa koox ka dhex shaqaysata Somaliland iyo Puntland,sanad
amase labadii sanadoodba dhinac ayey ka soo shaqeeyaan,runtiina in
badan ayaad Saxaafada ku aragtay masuuliyiin isu soo dhiibay Somalil
and,ama isu dhiibay Puntland,waa uun isla kooxdii,adigana waxba kuu
tari maayaan,kii ay ka yimaade ena waxba ma yeelaan.
Hadal iyo dhamaan ma filayo in uu jiro horumar ay soo wado Dowlada
Somaliland ee xilligan xilka dalka haysaa ,sababtoo ah kooxaha ay ka
kooban tahay ma aha qaar sahli kara,keeni kara horumar dalka iyo
dadkuba ku naaloodo.
Mahadsanidin
|