Nuxurka Kulan Dhex Maray Madaxwaynaha Somaliland Iyo Hay’adaha Garsoorka Dalka

 

 

Hargeysa (TNN) :- Kulankan ayaa noqonaaya kii u horeeyey ee muddo 24 sanno ah ay la ku lmaan Madaxweynaha qaranka, gudoomiyayaasha maxkamadaha rafcaanada ee gobolada u gu sareeya iyo gudoomiyayaasha maxkamadaha gobolada Dalka dhamaantood, fursadan oo uu siiyey madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, Bahda garsoorka ayaa daba socota dard argelinta iyo dhiirigelintii ay ka heleen madaxweynaha qaranka mudadii uu xilka qaranka hay ey, muujiyeyna dedaal iyo juhdi fara-badan oo uu geliyey sidii dalka ay uga hirgeli lahayd cad aalad ka farxisa qof kasta oo xaq ku socda, tirsanaayana cadaalad daro.

Markii kulanku dhamaaday waxa saxaafada si wada jira ula hadlay Wasiirka Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Maxkamada sare.

Ugu horayna waxa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan X aaji Cali Axmed waxaana hadaladiisii ka mid ahayd ” Maanta halkan waxaa isugu yimi garsoo rkii gudoomiyayaashii maxkamadaha rafcaanada ee gobolada ugu sareeyey iyo gudoomiyay aashii maxkamadaha gobolada dhammaan wadankoo dhan Madaxweynuhuna maanta wuu casuumay si uu ugala hadlo dardar gelinta garsoorka iyo cadaalada markaa si fiican buu Mad axweynuhu u qaabilay waxaan uga mahad naqaynaa sida fiican ee uu madaxweynuhu u soo dhaweeyey waana markii ugu horaysay ee gudoomiyayasha maxkamadaha rafcaanada gob olada wadanka oo dhan qasriga madaxtooyada madaxweynuhu ku qaabilo iyo inta la xusuu san yahayba waayo hore umay dhici jirin waxaanay badh ka tahay dardar gelinta uu madax weynuhu hogaaminayo ee garsoorka iyo cadaalada wax lagaga bedelayo.

Markaa anigoo ku hadlaaya afkii garsoorka iyo cadaalada madaxweynaha aad baan uga mah ad naqaynaa si fiican buu u qaabilay waa lays xogwaraystay talo iyo tusaaluu madaxweynu hu usoo jeediyey.

Sidoo kale gudoomiyeyaashu waxay mdaxweynaha u soo jeediyeen wixii talooyina iyo wixii rayi ah ee ay hayeen, waxaa kaloo aan aad uga mahad naqaynaa Madaxweyne ku xigeenka oo kulanka kala qeyb qaatay iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Xogahayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Amxed Cali, markaa hadaanu nahay bahdii garsoo rka aad baan Madaxweynaha iyo Team-kiisa uga mahad naqaynaa sida fiican ee ay noosoo dhaweeyeen waanu soconayaa xidhiidhkaasiyoo Madaxweynaha waxaa ka go’an inuu dib u habayn weyn ku sameeyo cadaalada si ay dadku u helaan adeeg cadaaladeed oo hufan mar kaa taasaanu anaguna ku shaqaynaynaa”

Ugu danbayn waxa isna hadalka soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Maxa muud Xaashi Cabdi ” waxa hadaladiisi ka mid ahaa, Kulankan maanta ee ka dhacay Qasriga Madaxtooyada JSL Madaxweynuhu wuxuu ku qaabilay sidaa Gudoomiyaha Maxkamadu shee gay Md: Aadan Xaaji Cali Gudoomiyayaasha iyo Maxkamadaha Gobolada Racfaanada ee dalka oo dhan wuxuu ahaa kulan qiimihiisa leh oo aad u muhiima waxay bahda garsoorka iyo madaxda cadaalada ee gobolada kala duwani ka warameen waayaha iyo duruufaha masuuliy ada ay qarankan u hayaan iyo wixii u qabsoomay.
Madaxweynaha JSL wuxuu uga mahadnaqay isbedelka laxaadka leh ee bahda garsoorku Gud oomiyaha Maxkamada sare iyo iyo Guddiga Cadaaladu ka wadaan oo isaguna bartilmaameed u ah Madaxweynaha Maamulkiisa sida aad xogagaalka, ka tihiin Khudbad sanadeedkii sanad kan ee Madaxweynuhu Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida ka hor jeediyey, waxaa uu khu dbadiisii si xoogle ugaga hadlay garsoorka somaliland iyo isbedelka uu u arko inuu ka imana yo, Garsoorku waa waax madaxbanaan oo hadana Madaxweynaha hoos yimaada masuuliy ada qaranka waaxyaha kala duwan odhamina Madaxweynaha ayey hoos yimaadaan.

Madaxweynuhu ilaa 11-qodob oo waxqabada buu sheegay khudbadaa Madaxweynaha ee sanadkani Hay’adaha dawladda ee kale waxqabadkooda midna kama waramin Siyaasada iyo arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha noloshada saamynta ku leh bulshaduu ka hadlayey laakiin garsoorka xoog buu isu barbartaagay khudbadii ugu dheerayd dhinaca garsoorka ama ugu xuska weynayd bay ahayd ujeedaduna waxay iftiiminaysay muhiimada garsoorku u leeyahay cadaaladda iyo nolosha bulshada Somaliland.


Waxaanu aaminsanahay in garsoorka somaliland waa cusub u baryey in uu maanta dariiq wa naagsan hayo waxaa runtii Madaxweynuhu ku guubaabiyey gudoomiyayaashaa gobolada ee kala duwan in isbedelkaa xaqiijiyaan inay ummadda cadaalada gaadhsiiyaan, inay ummadda cadaalad ku dhaqaan, in kalsoonidii bulshada ee bahda cadaalada niyad jabkii kaga dhacay dib loo nooleeyo oo ummaddu aaaminto garsoorka iyo cadaalada, sharciga iyo kala danbay nta, Waxaanu ugu danbayn hambalyeynaynaa u mahad naqaynaa dhammaan masuuliyiinta kala duwan siday xilkooda u gudanayaan waayaha iyo duruufaha ku gedaamana inay u dul qaataan ayaanu ku waaninaynaa kula dardaarmaynaa wixii lagala qaban karana dhamaanteedba Madaxweynuhu runtii waxyaalo badan uu balan qaaday inuu wax kala qabto.”