KULANKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBEDDA EE U.K IYO JAALIYADDA SOOMALILAND EE WALES

Waxa manta oo ah Jimce 17/10/2008 ka dhacay magaalada Cardiff shir ay Jaaliyadda Soomaliland ee Wales la kulantay Wafdi ka tirsan dawladda U.K oo uu madax u yahay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane David Miliband MP, (Secretary of State of Foreign and Commonwealth Affairs).

Waxa la Socday Mudane Rhodri Morgan oo ah Wasiirka Kowaad ee Wales, Mudane Alun Michael MP oo ah xubinta barlamaanka Britan ee laga doorto Xaafadda Soomalida ee Cardiff iyo Lorraine Barret AM oo ah xubinta Barlamanka Wales ee laga doorto xaafadda Soomalida ee Cardiff .

Barnaamajka waxa hoggaaminaayey Mudane Alun Michael oo soo dhoweyn dabadeed u yeedhay Ururka SPA Guddoomiye Cabdirahman Cawad, iyo Maamulaha Cabdi Aaden inay gudoonsiiyaan Wasiirka buuga taariikhiga ah ee lagu daabacay sawirada odayaasha Soomaaliyeed ee Wales.

Intaas dabadeed waxuu Alun ku wareejiyey hadalka Wasiirka Mudane David Miliband. Wasiirku salaan ka dib , Waxuu ku bilaabay guud ahaan sida uu uga xun yahay dagaalada iyo abaarta ka taagan cariga Soomalida isagoo si gaar ah uga damqaday dilkii manta ka dhacay Muqdishu oo uu ka tacsidaynaayo dadweynha dilka iyo dhibtu ka soo gaadhay. Kolkaas ayuu gudagalay ujeedada shirka oo ahaa Jaaliyadda Soomaliland ee Wales iyo arrimaha Soomaliland. Waxuu si weyn u ammaanay hawlaha nabadeed, dimuquraadiyadeed iyo doorasho ee ay gaadhay Soomaliland. Waxuu sheegay in Siyaasadda dibedda ee UK tahay mid ka turjumaysa dadka UK qaybihiisa kala duwan. Sidaas darteedna uu u yimid inuu reer Wales fikirdooda soo uruursado, taas oo qayb lexaad leh ay ka tahay Jaaliyadda soomaliland ee Wales. Waxuuna aad ugu nuuxnuuxsaday isku xidhka UK iyo Soomaliland iyo doorka ay qaadan karaan Soomalilanderka dhalashada UK haysta. Waxuuna ku soo gaabsaday inuu diyaar u yahay inuu wax dhegaysto.

Intaas ka dib Mudane Alun ayaa soo jeediyey in marka hore Madaxda ururada Soomaliland ay weydiinta qaataan, dabadeedna qayb weyn la siiyo dhalinyarada rag iyo dumar leh oo si lexaad leh uga soo qayb galay kulankan.
Waxa su’aal u kacay Cabdikarim Adan, Maamulaha SPA oo mahadnaq ka dib weydiiyey kaalinta dhalinta Soomaliland ka ciyaari karto Wasaaradda arrimaha debedda iyo laamaheeda debed iyo gudaba.

Waxaa xigay su’aal iyo talo-bixin uu soo jeediyey Axmed Geedi Sanjab oo ka tirsan aqoonyahanada iyo odayada Jaaliyadda. Waxuu dhibaatada Xamar ka dhacday la qaybsaday Wasiirka oo uu ku tilmaamay xasuuq arxan darro ah, iyo isagoo dhammaan naga wakiil ah inuu tacsi u diraaya dadka dilka iyo dhibtaasi ku dhacday. Waxa Axmed duray sida ay muhiim u tahay in la taakuliyo geedi-socodka dimuquraadiyada Soomaliland oo laga caawiyo dhismaha laamaha dawladeed ee la xidhiidha hab-maamul wanaaga iyo xuquuqda aadmiga. Taas oo nabadda dalka iyo dhismaha bulshada wax weyn ka tari karta.

Waxa xigay Axmed Carwo, Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaliland ee Wales, oo weydiiyey baahida Soomaliland u qabto mucaawinda horumarinta, oon lagaga mid dhigin tan aadminimo ee ay u baahantay Soomaliya, oo aanu ka xunay dhibaatada iyo colaadda ka taagan. Taakulinta horumarineed ee Soomaliland waxay dhiirin doontaa Soomaliya oo arki lahayd midhaha laga helay nabadda iyo dimuquraadiyada. ( Peace Dividend) Horumarka dhaqaale iyo bulsho ayaa tiir dhexaad u ah adkaynta nabadda iyo dimuquraadiyada Soomaliland kaga tilmaamantay degaanka Geeska Afrika.
Axmed waxa kale uu ka hadlay in reer Soomaliland ahaan ay yihiin dad geeska Afrika oo dhan matali kara, waana inay Wasaaraddu u aragtaa dar door weyn ka ciyaari kara Soomaliland, Soomaliya, Kenya, Ethiopia iyo Jabuti. Waxuuna taas raaciyey dhibaatada ka taagan dalka Soomlida Ethiopia, iyo baahida loo qabo in gurmad toos ah oo degdeg ah loo geeyo, deegaankaas oo wax badan la wadaaga Soomaliland. Ugu dambayn waxuu Axmed si shakhsi uga dalbaday Wasiirku inuu sida Iskuulada Yuhuudda iyo Kosher uu ugu dadaalo dugsiyada Islaamka iyo Hilibka xalaasha ah, uuna door ka ciyaaro isu-soo dhoweynta diimaha.

Aqoonyahan Xasan Maxamuud ayaa ka hadlay taariikhda ka dhaxaysa labada dale ee cimriga dheer, iyo baahida ka dhalatay aqoonsi la’aanta. Waxuuna ku booriyey in UK noqoto hormoodka ictiraafka Soomaliland, iyagoo eegaaya xidhiidhka soo jireenka ah, starijiyada mandaqadda iyo rabitaanka dadka Soomaliland.

Su’aalaha dhalinyaradda ka soctay iskuulka Fitzalan High School oo ahaa hablo xul ah oo aqoon loo soo xulay ayaa taabanaysay arrimo la xidhiidha isku-xidhka iyo gacan qabashada ay Soomaliland u baahantay. Waxayna si gaar ah uga hadleen arrimo caafimaad iyo tacliimeed. Iyagoo weydiiyey sida ay suurtagal u tahay inay safar shaqo iyo isku-xidh ay ugu tagaan Soomaaliland. Hablaha waxa soo diyaarisay Macalimadda Caasha Xasan, oo hawlo samofal oo badan Cardiff ka qabata

Dhinaca inamada oo ka socday Youth Group, waxay soo jeediyeen sida ay u rabaan inay dalka u tagaan iyagoo samofal u socda (Volunteering) oo ay soo dhisaan nidaam lagu horumariyo dhalinta Soomaliland dhinac farsamo iyo isbootiba. Waxa dhintan soo abaabulay Steve Khayreh oo ah Soomalialnder si wacan ugu hawlgala dhinaca arrimaha dhalinyarada. Steve ayaa weydiiyey in wax badan oo la qaban lahaa ay hortaagantay iyadoo Wasaaraddani isku xidhay ammaanka Soomaliland ooyna ka saarin digniinta ay ka bixiso Soomaliya. Kulankan waxa si gaar ah loogu xusuusan doonaa kaalinta ay buuxiyeen dhalinyaradu, oo muujisay sida qiimaha leh ee ay ugu xidhan yihiin dalkooda Soomaliland, iyagoo isla markaas gudanaaya waajibkooda wadanimo ee dalka UK. Waa mid ii muujisay inaynu leenahay mustaqbal wacan kol hadday muuqato dhalin aqoon, xirfad, iyo niyad ula diyaara bulshoweynta Soomaliland.

Wasiir David Miliband MP ayaa u kacay inuu su’aalahaas ka jawaabo. Waxuuna sheegay in wasaaraddu u furantay qaybaha bulsho weynta UK, ayna tahay in ay wajiyada jaaliyaduhuna ka muuqdaan. Waaana wax wacan in dalalka Islaamka oo kale cidda inoo fadhidaa noqoto cid isir u ah. Maanta dalaka Bangaladeshi waxa inoo fadhiya safiir asal ahaan ka soo jeeda. Waan idinku dhiiranayaa inaydun shaqo u soo doonataan wasaaradda. Tan la xidhiidha arrimaha horumarinta waxa uu sheegay in lacag dhan 12 Milyan oo Gini sanadkii UK ku bixiso arrimo la xidhiidha caafimaad, tacliin, dimuquraadiyada, nabadda, iyo doorashooyinka, taas oo isagu jirta mid la mariyo hay’adaha caalamiga ah iyo mid toos ahba. Baahida jirtaa se wey ka weyntay. Waxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida dhalintu ay ugu heelantay horumarinta iyo taageerada . Waxuuna balan qaaday inuu dhiirigelin doono ka-midho dhalinta talooyinka uu maqlay.

“Dhinaca nabadda bal ha ka waramo Alun oo socdaal kal hore ku tega”,ayuu yidhi
Waxaana si qoto dheer uga waramay Alun oo sheegay in uu arkay dal camiran, degan oo nabad ah. Isla markaasna uu ogaaday dad doonaaya horumar bulsho iyo siyaasadeed, una diyaar ah inay ambo qaadaan dimuquraadiyada ay keli ku yihiin mandaqadda oo si fiican u socota. Taas ooy ka mid tahay diiwaangelinta cod bixiyaasha, hadda ka socota dalka

Wasiirka ayaa raaciyey in isku xidhka oo ah mid hay’ad madax banaani ku eegto dhinaca ammaanka uu eegi doono waxa uu ka qaban karo. Dhinaca ictirafka waxa ku haboon in dawladaha Afrika ku horreeyaan. Waxaa se UK ka go’an in nabadda iyo horusocodka Soomalialnd ee dimuquraadiyadda ay xoojiso. Tan dhinaca Iskuulada diinta, waxuu sheegay inay tahay mid muhiim ah isu-soo dhoweynta jaaliyadaha iyo diimaha ay kala haystaan, tahayna in la xoojiyo wada-tashiga diimaha ( Inter-faith dialogue).

Waxuuna ku soo gunaanaday inuu kheyr u arko Soomaliland, kol haddii dhalintiina iyo jaaliyadiinu sidan ay iyagoo isku xidhan ay danaha Soomaliland ugu hawl galiyaan. Waana wax lagu farxo in dalkiinu yahay meel nabad iyo dimuquraadiyad ku tilmaaman.
Kulanku waxuu ku dhammaaday sacab iyo farxad ka dhalatay doodo si niyad ah leysu dhaafsaday iyo isfaham loo balamay in guul laga gaadho.

Gargaar Soomaliland
 

 


Axmed Carwo

Guddoomiye
Jaaliyadda Somaliland ee Wales

http://samotalis.blogspot.com