KULAN XIISO LAHAA: Gudiddii Dhaqaalaha Golaha Wakiilada iyo Ardayda Somaliland Ee Wax ka Barata Uganda
 

Kulan weyn oo ah kii noociisa ugu horeeyey ayaa dhexmaray Xubnaha G udidda Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Somaliland oo hadda yugaadha ku sugan iyo ardayda Somaliland ee dalka uganda wax ka barata habeenkii khamiistu soo galaysay ee 13ka bishani May. Kulankan oo ahaa mid si we yn loo soo agaasimay, ahaana midkii ugu horeeyey ee dhex mara madax heer qaran iyo ardayda ayaa lagu qabtay Food Plaza Restraunt.

Agaasinka xafladani oo ay si weyn u soo abaabuleen ururka ardayda Somaliland ee Uganda oo uu taageero mug leh ka qaatay mulkiilaha hotelkan cusub, Axmed Muuse.

Munaasibadda kulankan waxaa lagu bilaabay ayaadaha quraanka kariimka, waxaana la gudo galay ubucdii kulanka oo ahayd is xog weraysi ku saabsan xaalada nololeed ee ardayda iyo ta dalkiiba. Waxaa ugu horayn lagu soo dhaweeyey, gudoomiyaha ardayda Somaliland , Mudane Cabdixamiid Maxamuud Cumar, oo si qoto dheer uga warbixiyey xaalada nololeed iyo duruufaha ardayda ku gadaaman. Wuxuu ku nuuxnuuxs aday baahida loo qabo in la joogteeyo xidhiidhka ardayda iyo kan xukuumada, si looga warhayo maraaxiisha kala duwan ee ardaydu marayso. Wuxuu mahannaq balaadhan u jeediyey xubnaha Gudidda Dhaqaalaha Golaha Wakiilada, kuna tilmaamay halyeeyo gartay inay la xaajoodaan ardaydii dalkooda. Waxaa kale oo gudoomiyuhu amaan u jeediyey ardayda reer somaliland ee dalkani oo kaalin hormoodnimo kaga jira jaamacadaha dalkani, kunna tilmaamay inay yihiin ardayda ugu dadaalka badan ardaydada wadamada kala duwan ka timid ee dalka uganda wax ku barta. Cabdixamiid wuxuu carbaabey in ardaydu yihiin safiiro sida ugu quruxoon u matala dalkoodii hooyo, maadama ayuu yidhi aanu wax wakiil Somaliland ahi dalkani u joogin. Waxaa kale oo gudoomiyuhu sheegay qiyaasta ardayda Somaliland wax ka barta oo tiradoodu gaadhayso 70 arday oo 65 kamid ahi wax kabartaaan jaamacada KIU, labadeeda qaybood ee ku kala yaala caasimada iyo magaalada Ishaka oo ku taala galbeedka wadankan.

Kadib hadalkii furitaanka gudoomiyaha ardayda, waxaa mikirifoonka la wareegay, xoghaya warfaafinta ururka ardayda Somaliland, Mudane Siciid Maxamed Cismaan. Xoghayahu wuxuu mahanaq ka dib u falamo guray fursadaha waxbarasho ee dalka Uganda, siyaabaha lagu iman karo iyo sababaha keentay in ardaydu halkani uga doorbido wadamo badan oo dunida ku yaal oo ardayda Somaliland waxbarasho ugu socdaasho. Mudane Siciid wuxuu faahfaahin hufan ka bixiyey fursadaha waxbarasho ee dihin ee dalka Uganda ee loo baahnaa in aynu ka faa’iidaysano. Wuxuu hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in xukuumada Somaliland ka hawl gasho sidii xidhiidh waxbarasho ula samaysan lahayd dalkani, si buu yidhi, loogu helo arday badan waxbarasho bilaash ah oo suurtobi karta haddii guntiga dhiisha layskaga dhigo, loona xasiliyo baahida macaliin la’aaneed ee dalkeenii ka jirta sababtoo ah buu tilmaamay inay ka jaban yihiin macalimiin dhulal aad u fog fog laga keeno, kanna waxbarasho fiican yihiin.


Dhinaca kale, markii madaxda ururka ardayda somaliland ee Uganda ka warbixiyeen duruufaha iyo xaaladaha nololeed ee ardayda, waxaa madashii la wareegay xildhibaaanadii Gudida dhaqaalaha oo ay wehiliyaan xoghaya guud ee golaha wakiiladu iyo xoghaynta gaarka ah ee gudida dhaqaaluhu. Gudidadan oo uu hogaaminayey Xildhibaan Duur ayaa sheegay in gudoomiyahoodii safar shaqo kaga maqnaa isaguna uu gudoominayo xubnaha. Wuxuu ardayda uga mahad celiyey sida sharafta iyo maamuska leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka Uganda, oo uu sheegay in run ahaantii uu si fiican ula dhacay. Magacyada xildhibaanada yimi Uganda ee kulankaasi kala qayb galay ardayda:



Xildhibaan Duur
Xildhbiaan Bukhaari
Xildhibaan Buluqaas
Xildhibaan Cali Gabilay
Xildhibaan Cali Mareexaan
Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire
Xildhibaan Maxamed-Kayse
Xildhibaan Maxamed Jaamac

Gudoomiyaha gudidani Mudane Duur ayaa ka cudurdaartaay in Gudoomiyihii Guddida Dhaqaaluhu aanu la socon oo uu safar ugu kicintay dalka Britian. Wuxuu ka warbixiyey ulajeedadda rasmiga ah ee safarkoodani oo sheegay inay casuumad rasmi ka heleen dhigooda barlaamanka Uganda si buu yidhi ay wax uga bartaan habka loo naaqisho miisaaniyada iyo sida loo ansixiyo labadaba.

Waxaa sidoo kale halkaa ka hadal Xildhibaan Cali Gebiley, oo ahaa odayga ugu da’ weyn gudida, siduu sheegay xildhibaan Duur. Mudane Gebiley wuxuu dib u milicsaday geedi socodkii nabadeed ee Somaliland iyo siday ku timidba. Wuxuu ardayda ku waaniyey in ay qaranimadooda ilaashadaan, kunna dadaalaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen muhiimada ay halkani u joogaan ee waxbarasho.

Dhinaca kale, waxaa mikirifoonka lagu soo dhaweeyey Xildhibaan Naasir Xaaji Cali. Xildhibaanku wuxuu si dul ka xaadis ah u taabtay waxqabadkooda guddi dhaqaale ahaan oo uu ku tilmaamay mid meel fiican maraya, hirgeliyeena in si fiican ay u faaqidaan miisaaniyada dalka lanna yeesheen xidhiidho kala duwan meelo ka baxsan Somaliland sida Uganda. Xildhibaanku wuxuu ardayda ugu bushaareeyey in Ururka Somaliland Forum oo uu ka mid yahay, ay dhawaan ku qaban doonaan shirweyne caalamiya oo lagu lafa guri doono sidii loo ictiraafi lahaa Somaliland. Shirkaasi oo lagu casuumi doono dad aqoon sare leh oo ka kala socda wadamo kala duwan. Wuxuu sheegay inuu marti qaad u fidiyey Gudoomiyaha Guddida Arimaha Dibada ee barlamaanka Uganda si uu uga qayb galo kulankaasi, isana buu yidhi waa naga ajiibay.

Ka dib xog warankii mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Aadan Ciise oo ah madaxda Dahabshiil ee Uganda codsi u mariyey xildhibaanada si buu yidhi loo taageero lix arday oo Somaliland ka timid oo scholarshipkii ay ku dhiganayeen qaybta caafimaadka ee jaamacadda Kampala International University ka idlaaday. Wuxuu halkaasi ka sheegay in ilaa iyo haatan looga ururiyey lacag gaadhaysa 25,000 dollar ganacsatada Soomaalida ah ee Uganda, loonna baahan yahay 50,000 dollar si inta ka dhiman looga kafeeyo. Wuxuu isagoo ardaydaasi codsigooda gudbinaya sheegay, in ganacsada, xukuumada, iyo intii kale ee wax is bidi kartaaba kaalmo laaxad leh la soo gaadho ardaydaasi ammintii scholarshipkoodu ka eeg tahay.

Gebo gebaddii kulanka, ahaydana meeshii ugu xiisaha badnayd, ayaa ardaydo oo hamuuun u qabay su’aalo ay xildhibaanada weydiiyaan, ayaa makarafoonka dhankooda loo jiiday. Ardayda oo si bisil uga warsaday arrimo dhawr ah oo ku aadan siyaasada, dhaqaalaha, waxbarashada iwm. Kuwaas oo kuwoodii ugu mudnaa ay ka mid ahaayeen sidii loo qabyo tiri lahaa distoorka dalka u dejisan iyo shuruucda kalee la halmaashaba iyo talooyin ku aadan sidii doorashooyinka dalka loo midayn lahaa. Waxay xildhibaadu iyagoo su’aalaha si fiican u qaybsanaya ka bixiyeen jawaabo waafiya oo baddi qanciyey ardaydii.


Gebi ahaan kulankan ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, oo si habsami leh ku soo afjarmay. Kulankan ayaa ahaa mid aad moodaysay xildhibaanadu in ay wejiyadooda farxadi ku dheehnayd, iyo ardayda oo sacab ugu hagar baxay. Waxay xildhibaanadu ku balan qaadeen in cabshooyinka ardayda iyo duruufaha jiraba ay u gudbin doonaan shacabkii iyo xukuumadii ay ka yimaadeenba


 


Xoghayaha Warfaafinta Ururka Ardayda Somaliland Ee Uganda

Siciid Maxamed X. Cismaan
Cismaan20@hotmail.com