|
Kulankii Jaaliyada JSL ee UK Iyo Badhisaabka
Gabiilay ee Sabtidii ka Dhacay Magaalada London

Xaflad lagu soo dhaweynayey laguna dhageysanayey Gudoomiyaha gobolka
Gabiley Mohamed Ahmed Aw Adan(Xabiib) ayaa waxa lagu qabtay Selby
Centre oo ku taal waqooyiga magaalada London.
Xafladaasi oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb
galay dad ka badan 120 qof oo isuga jira aqoonyahano, wax garad,
odayaal iyo masuuliyiin kala duwan oo rag iyo dumarba leh iyo sidoo
kale qaybayha kala duwan ee bulshoweynta reer Somaliland ee ku
dhaqan magaalooyinka kala duwan ee wadankan UK sida
London,Birmingham, Bristol,Derby iyo meelo kale, kuwaasi oo
dhamaantood iskugu yimid soo dhaweynta iyo xogwareysiga Gudoomiyaha
gobolka gabiley Mr Xabiib iyo siddii ay suuragal u noqon lahayd in
la iska kaashado hore u marinta iyo dhisida gobolka cusub ee Gabiley.
Munaasibadan oo si qurux badan u dhacaday ayaa waxa lagaga wada
hadlay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee gobolka
cusub. Munaasibada ayaa waxa furay Adan Jama Xadi oo si diiran usoo
dhaweeyey dadwaynihii sharafta lahaa ee munaasibada ka soo qaybgalay.
Furitaanka ka bacdi waxa halkaas hadlay gudoomiyaha ururka GARDO, Dr
Mahamed Ali Farah, oo dadwaynihii shirka kasoo qayb galay uga
waramay wax qabadka GARO.
Wuxuuna si gaar ah uga hadlay mashruuca Cusbitaalka iyo heerka uu
hada marayo, waxaanu halkaas mahadnaq uga soo jeediyey dad fara
badan oo ku bixiyey juhdi aad u fara badan oo ka midyahay Professor,
Ahmed Nur Jama iyo haweenkii ka qwybqaatay funsraisingka. Dr Mohamed
waxa uu hadalkiisii kusoo gunaanaday in fikirka iyo maalka dadkaba
la dhigo meel aan madmadaw ku jirin, wax qabadkana daacad laga noqdo.
Waxa isna halkaas ka hadlay Mukhtaar Sh. Aadan oo ku hadlayey magaca
ururka UHWA. Mukhtaar waxa uu ka waramay mashaariicda wax barasho ee
uu ururka UHWA ku mashquulsanyahay, waaxanu tilmaamay in sadex sano
ka hor markii ay hawsha bilaabeen ay degmada alaybaday lahayd laba
dugsi oo kali ah maantana ay ka jiraan 11 dugsi. Arintaasi oo ay
suurto galisay iskaashi gudaha iyo dibada ah. Mukhtaar wuxuu
hadalkiisa ku soo gabagabeeyey inay diyaar u yihiin iskaashiga iyo
wax ka qabadka baahiyaha gobolka.
Intaas ka dib waxaa hadalla kooban kasoo jeediyey xubno ka tirsan
ururka GARDO oo ay ka midyihiin Ismail Ali Sareeye iyo Xashi Ali
Yusuf oo hadal dadka dareen galiyey madasha ka soo jeediyey, wuxuna
dadka ku baraarujiyey inay hawsha wax qabadka u wada kacaan si wada
jir ahna hawsha loogu guntado. Cali Nuur Aadan Meecaad ayaa isna
tilmaamay in baadi goobka gobolku uu bilaabmay 50 sano ka hor
dadwaynihii shirka ka soo qaygalayna waxa uu usoo jeediyey isu tag,
badhasaabkana waxuu usoo jeediyey weedh waano ah, wuxuna kila
taliyey inuu samir yeesho dadkuna inay u sinaadaan
Intaas ka dib waxa hadal kooban ka soo jeediyey Suldaan Adam Suldaan
Abdirahman, waxana dadka ku waaniyey wax wada qabsi wuxuuna
tilmaamay in wax kasta la qaban karo haddii waxqabadka laga midoobo.
Tusaale waxa uu usoo qaatay aboorka iyo taalooyinka uu dhiso.
Waxa isaguna halkaas hadal cilmiyeysan kasoo jeediyey Professor
Ahmed Nur Jama, waxanu wax ka taataabtay khayraadka bada iyo bariga
ku jira iyo sida loogu baahanyahy in dadka la abaabulo si looga
faaidaysto khayraadka kala duwan si horumarka loo sii socodsiiyo.
Wuxuna tilmaamay in xadaarada hadda jirta midka duwan loo bahanyahy
si jiilka soosocdaa uu unoqdo mid hanaqaada. Professor Ahmed waxa uu
tilmaamay in loobahanyahay ururo si casri ah u shaqeeya oo maamul
wanaagsan.
Kadib waxa iyaguna hadalo dhiiri galin ah ka soo jeediyey Sado Cabdi
Koshin waxana ay tilmaantay in loo bahanyahay wax qabad wada jir ah,
waxaanay ku dhiiri galisay gaarahaan dumarku inay doorweyn ka
ciyaaraan horumarka gobolka. Intaa kadib waxa hadal kooban ka soo
jeediyey Hinda Aadam Cumar oo ka socotay North America iyada oo
matalaysay urur samofal oo la yidhaa Somaliland Peace and
Development oo ay madax ka tahay. Hinda waxa ay tilmaantay in
ururkoodu uu saari doono xooga xaga wax barashada, diyaarna u yahay
waxka qabadka horumarka Gobolka.
Intaas ka dib waxa madasha ka hadlay Bahdasaabka gobolka Gabiley,
Mohamed Ahmed Aw-Adan (habib). Ugu horayn waxa uu ka hadlay gudahaan
Somaliland waxana tilmamaamy in arinta diiwaan galinta
doorashooyinka ee dalka ka bilaabantahy ay tahay qadiyad mihiim ah,
arimo badan oo la xidhiidha ictiraafkuna ay Somaliland kaga
xidhanyhiin, wuxuuna dadka ku booriyey inay arintaas dadka ku
baraarujiyaan. Intaas ka dib badhasaabku waxa uu ka halday arima
Gobolka wuxuuna tilmaamay in dadka hada ay dabayl caafimaad taabatay
wax qabadna ay dadku diyaar u yihiin oo laga midaysan yahay suldan,
siyaasi, aqoonyahan iyo wax garad intaba.
Intaas ka dib badhasaabku waxa uu ka hadlay waxyaabaha uu gobolka ka
qabtey mudadii gaabnayd ee xilka uu hayay. Wuxuuna tilmaamay in ay
hada asaaseen gudi horumar oo uu Gobolku leeyahay taas oo aan hore
gobolka uga jirin, wuxuuna ku nuux nuuxsaday, muhiimada ay leedahay
in gudidu ay ahaato mid ka madax banaan siyaasada, iyo mid ay
maamulaan dadka hantida lihi si aanu qofku u noqon mid u hunguraada,
waxa loogu talo galay horumarka gobolka.
Badhasaabku waxa uu tilmaamay inay ay ku talo jiraan inay
dhaqaajiyaan barnaamijkii Jamacada Gobolka Gabiley. Wuxu sheegay in
wasaarada waxabarashadu ay ansixisay laguna talo jiro in Qalax loo
qoondeeyey jaamacada. Dusiga sarena loo wareejin doono koonfurta
magaalada kaasi oo ay hayada DRC dhisi doonto dhawaan. Waxa uu
badhasaabku tilmaamay in dhamaan qorsheyaashani yihiin ku laga soo
ansixiyey wasaarada waxbarashada. Badhasaabku waxa uu tilmaamay in
qorshe loo dajiyey Jaamacada, jaaliyadaha dibadana qorshahaasiloo
qaybiyey gudiga horumarinta gobolkuna ay kala xisaabtami doonto
jaaliyadaha dibada.
Waxa isaguna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey Gudomiye ku
xigeenka gudida horumarinta Gobolka Gabiley Cumar Sh. Cabdilahi
Ciise, oo arimo hawleed ku jooga dalka UK. Wuxuuna tilmaamamy
khibrada ay u leeyihiin maamulka NGO’s ka waxaanu dadka uga digay
inaanay isaga qaldamin arinta ka shaqaynta hourmarka iyo ta
siyaasadu.
Gabagabadii munaasibadaasi ka hor waxa gudoomiyaha la gudoonsiiyey
shahaado sharaf uga timid uurka Somaliland Education and Walfare
Foundation taasi oo u gudoonsiiyey Mohamed Farah(Kamaal) oo isagu
wakiil ka ahaa ururkaasi.
Munaasibada waxa lagu soo gagabeeyey su’aalo la weydiiyey
gudoomiyaha oo guud ahaan ku saabsanaa qorshaha hore u marineed ee
gobolka iyo xilgudashada waajibaadada kala duwan. Kuwaasi oo uu
dhamaantood gudoomiyuhu uga jawaabay si faahfaahsan.
Source: Qarannews



|