Kulmiye haddii uu doorashada kuguulaysto makuu soo dari doonaa xukuumaddiisa xubnaha udub ee kusoo hayaamay wakhtiyadan udambeeyay

 


Marka hore waxan salaamayaa dhamaanba shacabweynaha reer somaliland meelkastoo ay  joo gaan sidoo kale waxan kuhambalyaynayaa warsidayaasha madaxabaan iyo  hawl  awadenadoo daba Dorka ay kaqaataan horumarka dalkooda iyo dadkoodaba waxaanan leeyahay haka  hadh ina ee dadaalkiina halkaa kasii wada

intaas haddaan hordhaca qormadaydan kaga gudbo bal aan udaandago dulucda qoraalkaygan

Runtii siadaynu lawada socono waxa baryahan wadankeena somaliland kasocda ololaha  dooras hada madaxtinimada oo si xawli ah oo aad iyo u wanaagsan uga socda dhamaanba gobolada  da lka iyo degmooyinkaba iyadoo uu xisbi walba ama musharaxwaliba si habsami leh usoo bandhigo Aaraadiisa siyaasadeed iyo ballanqaadyada mustaqbalka hadiba uu kuguulaysto talada dalka wuxuu gobolwalba uqaban lahaa

Haddaba waxad moodaa wakhti xaadirkan sida saxaafada maxaliga ah iyo idaacaduhuba ay soo tabiyaan in uu ugu xoog badanyahay Axsaabta tartamaysa xisbiga siyaasiga ah ee kulmiye oo uu hugaankiisa hayo ruga cadaa siyaasadeed oo qiime weyn kuleh dhamaanba umadda reer  so maliland oo aan odhan karo waa siyaasiga geeska afrika Waa Axmed siilaanyo,ee iyadoo waliba dadka siyaasada kafoolaadaa ay saadaalinayaan inuu noqon doona musharaxa kuguulaysanaya talada dalka marka la eego dabaysha siyaasadeed iyo cududda taageerayaashiisa lafilayo inay ucodeeyaan maalmaha fooda inagu so haya.

Sidoo kale waxay hadalhayntoodu badan tahay maalmahan oo dadku aad isku weydinayaan  wa xa uu Axmed siilaanyo kayeeli doono siyaasiyiin badan oo kasoo yaacay xisbiga talada haya ee Udub oo ubadan rag xilal kasoo qabtay xukuumadda rayaale oo ay dadku aad udhaliilaan siday udhaqmi jireen markii ay xilka qaranka hayeen isla markaana lagu tilmaamo inay yihiin xubno ku caam baxay musuq maasuq iyo boobka hantida umadda iyagoo isku jira  Wasiiro,guddoomiy eya al degmooyin iyo saraakiisha kala duwan ee dawladaba.

Sida ka muuqata heshiisyada uu lagalay mujaahid siilaanyo xubnahaas udub ee kusoo biiray  wa khti xaadirkan waxa laga dhex dheehan karaa amaba kamuuqata inuu u ballan qaaday Axmed siilaanyo inuu kaqayb galin doono dhismaha dawladiisa marka uu talada dalka kug uulaysto.

Ugu dambayntii haddiiba Axmed siilaanyo dawladuu soo dhisi doono uu kusoo daro raggii soo  b aabiiyay hantida qaranka ee maantana tayga usoo xidho inay marlabaad xilalka kusoo noqdaan muxuu noqon karaa isbdelka laga filankaraa inuu kulmiye keeno.

Bal waxaynu sugnaaba waa Doorashada ka dib iyo Xukuumadda Mujaahid siilaanyo soo dhisi do ono



Wabilaahi tawfiiq
 

 

 

Axmed Aw Cabdilaahi Khaliif