Kulligeen Reer Somalilandow "KADABAA KADABAA" dhahaSeptember 5th 2016 waa maalin taariikhi ah.
marka hore ILLAAHA WEYN BAA MAHAD LEH
September 5th 2016 waa maalin taariikhi ah
Heshiiskan Shalay dhex maray laba Dawladdadood ee Jamhuuriyadda
Somaliland iyo Imar aadka Carabtu,
ma aha keliya mid ku kooban inay wax ka tarto dhaqaalaha iyo shaqo
abuurka, balse waa mid saamayn weyn ku yeelandoonto xaqiijinta
qaranimada Somaliland oo kalsooni iyo aam inaadba siin karta
maalgashadayaal badan oo shisheeyey inay ku soo dhiiradaan Dalkee na.
Runtii Somaliland maanta ayay cagta saartay dhabbihii weynaa ee lagu
kasban lahaa aqo onsi caalami ah.
Dhacdadani taariikhiga ahi ma aha mid ku timid NASIIB, balse waa mid
ku hirgashay dada al iyo juhdi badan oo la geliyey, waa mid ku timid
nabadgelyada iyo xasiloonida aynu ku na aloonayno ee shacbi iyo
xukuumadba hareeraha la wada hayo, taas oo uu gadhwadeen inoogu
yahay hoggaamiyaha daacadda, aqoonta iyo waaya-aragga ah,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo, oo runtii muuji yey karti iyo dadaal aan kala go'lahayn.
Mudane Siilaanyo isagoo rumaysan inaan QARAN macno yeelan karin
haddii aannu yeelan dhaqaal xoog leh, wuxuu hindisay oo hirgeliyey
inuu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha sida waddada Burco-Ceerigaabo,
Madaarro Caalami ah (Berbera iyo Hargeysa) iyo Heshiiskan baaxadda
weyn leh ee Ballaadhinta Dekedda Berbera iyo qaar kale oo badan.
Dhab ahaan waxaynu aas-aas adag maanta u dhignay jamhuuriyad xoog
leh oo waarta.
Kulligeen Reer Somalilandow "KADABAA KADABAA" dhaha
Guul Somaliland
Qalinkii: Cali Xaruuri
Holland/Rotterdam |
|