Kulan dhex maray Saxaafadda Gobolka sool iyo Wasiiradda Somaliland ee ku sugan lasanod

 

Lasanod (TNN)-Saxaafadda Gobolka sool iyo Wasiiradda Somaliland ee ku sugan magaaladda Laascaanood ayaa waxa ay saaka yeesheen Kulan ka dib markii codsi ka yimi dhanka  Xuku umadda Somaliland, Kulankan oo ahaa mid qaatay muddo saacdo ah ayaa lagu gorfeeyey arimo badan.

Wasiirada ka qayb galay kulan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha gudaha iyo  Cadaa ladda iyada oo dhinac Saxaafaddana ay dhamaantood wada joogay, ugu horayn waxaa  ku lankas furay wasiirka Arimaha gudaha Cabdilaahi Cirro oo waano iyo wax sheegba u soo  jee diyey Saxaafadda waxana kale oo uu ka hadlay xadhiga joogtada ee wariyayaasha gobalka loo gaysto sidii looga bixi lahaa

Sidoo kale wasiirka Cadaaladda ayaa xusay in wariyaayasha jooga Laascaanood aysan  was aaradda Warfaafinta ka haysan Aqoonsi isla markaasna ay waajib tahay in wariyayaasha la siiyo kaadhadhka Aqoonsiga ah, waxana isla markaasna uu xusay in loo bahan yahay in  sux ufiyiinta sool ay helaan Tababaro

Dhanka Saxaafadda Gobalka Sool ayaa ugu horayn waxaa u hadlay Axmed Cali Faarax oo ah wariye ka tirsan Tv-ga ETN waxana uu xusay in wariyaashu ay inta badan la kulmaan  cabu dhin joogta ah oo aan xaq loogu la hayn,

Faysal Jaamac Aadan ayaa wasiiradan ka codsaday in Askariga Policeka ah uusan  Suxufiyii nta isla markiiba aysan soo qaban ee uu soo maro wada sharciga ah ee Maxkamdu jidaysay

Cabdisamad Kayse Maxamuud ayaa ka sheekeeyey baahiyaha joogtada ah ee ay qaban  su xufiyiinta Gobalka Sool waxana uu sheegay in wariyayaasha ka hawl gala gobaladda  Somali land ee ay helaan tababaro, siminaaro iyo gunooyin kale balse kuwan Laascaanood ka  hawl gala ay ka ooman yihiin


Ugu danbayntii shirkan suxufiyiinta iyo wasiiradu waxa uu ku soo ibo belay jawi wanaagsan iyada oo Wasiirka arimaha gudaha uu ka codsaday in wariyaashu ay soo gudbiyaan waxa ay ka cabanaayan isla markaasna loo balamay kulan kale



Timacade News Network TNN
Lasanod Office