Kulan Xog-Warran ah Oo Uu Madaxweynaha JSL la Yeeshay Daladda Dhallinyarada SONYO

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu maanta (15.12.2015) Xafiiskiisa kulan xog-warran ah kula yeeshay Masuuliyiin sare oo ka socday Dallada Dhallinyarada JSL ee SONYO oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada JSL ee SONYO Mudane Siyaad Cumar Cali. Waftiga Dhallinyarada SONYO ee Madaxweynaha booqashada ugu yimid waxa kale oo ka mid ahaa Mudane Cabdicasiis Siciid Saalax (Guddoomiyaha Guddida Joo gtada ah ee Dallada SONYO) iyo Mudane Maxamed Caydiid Cali (Madaxa Waaxda Shaqo Abuurka ee Dallada SONYO).

Ujeedada ugu muhiimsan ee uu Madaxweyne Axmed Silaanyo kulanka ula yeeshay Dallada Dhalli nyarada SONYO waxay ahayd si uu xog dhammaystiran uga helo wixii sannadkan 2015-ka Dallada SONYO u qabsoomay, wacyiga, waayaha iyo duruufaha haysta iyo qorshaha, hilaadda iyo hiigsiga ay Dhallinyaradu leeyihiin sannadka 2016-ka.

Ugu horrayn waxa hadalkii bilaabay Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada SONYO Mudane Siyaad Cumar Cali oo Madaxweynaha uga mahad naqay kulanka xog-waraysiga ah ee uu ugu yeedhay Dhallinyarada. Guddoomiyaha Dallada SONYO wuxuu si mug iyo miisaanba leh ugu mahad naqay Madaxweynaha isagoo sheegay inuu kor u qaaday hanka iyo himilada Dhallinyarada JSL. Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada SONYO wuxuu tibaaxay in Xukuumadda M/weyne Axmed Silaanyo ka hor ay ahayd ma dhacdo iyo arrin aan la hawaysan karin in la arko Dhalllinyaro da’y ar oo Qaranka ka haya Xilal iyo masuuliyado sare. Sidaa darteed uu M/weyne Axmed Silaanyo yahay ka Dhallinyarada ka furay dabarkii ku xidhnaa ee ka horjoogay fursadaha horumarka iyo inay talada dalka wax ku yeeshaan, taasina ay Dhallinyaradu Madaxweynaha ugu hayaan abaal raaga iyo mahad naq aan xad lahayn.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Dallada SONYO wuxuu si waafiya uga war bixiyey safarro hawleed ay ku kala bixiyeen dhammaanba Gobollada iyo Degmooyinka JSL si ay xog dhammaystiran iyo muuqaal cad uga helaan duruufaha iyo waayaha haysta Dhallinyarada JSL. Xogtii iyo macluumaadkii laga soo ururiyey safarradaa waxay Dallada SONYO ka diyaarisay qoraal dhammaystiran oo wata talo bixin si wax looga qabto caqabadaha Dhallinyarada ka haysta xagga horumarka iyo fursadaha nololeed.

Sidoo kale waxa isaguna kulankaa hadal ka soo jeediyey Mudane Cabdicasiis Siciid Saalax oo Mad axweynaha uga mahad naqay kulanka xog-waraysiga ah ee uu ugu yeedhay Dhallinyarada isag oo Madaxweynaha ku bogaadiyey guulaha ay Xukuumaddiisu ku tallaabsatay muddadii ay xilka haysay. Cabdicasiis Siciid Saalax waxa kale oo uu Madaxweynaha u sheegay in Xukuumaddiisu ay si dhab ah u fulisay ballan-qaadyadeedii ahaa in dhallinyaradu ay talada dalka qayb weyn ku yeeshaan, oo ay heer kasta oo maamulka dawliga ahba si mug leh uga muuqdaan. Cabdicasiis Siciid Saalax wuxuu tibaaxay in dhallinyarada JSL ay u soo dhabar-adaygeen duruufo nololeed oo aad u qallafsan, iyagoo marwalba muujinayey samir, dulqaad iyo dedaal ay kolba wixii noloshu baddo. Sidaa darteedna loo baahan yahay in si wada-jir ah looga shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa Dhallinyarada JSL maadaama ay yihiin aayaha mustqabalka ee ummaddeena.


Ugu dambayntii, weftiga Dallada Dhallinyarada SONYO waxay Madaxweynaha u soo gudbiyeen qoddobo dhawr ah oo uu nuxurkoodu ahaa sida soo socota:

Iyadoo la tixgalinayo baahiyaha iyo duruufa dhabta ah ee haysta dhallinyarada JSL, in dib loo eego kaalmada ku jirta Sanduuqa Horuminta Somaliland (SDF) ee loo qoondeeyay Shaqo-abuurka Dhallinyaradda.
In dhallinyarada loo qoondeeyo (la siiyo) dhul ku haboon bar-kulanka dhallinyarada (Youth Multi purpose Resource Centers and Playgrounds) kuwaasoo ku yaala dhammaanba gobollada Dalka JSL isla markaana lagu wareejiyo Dallada SONYO si ay maal-gelin dhisme ugu raadiso.
Ku-dhawaaqista iyo meel-marinta “Maalinta Dhallinyaradda JSL 5-ta Juun” taasoo noqon doonta Maalin dhallinyaradda Jam. Somaliland ay gaar u leeyihiin, laguna wacyigaliyo sidii ay dalkooda u hanan lahaayeen.
Meel-marinta Xeerka iyo Qaab-dhismeedka “Sanduuqa Dhallinyarada JSL” kaasoo uu Madaxweynuhu hore ugu dhawaaqay, loona baahanyahay in haatan la dar-dargeliyo oo la hirgaliyo.
Xoojinta iyo Joogteynta “Kulanka Isku-xidhka Arrimaha Dhallinyaradda” Youth Sector Coordina tion Forum” kaasoo ay Wasaaradda Dhallinyaraddu guddoomiso, Dallada SONYO-na kalkaaliso. In Madaxweynaha JSL furo shirka soo socda isla markaana uu amro xoojinta iyo joogteynta Shirka as.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo si qoto dheer u dhegaysanayey masuuliyiinta Dallada Dhallinyarada SONYO wuxuu uga mahad na qay xog-warrankii ay siiyeen.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ummad walba horumarkeeda ay saldhig u tahay kol ba siday isugu hawlaan, u daryeelaan ee ay ugu dedaalaan horumarinta Da’yarta iyo Dhallinyar ada. Kulankii wuxuu ku soo gaba-gaboobay hadallo dar-daaran iyo dhiirrigelinba ah oo uu Madax weynuhu u soo jeediyey masuuliyiinta Dallada Dhallinyarada SONYO isagoo ku booriyey inay sida ugu habboon u gutaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo taageerada Da’yarta iyo Dhalli nyarada maadaama ay iyagu yihiin mustaqbalkii iyo aayihii ummadda ee berrito.
 

 


ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL