Ogeysiis: Kulanka Siciid Saalax Axmed iyo Stockholm 26/09/2010

 


Maalinta Axad ee taariikhdu tahay 26/09/2010, waxa ka dhici doona magaalada Stockholm, ga ar ahaan xaafadda Rinkeby, kulan aad u ballaadhan. Kulan-kaas oo lagula kulmayo  suugaanyah anka soomaaliyeed, ee caanka ah Siciid Saalax Axmed oo sannadihii danbe deggenaa carriga Maraykanka. Muddo gaaban oo uu ku suganyahay dalka Sweden, waxa aad fursad u helaysaa in aad kula kulanto Aqoonyahan laga wada yaqaan arliga soomaalidu degto, ahaana shamacyadii maansada casriga ah, calanka u siday todobaatanaadkii. Kulankaas oo lagaga hadli doono, arri mo la xidhiidha suugaanta soomaalida, afsoomaaliga iyo taariikhdiisa, dhaqanka iyo Fanka & Su ugaanta, waxa aad fursad u helaysaa in aad su’aalo weydiiso mudane, Siciid Saalax oo kulankaa kuugu diyaar ah. Haddii Eebe Idmo.



Waxa uu ka dhacayaa kulankaasi Xaafadda Rinkeby/Stockholm/Sweden



Maalinta: Axad

Taarookhda: 26/09/2010

Goorta: 17:00

Ka soo qaybgalkaagu waa muhiim. Faahfaahin dheeraad ah kala soo xidhiidh.

Sayid-Axmed M Yuusuf (076 214 60 96)

Yuusuf Sh Cabdilaahi Xasan ( 073 761 85 10)

Maxamed Xirsi Guuleed (070 788 05 09)