KU XIGEENKA MUSHARAXA MADAXWEYNE EE UCID MUDANE C/R ASHIID XASAN MATAAN OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYAY GOBOLKA MINNESOTA, USA
 


Minnesota: Waxa caawa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Mi nneapolis, Minnesota, USA musharax ku xigeenka jagada Madaxweynenimada ee Xisbiga UCID, Mudane, aqoonyahan C/rashiid Xasan Mataan. Waa markii u horaysay ee uu Mudane C/rashiid ku yimaado dalkan Maraykanka tan iyo intii uu noqday Musharax ku xigeenka Xisbiga Cadaaladd a iyo Daryeelka ee UCID.

Waxa si weyn usoo dhaweeyay Musharaxa taageerayaasha Xisbiga UCID oo aad u tiro badan oo ay horkacayeen Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga UCID, Mudane Yusuf Budle iyo Gud oomiyaha Xisbiga UCID ee USA, Mudane Xasan Yonis C/lahi.

Waxa kale oo iyaguna si weyn uga soo qayb galay soo dhawayntaas qaar ka mid ah oday dhaq ameedyada, aqoonyahanada iyo Culimo Awdiinka reer Somaliland ee ku dhaqan gobolkan Mine sota oo ay hor kacayeen Suldaanka guud ee beesha Jibriil Yoonis, Suldaan Abubakar Wabar iyo Shiikhul beledka dadka ku hadla afka Soomaaliga ee dalkan Maraykanka, Shiikh Sacad Muuse R ooble.


Musharaxu waxa uu socdaalkiisan ku joogi doonaa gobolkan Minnesota muddo saddex maalmoo d ah, halkaas oo uu kula kulmidoono dhamaanba taageerayaasha iyo xubnaha Xisbiga UCID iyo weliba bulsho weynta Somaliland eek u dhaqan gobolkan Minnesota.

 



UCID Media