Kulmiye: Gari Laba Nin Ka Ma Wada Qosliso

 


Hogaanka xisbiga waxa la gudboon in arrinka la soo darsay Kulmiye si deg deg ah loo soo afjaro. Somaliduna waxay ku maahmaadaa "Gari laba nin kama wada qosliso".

Xisbiga haddii uu shiray, kooramkiina uu buuxay, go'aanna ka soo baxay doorashadii 2 musharax ee Kulmiye uga qayb galayey Doorashada Mar 2009.

Waxa halkaas ku cad in ragga laga badiyey ay ka xumaanayaan natiijada ka soo baxday. Haddaba waxa la gudboon in ay ixtiraamaan go'aanka shirka Golaha Dhexe, Shir Guddoonka, Hogaanka xisbiga, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga ee aad uga xun dhacdooyinka iyo falaka jiitamaya ee xisbiga lagaga jiidinaayo yoolkiisa ku aadan doorashooyinka soo socoda.

Gartu waxay tahay:

Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee Burco wuu mudaysnaa, waqti ayaa loo qorsheeye, madal hawl muddo la sugaayey lagu fuliyo ayuu ahaa, dhaqaale ayaa ku baxay, waxaana ergooyin ka ahaa Baarlamaankii Kulmiye ee ka wakiilka ahaa xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga meel ay joogaanba. Sharciyad ay ku socoday.

Shirku wuu furmay, inkastoo uu dib u dhacay maalin. markii ay soo xaadir waayeen Gudoomiye ku-xigeenka kowaad, Musa Bixi, iyo Xooghayaha Guud, Kayse Xassan Cige. Sababta kaliftay in ay ka baaqdaan furitaankii shirkii ay madaxda ka ahayn mid laga aqbali karo ma aha.

Doorashadii Jagooyinka musharaxiinta Madaxtooyada markii la filaayey in ay dhacdo waxa soo baxday farsamooyin iyo xeelado aan loo fadhiyin oo ah in olole gola-ka-fuul ah la bilaabo oo ku wajahan wax ka bedel xeer hoosaadkii lagu tartamaayey ee Kulmiye ku dhaqmi jiray ilaa intii la aasaasay May 2002.

Golaha Dhexe ee Kulmiye oo ka wakiil ah Shirweyneihii Kulmiye ee 2aad ee ka dhacay Hargeysa, Mar 2008, ayey ahayd wixii wax ka bedel ah ee xeerarka Xisbiga in lagu dhameeyo. Laakiin ma ahyn in arrinkaas wax ka bedelka xeer hoosaadka lagu kala saaraayey tartamayaasha jagada Madaxweyne ku-xigeenka wuu yimaad madasha shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye ee Burco.

Haddii waxa ka bedel lagu sameyn lahaa waxa la burburin lahaa xeerarkii xisbigu ee wax lagu dooranaayey ilaa May 2002. Taasina waxay u horseedi lahayd in ay noqoto caado xisbigu yeesho mar kasta oo tartan yimaado.

Shir Guddonkii cusbaa ee Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye Eebe waxa uu waafajiyey dariiqa saxa ahaa ee ku qotoma sharciga xisbiga markii ay meel mariyeen in uu shirku guda galo doorashada musharaxiinta jagooyinka Madaxtooyada, in kastoo ay soo gali waayeen labadii musharax ee jagada Madaxweyne ku-xigeenka oo kala ah Cabdiraxman Aw Cali & Cadami iyo taageerayaashoodii. Ergooyinkii loo diray in ay soo ladqabeeyaan
waxay kala soo noqdeen faromadhan.

2 Musharax waxay xaq u lahaayeen in ay madasha shirka ka sheegtaan cabashooyinkooda ama soo jeedintooda oo ay u soo bandhigaan shirka. Go'aanka ay kaga baxeen shirka iyaga iyo taageerayaashoduba waxay ka hor imanaysaa dhamaan shuruucda iyo xeerarka xisbiga u yaal. Marka arrimahaas oo kale dhacaanna, xisbigu waa in uu isticmaala qawaaniinta anshax marinta (Disciplinary Procedures) ee lagu talo galay xubintii ku xadgudbta xeerarka xisbiga iyo shirarkiisa.

Waxa kale oo isweydiin mudan in Cabdiraxman Aw Cali & Cadami ay si dhakhso badan ula xidhiidhaan Idaacdaha BBC & VOA iyo jaraa'idka gudaha iyo debeddaba oo ay ku dhawaaqaan shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye waa Xaaraan, waa Foojari, waa boob waana qayrul sharci.

Intii ka dambeysay gonaanadkii shirkii Burco, waxa la isku dayey in waliba la
muslaxo nimankii Kulmiye ka dhigay in uu noqdo:" Libaax dabin u galay dad ay coloobeen".

Xisbiga Kulmiye ma jooggo maalin lagu dhex gorgortamo ee waa xilli doorasho. Mudnaanta waa in la siiyaa habkii uu doorashad soo socotaa ku heli lahaa. Haddii uu ku sii waaro xaalkana, faa'iido ayey u tahay xisbiyada kale ee tartanka ku jira.

Xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye waa madaxdii Xisbiga, waxayna matalaan xubnaha iyo tageerayaasha Kulmiye meel ay joogaanba, waxaanna looga fadhiyaa in ay gutaan xilka saaran. Golaha Dhexe waa in ay mudnaantan siiyaan in Branaamijyada siyaasadeed ee Xisbigu uu meel u socodo, ciddii doontaa madax ha ka ahaatee.

Cabdiraxman Aw Cali & Cadami iyo taageerayaashoodu waa ka mid Golaha Dhexe ee Kulmiye iyo waliba Golaha Fulintaba. Waa in ay aqbalaan doorashada Kulmiye ee Axmed Silaanyo & Cabdiraxman Saylici

Haddii laysku dayo in waxa laga bedelo waxay noqonaysaa dhamaadka xisbiga Kulmiye, taasna laguma gali karo doorasho.
 


 


M Yonis Awale
London/UK