Kulankii Jaaliyada JSL ee UK Iyo Badhisaabka Gabiilay ee Sabtidii ka Dhacay Magaalada London

 


Xaflad lagu soo dhaweynayey laguna dhageysanayey Gudoomiyaha gobolka Gabiley Mohamed Ahmed Aw Adan(Xabiib) ayaa waxa lagu qabtay Selby Centre oo ku taal waqooyiga magaalada London.

Xafladaasi oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb galay dad ka badan 120 qof oo isuga jira aqoonyahano, wax garad, odayaal iyo masuuliyiin kala duwan oo rag iyo dumarba leh iyo sidoo kale qaybayha kala duwan ee bulshoweynta reer Somaliland ee ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee wadankan UK sida London,Birmingham, Bristol,Derby iyo meelo kale, kuwaasi oo dhamaantood iskugu yimid soo dhaweynta iyo xogwareysiga Gudoomiyaha gobolka gabiley Mr Xabiib iyo siddii ay suuragal u noqon lahayd in la iska kaashado hore u marinta iyo dhisida gobolka cusub ee Gabiley.

Munaasibadan oo si qurux badan u dhacaday ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee gobolka cusub. Munaasibada ayaa waxa furay Adan Jama Xadi oo si diiran usoo dhaweeyey dadwaynihii sharafta lahaa ee munaasibada ka soo qaybgalay. Furitaanka ka bacdi waxa halkaas hadlay gudoomiyaha ururka GARDO, Dr Mahamed Ali Farah, oo dadwaynihii shirka kasoo qayb galay uga waramay wax qabadka GARO.
Wuxuuna si gaar ah uga hadlay mashruuca Cusbitaalka iyo heerka uu hada marayo, waxaanu halkaas mahadnaq uga soo jeediyey dad fara badan oo ku bixiyey juhdi aad u fara badan oo ka midyahay Professor, Ahmed Nur Jama iyo haweenkii ka qwybqaatay funsraisingka. Dr Mohamed waxa uu hadalkiisii kusoo gunaanaday in fikirka iyo maalka dadkaba la dhigo meel aan madmadaw ku jirin, wax qabadkana daacad laga noqdo.

Waxa isna halkaas ka hadlay Mukhtaar Sh. Aadan oo ku hadlayey magaca ururka UHWA. Mukhtaar waxa uu ka waramay mashaariicda wax barasho ee uu ururka UHWA ku mashquulsanyahay, waaxanu tilmaamay in sadex sano ka hor markii ay hawsha bilaabeen ay degmada alaybaday lahayd laba dugsi oo kali ah maantana ay ka jiraan 11 dugsi. Arintaasi oo ay suurto galisay iskaashi gudaha iyo dibada ah. Mukhtaar wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey inay diyaar u yihiin iskaashiga iyo wax ka qabadka baahiyaha gobolka.

Intaas ka dib waxaa hadalla kooban kasoo jeediyey xubno ka tirsan ururka GARDO oo ay ka midyihiin Ismail Ali Sareeye iyo Xashi Ali Yusuf oo hadal dadka dareen galiyey madasha ka soo jeediyey, wuxuna dadka ku baraarujiyey inay hawsha wax qabadka u wada kacaan si wada jir ahna hawsha loogu guntado. Cali Nuur Aadan Meecaad ayaa isna tilmaamay in baadi goobka gobolku uu bilaabmay 50 sano ka hor dadwaynihii shirka ka soo qaygalayna waxa uu usoo jeediyey isu tag, badhasaabkana waxuu usoo jeediyey weedh waano ah, wuxuna kila taliyey inuu samir yeesho dadkuna inay u sinaadaan
Intaas ka dib waxa hadal kooban ka soo jeediyey Suldaan Adam Suldaan Abdirahman, waxana dadka ku waaniyey wax wada qabsi wuxuuna tilmaamay in wax kasta la qaban karo haddii waxqabadka laga midoobo. Tusaale waxa uu usoo qaatay aboorka iyo taalooyinka uu dhiso.

Waxa isaguna halkaas hadal cilmiyeysan kasoo jeediyey Professor Ahmed Nur Jama, waxanu wax ka taataabtay khayraadka bada iyo bariga ku jira iyo sida loogu baahanyahy in dadka la abaabulo si looga faaidaysto khayraadka kala duwan si horumarka loo sii socodsiiyo. Wuxuna tilmaamay in xadaarada hadda jirta midka duwan loo bahanyahy si jiilka soosocdaa uu unoqdo mid hanaqaada. Professor Ahmed waxa uu tilmaamay in loobahanyahay ururo si casri ah u shaqeeya oo maamul wanaagsan.

Kadib waxa iyaguna hadalo dhiiri galin ah ka soo jeediyey Sado Cabdi Koshin waxana ay tilmaantay in loo bahanyahay wax qabad wada jir ah, waxaanay ku dhiiri galisay gaarahaan dumarku inay doorweyn ka ciyaaraan horumarka gobolka. Intaa kadib waxa hadal kooban ka soo jeediyey Hinda Aadam Cumar oo ka socotay North America iyada oo matalaysay urur samofal oo la yidhaa Somaliland Peace and Development oo ay madax ka tahay. Hinda waxa ay tilmaantay in ururkoodu uu saari doono xooga xaga wax barashada, diyaarna u yahay waxka qabadka horumarka Gobolka.

Intaas ka dib waxa madasha ka hadlay Bahdasaabka gobolka Gabiley, Mohamed Ahmed Aw-Adan (habib). Ugu horayn waxa uu ka hadlay gudahaan Somaliland waxana tilmamaamy in arinta diiwaan galinta doorashooyinka ee dalka ka bilaabantahy ay tahay qadiyad mihiim ah, arimo badan oo la xidhiidha ictiraafkuna ay Somaliland kaga xidhanyhiin, wuxuuna dadka ku booriyey inay arintaas dadka ku baraarujiyaan. Intaas ka dib badhasaabku waxa uu ka halday arima Gobolka wuxuuna tilmaamay in dadka hada ay dabayl caafimaad taabatay wax qabadna ay dadku diyaar u yihiin oo laga midaysan yahay suldan, siyaasi, aqoonyahan iyo wax garad intaba.

Intaas ka dib badhasaabku waxa uu ka hadlay waxyaabaha uu gobolka ka qabtey mudadii gaabnayd ee xilka uu hayay. Wuxuuna tilmaamay in ay hada asaaseen gudi horumar oo uu Gobolku leeyahay taas oo aan hore gobolka uga jirin, wuxuuna ku nuux nuuxsaday, muhiimada ay leedahay in gudidu ay ahaato mid ka madax banaan siyaasada, iyo mid ay maamulaan dadka hantida lihi si aanu qofku u noqon mid u hunguraada, waxa loogu talo galay horumarka gobolka.

Badhasaabku waxa uu tilmaamay inay ay ku talo jiraan inay dhaqaajiyaan barnaamijkii Jamacada Gobolka Gabiley. Wuxu sheegay in wasaarada waxabarashadu ay ansixisay laguna talo jiro in Qalax loo qoondeeyey jaamacada. Dusiga sarena loo wareejin doono koonfurta magaalada kaasi oo ay hayada DRC dhisi doonto dhawaan. Waxa uu badhasaabku tilmaamay in dhamaan qorsheyaashani yihiin ku laga soo ansixiyey wasaarada waxbarashada. Badhasaabku waxa uu tilmaamay in qorshe loo dajiyey Jaamacada, jaaliyadaha dibadana qorshahaasiloo qaybiyey gudiga horumarinta gobolkuna ay kala xisaabtami doonto jaaliyadaha dibada.

Waxa isaguna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey Gudomiye ku xigeenka gudida horumarinta Gobolka Gabiley Cumar Sh. Cabdilahi Ciise, oo arimo hawleed ku jooga dalka UK. Wuxuuna tilmaamamy khibrada ay u leeyihiin maamulka NGO’s ka waxaanu dadka uga digay inaanay isaga qaldamin arinta ka shaqaynta hourmarka iyo ta siyaasadu.

Gabagabadii munaasibadaasi ka hor waxa gudoomiyaha la gudoonsiiyey shahaado sharaf uga timid uurka Somaliland Education and Walfare Foundation taasi oo u gudoonsiiyey Mohamed Farah(Kamaal) oo isagu wakiil ka ahaa ururkaasi.

Munaasibada waxa lagu soo gagabeeyey su’aalo la weydiiyey gudoomiyaha oo guud ahaan ku saabsanaa qorshaha hore u marineed ee gobolka iyo xilgudashada waajibaadada kala duwan. Kuwaasi oo uu dhamaantood gudoomiyuhu uga jawaabay si faahfaahsan.

Source: Qarannews