Kulankii
Maanta ee Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdi
Balaadhan oo ka socday Hay’adda UNDP
Hargeysa (Longlivesomaliland news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mu dane Daahir Rayaale Kaahin, waxa u maanta ku qaabilay xarunta madaxtooy ad da wafti ballaadhan oo ka socda laanta Qaramada midoobay ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan UNDP. Waftigaas oo uu hogaaminayo
madaxa laanta UNDP-da u qaabilsan horumarinta ma shaariicda
iyo xidhiidhka arrimaha gargaaarka bini’aadanimo Mr Mark Bowden
wa xay madaxweynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin
mashaariicda horumarka ah ee laanta UNDP ay ka wadaan Somaliland iyo
kuwa u qorshaysan in ay ka fuliyaan mustaqbalka dhaw. Madaxweynuhu isaga oo arrintaa abaaraha sii faah-faahinaya waxa uu ydhi “ Gobo ladaa abaaruhu ay ka dhaceen intooda badan dadkii xoolo dhaqadatada ahaa in badan baa xoolihii ka dhamaadeen dadkiina waxa haatan la soo gudboonaaday cunto yari iyo caafimaad xumo, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in dadkaa lala gaadho mucaawinooyin xaga cunno qaybinta iyo biyahaba la gaadhsiiyo inta aanay arrintu faraha ka bixin. Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku
adkeeyey in laanta UNDP iyo hay’addaha kale ee gargaarka oo ay ka
mid yihiin WFP, FOA iyo UNICEF in ay ka taageeran dadka ay abaaruhu
ku habsadeen ee reer Somaliland arrimaha soo socda. Mr Bowden waxa kale oo uu sheegay in laanta UNDP ay kordhin doonto mucaawin ooyinka ay Somaliland ka siiso dhinaca horumarinta biyaha, isla markaana waxa uu sheegay in uu si dhakhso ah u gaadhsiin doono xafiisyada qaramada misdoonbay u qaabilsan taakulaynta dadka baaraha iyo biyo la’aantu ay ku dhacday ee reer Som aliland.
|