Kulan maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2013 ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Som aliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE

 




UJEEDDO: KULAN DHEXMARAY MADAXWEYNAHA IYO HOGGAANKA XISBIGA

Kulan maanta oo taariikhdu tahay 02/11/2013 ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada Ma daxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE ayaa lagaga wadahadlay khilaafka ka dhashay xubnaha Guddiga Qabanqaabada oo koox ka mid ahi si gaar ahi sifo aan sharciga xisbiga waafaqsanayn u doortay hoggaan iyo hawlaha u diyaargarowga shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE oo ku muddaysan 25-ka bisha December ee soo socota.


Kulanka oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, afarta gudd oomiye-ku-xigeen ee xisbiga, Xoghayaha Guud ee xisbiga iyo Guddoomiyaha Golaha Dhex e ee xisbiga, goob-joogna ka ahaayeen Wasiirka Duulista Hawda iyo Wasiiru-dawlaha Ma daxtooyada, waxa si buuxda la isula qaatay in la soo afjaro wixii khilaaf ah ee jira, isla ma rkaana laga midho-dhaliyo qabsoomida shirweynaha xisbiga KULMIYE.Doodo iyo falaqayn kala duwan oo kulanka laga jeediyey kadib waxa la isku afgartay qodobadan hoos ku qor an;


1. Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in aanay jirin haba yaraatee cid gaar ah oo murra shax xisbiga KULMIYE dhexdiisa ah oo uu wato ama uu taageersan yahay, isla markaana waxa uu qalad ku tilmaamay in wax olole siyaasadeed ah la dhexgeliyo hawsha qaban qa abada shirweynaha xisbiga. Waxa kale oo uu sheegay in aanay hadda jirin cid murrashax ah laakiin ciddii is sharraxaysa ay u furan tahay marka shirweynaha la gaadho inay dhex diisa iska sharraxdo.


2. Madaxweynuhu wuxuu kulanka ka sheegay in haddii la keeno caddaymo ka markhaati kacaya in xubno ka tirsan Golaha Wasiirradu ay ku lug leeyihiin eedaymaha olole ee dhaliy ey in guddiga qabanqaabadu kala qaybsanto inuu tallaabo ka qaadi doono.


3. Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu caddeeyey, la islana qaatay in Guddoomiyaha iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u madaxbannaan yihiin hawshooda maamulka xisbiga, iya doo Guddoomiyaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi uu halkaasi ka ballanqaaday in arrinta ku saabsan kala jabka guddiga qabanqaabada iyo go’aankii xubno ka mid ahi ay gooni ugu doorteen hoggaan uu isagoo guddanaya masuuliyaddiisa gelayo xallinteeda, isla markaan a uu go’aan ka soo saari doono.


4. Waxa kaloo la isku afgartay in khilaafka iyo xasaasiyadda ka dhashay kala jabka Guddi ga Qabanqaabada ay turxaan-bixinteeda dib isugu noqdaan oo ay ka wadahawlgalaan hoggaanka iyo Guddiga Fulinta ee xisbigu si aan wax carqalad ahi ugu iman habsami-u-socodka hawlaha qabanqaabada shirweynaha.


5. Ugu dambayn waxa la isla qaatay in dhammaan xisbiga iyo xukuumadduba ay si wadajir ah gacmaha isku qabsadaan, ugana midho-dhaliyaan sidii shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ugu qabsoomi lahaa si qurux badan oo aan khilaaf lahayn, si wadajir ahna looga dhawro wax kasta oo carqalad ku keeni karaya.
 

 


ALLAA MAHAD LEH
Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE
Xasan Siciid Yuusuf