KULANKII DR ABDI AW DAAHIR IYO GUDOOMIYE KU XIGEENKII LABAAD EE KULMIYE C/RAXMAAN
 

Kulankii Dr Abdi Aw Dahir iyo C/Raxmaan C/qaadir ee London
 

London (Longlivedsomaliland News)-Waxa manta guriga uu degan yahay  C/raxm aan C/qadir ee galbeedka magaalada London kulan ku yeeshay C/raxmaan  C/qa adir iyo Dr Cabdi Aw Dahir iyo odayaal kale oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye ah ayna ka mid yihiin gudoomiyaha laanta kulmiye ee bariga London Kayse Geele Xidig iyo Cismaan xaji Jamac Guuleed oo ka mid ah asaasayaashii xisbiga kulmiye.

Waxa kulankaasi ku saabsanaa is arag iyo shirar ay dhawaanahanba qaban  qabi nayeen oo ay ku doonayaan wacyi galin iyo xog waran ay doonayaan inay u  qab taan shacbiweynaha reer Somaliland ee ku nool cardigan ingiriiska.

Waxa ay ahayn mudo laba bilood uun ka hor markii gaadhi ay saarnaayeen  mada xda kulmiye oo uu ka mid ahaa gudoomiyahii u qaabil sanaa Xisbiga Kulmiye  galb eedka Somaliland Ala ha u naxariistee Cali Maxamed Gulleed Cali Marshaal uu  gaa dhi u usaarna ku qalibmay kuna geeriyooday iyadoo halkaasna uu ku dhawacmay C/raxmaan C/qadir oo ah gudoomiyaha 2aad ee xisbiga kumiye iyo Maxamed  Xa ashi.

C/raxmaan C/qaadir oo caafimaadkiisu markii aan arkay uu aad u wacnaa waxa uu ii sheegay in uu aad u wacan yahay shaqadiisiina uu iminkaba bilaabay dalkiina dhawaan ku noqon doono shirarka ay qabanayaan ka dib.

Dr Cabdi aw Daahir oo isna aan wax ka weydiiyey safarkiisan London waxa uu ii sheegay in uu magalada u yimid arimo caafimaad iyo baadhitaano iminkana uu dhamaystay.

Guud ahaanba kulnkan ayaa ku dhamaaday jawi degan iyo is afgarad,waxaana la filayaa in labadan masuul ee ka tirsan Xisbiga Kulmiye ay dhowaan dib ugu laabtaan Dalkii Hooyo.
 



Xamse Axmed Salaan
UK