Ku Simaha Badhasaabka Gobolka Gabiley Iyo Taliyaha Qaybta Oo Si Wada-Jir Ah U Beeniyey War Ku Soo Baxay Shabakada Hadhwanaagnews.

 

 


Gabiley (TNN)-Ku simaha Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi (Cali Case) iyo Taliyaha Qa ybta Gobolka Gabiley Axmed Maxamed Guutaale ayaa Galinkii danbe ee Maanta si adag u beeniyey W ar ku soo baxay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews. Kaasi, oo sheegayey in Laba Nin oo loo tuhmay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Dalka Soomaaliya lagu qabtay Degmada Tog-wajaale, kuwaas oo lagu sheegay in lagu hayo Cadaymo.



Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi iyo Taliyaha Qaybta Axmed Maxamed Guutaale ayaa Arrintan ku beeniyeen Shir-jaraa’id oo ay si-wada-jir ah ugu qabteen Xafiiska Xarunta Gobolka Gabil ey. Shirkaa-jaraa’id oo uu ugu horreyn ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi(Cali Case) ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin warkaa ku soo baxay Shabakada wararka Hadhw anaagnews ee sheegayey in Laba Nin lagu qabtay Degmada Tog-wajaale oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi:-“waxa Maanta galinkii danbe website ka Hadh wanaagnews ku soo baxay war aad u fool xun oo runtii naga argagixiyay, warakaas oo odhanaya: Laba nin oo lagu tuhmay inay ka mid yihiin Ururka Alshabaab, isla markaana lagu hayo Cadaymo aya a lagu qabtay Degmada Togwajaale oo waliba Booliiska wajaale su’aalo ka waydiinayaan arrintaasi ayaa kusoo baxay websiteka Hadhwanaagnews”, ayuu yidhi Badhasaabka Gobolku, waxaanu hada lkiisa ku daray:- “Anakuna hadaanu nahay Masuuliyiintii Gobolka ee ku shaqada lahayd Amniga Gobo lka guud ahaan iyo Maamulka Gobolka waxaanu cadaynaynaa in aanu jirin Warkaasi, oo aanu sal iyo raad toona lahayn. Saacad saacad ayaanu Booliiska warka u kala helnaa oo aanu u kala qaadanaa”. Ayuu yidhi Badhasaabku.

Ku simaha Badhasaabku waxa uu hadalkiisa ku daray:- “Laba Nin oo Alshabaab ka mid ah ayaa la qa btayna Arrin wayn weeyi oo Qaranimada dhaawacaya in la yidhaa Nin suuqa jooga ayaanu waraysa nay oo noo cadeeyeyna, iyadoon waxba laga waydiin Masuuliyiintii Amniga iyo Gobolkaba. Waana arrin dhaawacaysa Shabakada lafteeda oo hoos u dhigaysa Sumcada” “Shabakada Hadhwanaagna waa Shabakadaha aanu sida wayn ugu hanwaynahay, in waxyaabahaa oo kale lagu soo qoro ee aa n jirina way dhaawacaysaa Shabakada Sumcadeeda lafteeda. Waxaanuna cadaynaynaa mar labaad in aanu jirin Warkaa ku soo baxay Shabakadu hadaanu nahay Masuuliyiintii Gobolka.

Sidoo kale waxa shirkaa-jaraa’id ka hadlay taliyaha qaybta Gobolka Gabiley Axmed Maxamed Guuta ale oo sheegay Isna in aanay jirin cid Alshabaab loo qabtay Isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi:-“Anigoo ah Mas’uulkii ugu sareeyay amniga Gobolka waxan halkan ka caddaynayaa in aanay jirin Cid loo qabtay Alshabaab oo lagu xidhay Degmada Tog-Wajaale, xaalada guud ahaaneed ee Gobolkuna aad bay u dagantahay wax dhib oo ka jiraana habayaraatee majirto cida warkaas qortay ayay gaar ku tahay waxaanan Saxaafada qaarkeed u soo jeedinayaa in ay ka waantoobaan Warar ka Been abuurka ah, marka ay u baahdan in ay War Xaqiijiyaana waxa haboon in ay la xidhiidhaan Kolba Cidda ay khusayso”. Ayuu yidhi Talye Guutaale."


 



Axmed Sheekh Nuur Ducaale (Axmed Biito)