Kulankii Maanta Ee Madaxweynaha Iyo Mucaaradka Oo Fashilmay
 

Hargeysa(Longlivesomaliland News) -Kulan ay ergo salaadiinta Somalilan d ka tirsani ku doonayeen inay isku horfadhiisiyaan maanta Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo labada guddoomiye mucaarad Axmed  Maxam ed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa fashilmay, ka dib markii uu xis biga KULMIYE qaadacay ka qayb galka kulankaas.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  ay aa sheegay in aanay ka qayb gelaynin kullan ay ku baaqeen inay maanta isugu yimaadaan Murashaxiinta Madaxtooyadda ee Xisbiyada Qaranku si looga wadda hadlo muranada siyaasadeed. Islamarkaana waxa uu duray dhex-dhexaadnimada guddigan oo uu cadeeyay in aanay Kulmiye ahaan Ku kalsooneyn.

Salaadiin ka mid ah guddiyo kala duwan oo isu xilqaamay isu soo  dhawey nta dhinacyada siyaasada Somaliland ayaa shalay soo saaray go’aamo ay ku cayimeen in maanta oo bishu tahay 22 ay fadhi deg-deg ah isugu yimaadaan hogaamiyayaasha Xisbiyaddu si looga arrinsado khilaafaadka Siyaasadeed. Waxaana ay xalay u gudbiyeen Axsaabta Qoraal ay kaga dalbanayaan inay ka soo xaadiraan kulankan oo ka dhici doona  Mada xtooyadda. Gudoomiyaha KULMIYE, isaga oo taas ka duulaya ayaa shir-jiraa’id oo uu xalay goor danbe qabtey waxa uu ku sheegay in aanay ka qayb-galeyn kulankaas, iyada oo aan la fullin shuruudo iyo mawaaqif uu sheegay inay hore Xisbi ahaan isaga taageen xaaladda taagan iyo wada hadal furma.

Ugu horeyn isaga oo saxaafadda u cadeynaya qoraalka loo soo gudbiyay waxa uu yidhi Axmed Siilaanyo. “Waxaanu u sheegney arrin la xidhiidha mawaaqiftayada xisbiga oo hore shacbiga Somaliland uga dheregsan-yahay. Annagu marka ugu horeysa is hor fadhiisi ah iyo dhex-dhexaadin maanaan diidin. Mabdi’iyana wada hadalada ma diidanin, laakiin saddex arrimoodba sidaanu hore u sheegnay waanu ku xidhaynaa…hore, iyaga waanu ugu sheegnay oo waxay yidhaahdeen waxbaanu ka qabaneynaa, waxna waa ka qaban waayeen. Midi waxa weeye dad badan oo dhawaan la xidh-xidhay iyadoo wax ay geysteen jirin, kuwii dhintay Alla ha u naxariistee mooyaane, dad badan ayaa loo xidh-xidhay mudaharaadkii ugu danbeeyay ee lagu taageerayay Golaha Wakiillada ee xafiiskiisa la xidhay, dadkaa in la sii daayo. Mida labaad, waxaanu nidhi meesha lagu kulmayo waa in laga tashadaa.

Ta saddexaad waxaanu nidhi, guddida dhex-dhexaadinta galaysa sida sharciga Islaamka iyo dhaqankeenu yahay xaqbaa loo leeyahay oo waxa weeye, marka cidi wax dhex-galayso, xaq ayay dadku u leeyihiin inay raali ku yihiin dadka dhex-galaya ee dhex-fadhiisanaya. Taana, waxaanu dooneynaa in dadka na dhex-galayaa ay yihiin dad aanu kalsooni ku wadda qabno.” Sidaas ayuu yidhi Axmed Siilaanyo, waxaana uu intaa ku daray oo sheegay in aanay salaadiinta Somaliland u dhameyn arrintan. “Salaadiinta halkan ku qoran, waxa ku jira ku yidhi Axsaabta qaranku xaq uma laha in ay yidhaahdaan Shacbiga mudaharaada ee cod uun bay xaq idiinku leeyihiin ayaa ku jira, taasoo ah mid duudsiyaysa oo  daadifey naysa xaquuqda aas-aasiga ah ee dastuurku siiyay shacbiga caadiga ah, iska daa Axsaabta oo runtaanu idiin sheegaynaa, shuruudahaa aanu u dhignay waa in marka hore la helaa. Salaadiintana qaar dhex ah umma arragno, salaadiinta qarankuna waa ay badan-yihiin. Salaadiintan ka sokow waxa jiray dad badan oo culimo, aqoonyahano iyo wax garadba leh dadkaasi hawshan kullama socdaan. Sidaa darteed waxaanu  shac biga u sheegaynaa mawqifkaygaa cad… si aan berito loo odhan  hawsh aasaanu u tagnay warqadaas ayaanu u qoray cidaas ayaa diiday.” Sidaas ayuu yidhi Siilaanyo.

Guddiga Salaadiinta ah ee dhexdhexaadintu qodabada kale ee ay ka  sok ow isu keenista go’aankooda oo ay warbaahinta ku baahiyeen shalay ku jira waxa ka mid ah, in Golayaasha Baarlamaanku joojiyaan mooshino iska horjeeda oo midna xilka lagaga xayuubinayo midna xilka loogu  kordhin ayo. Axmed Siilaanyo waxa uu ku dooday in aan arrimuhu is qusayn, ee Golayaashu hawlahooda u madax-banaan yihiin.

Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay in arrintani muujinayo gardiidnimo waxa uu ku dooday in aanay ahayn ee ay tahay mawqif cad oo xisbi. Islamarkaana loo baahan-yahay ka hor in guddigu arrimahaas wax ka qabato.

Gudoomiyaha KULMIYE waxa uu shirkaas ka xaadirayay magacyada Salaadiinta qoraalka u soo gudbiyay oo kala ah.

1- Suldaan Cumar Suldaan Maxamed

2- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

3- Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan

4-Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani

5-Boqor Maxamed Cali Carab

6-Garaad Maxamed Garaad Saleebaan

7-Suldaan Maxamed Axmed Sheekh

8- Suldaan Xusseen Xaaji Cabdi

9- Boqor Cusmaan Buurmadow

10- Suldaan Cismaan Suldaan Xirsi Barre

11-Suldaan Nadiif Jibriil.

Dhinaca kale, xisbiga UCID, inkastoo aanu ka hadal kulanka maanta la  f ilayay inuu dhaco, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inuu la mawqifyahay KULMIYE, islamarkaana aanu ka qayb galayn  kulank aas.

Waar markii labaad ee muddo laba toddobaad ah uu fashilmo kulan la  do onayay in la isku soo horfadhiisiyo Madaxweynaha iyo madaxda  mucaa radka, waxaana kulankan maanta ka horeeyay mid ay hore u qorshe eyeen ganacsato iyo culimo iyaguna ergo ah, kaas oo aan isna qabsoo min.



Source:
www.geeska.net