Kulan Xiiso badan oo Dhexmaray Naadiga Akhriska Timacadde iyo Qoraaga reer somaliland Maxamed Baashe X. Xasan

 


Hargeysa (TNN)-Kulan casho sharaf ah oo ay xalay ku kulmeen Qoraaga reer Somaliland Mr,Baashe iyo Xubnaha Naadiga akhristayaasha Timacadde, ayaa ka dhacay Hotel Safaari ee magaalada Har geisa,

kulanka oo ahaa mid ay isugu xog waramayeen Naadiga iyo Qoraagu ayaa ugu horayntii naadigu  q oraaga uga mahadnaqay waqtiga uu ku bixiyay kulanka uu la yeeshay naadiga, isbarasho ka dib G udoomiyaha iyo isu-duwaha naadigu waxay warbixin ka siiyeen qoraaga hawlaha naadigu qabtay mudadii uu jiray, kulanka oo ahaa mid runtii qoraaga xiiso gaara u lahaa ayaa naadiga  akhristaya asha timacadde soo bandhigeen Dhibaatooyinka hor taagan dadaalada ay wadaan naadiyada  akh ristayaasha Somaliland, naadigu waxa ay warbixintooda ku sheegeen in dhibaatooyinka naadi ya da hortaagan ay ka mid tahay in jiilka soo kacayaa yahay Jiil aan wax dhaxal ah u helin dhiiri gelin akhris loona baahanyahay in dadaal dheeraad ah lagu bixiyo sidii waalidka, looga dhaadhicin lahaa Muhiimada ay leedahay in Ilmuhu inta uu yaryahay lagu barbaariyo Akhris jacaylka.


. Naadigu waxa kale oo ay warbixintooda ku soo bandhigeen in Xaaladda Maktabad liidashada ah ee ka jirta Dalku tan iyo intii la soo galay iyo koboc la’aanta Maktabadaha dalku ay ka mid tahay Aafooyinka Naafaynaya Dadaalada Naadiyada akhristayaasha loona baahanyahay in iyada oo la kaashanayo Qorayaasha Somaliland loo guntado sidii Maktabadaha loogu faafin lahaa Dacalada Dalka.


. Qoraa Maxamad Baashe ayaa isna dhiniciisa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu kulankan la qaato Naadiga Timacadde, ugana xogwaramay guud ahaan dhibaatada haysata Qoraha Somaliland ee qurbaha ku nool.


. Qoraagu waxa uu tilmaamay dhibaatooyinka aan dhamaadka lahayn ee qoraha soo waajaha laga bilaabo maalinta uu buugga saabkiisa sameeyo ilaa maalinta uu Madbacadda geeyo.


. Waxa uu tilmaamay in qoruhu marka uu buugga ka faraxasho ay soo waajahdo warwar ay ugu  h oreeyaan tolaw halkeed dhigi doontaa, waxaaso oo dhan marka la iskla yimaadana buugii uu  qora agu intaasi oo waqti ah geliyay uu soo saari waayo lacagtii qoraagu geliyay.

Qoraa Maxamed Baashe oo ka jawaabayay su’aal ahayd maxaa is bedalay intii naadiyadu  samays meen?

Ayaa waxa uu yidhi “way bilaabantay” rajada ugu wayna waxaanu ka qabnaa naadiyada iyo Dalka gudihiisa dadku sidii hore maaha ee imika waxbay akhriyaan, oo dhaqdhaqaaqii sidii hore wuu soo dhaamayaa”.


. Ugu dambayntii Qoraagu waxa uu Naadiga kula dardaarmay inay ilaaliyaan Magaca ay sitaan oo cidda qaadata ka mudan ixtiraam gaar ah.


. Qoraagu waxa uu ku soo gabagabeeyay mahadnaq uu u soo jeediyay dhlinyarada xaafadda jigjigayar oo dhawaan xaafadda ka hirgeliyay Maktabad loogu tolo galay in lagu kobciyo garaadka dhalinta Xaafadda jigjiga yar uguna baaqay Qorayaashu inay ka qayb qaataan sidii buug loogu heli lahaa Maktabadda.

 


Niciima Yuusuf Cilmi

Timacadde Readers Club
Hargeisa/Somaliland
timacaddereaders@hotmail.com