KULMIYE IYO MUJAAHID CALI MAXAMED YUUSUF

 

Waxa xishmad iyo qadderin mudan go’aanka waddaniyaddu ku dheeh antahay ee Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ka qaatay xaalad abuurka Xisbiga Kulmiye dalka ku jahawareeriyey. Go’aan qaadashaduna waa tilmaanaha laga fili karo muwaadinka lexejeclada dadka iyo dalka ka horeysiiya damac kasta oo uu leeyahay. Maanta oo xaalka dalku mara yo aynu si fiican uga dheregsannahay oo ismaandhaafka siyaasadeed noqday in jiritaankii ummadda iyo wixii sided iyo tobanka sannadood aynu ku soo tacabnay si hawl yar loogu badheedho in la dumiyo. Ragga manta sidaa u goolaaftamayaa ha ogaadaan in Somaliland tiirar bir ah oon daaim abidkood liicahayn ayey ku taagantahay.

Halka arrintan Cali Maxamed Yuusuf iska taagay waa halkii rag ku kala bixi jirey maalinta arrin la isku mariwaaayo. Taariikhda ayaa qiridoonta mowqifka maanta Muj. Cali Gurey iska taagay murranka ka aloosan qabsoomidda doorashada madaxtooyada ee loo muddeeyey 31st May, 2009.

Sannadkii 1956kii ayaa dalka Masar dagall lagu soo qaaday; nin duuliye ah ayaa yidhi: "Masar wala nafar-Maanta Masar iyo hal qof"; Dayuuradii uu ninkaasi wadey iyo isagiiba Markab dagaal ayey shooladda u galeen ayaa la wariyey. Cali Gurey saaxiibadiisa ka hadhayna waxa mid walba hor imanaysay gabaygii Nour Warsame:

Raggii aan dugso lahaa sidii deero kala yaacaye Deegaan ma raacin waxbay dib ugu jiiteene

Maroodiga duqoobaa webuu dul uga meeraaye dooye kama sokeeyeen haddan dacalka lay hayne .

Murankan xaalad abuureysan ayaan marnaba ahayn mid doorasho doon ah e ujeedada ka dambeysa ayaa ah: Haddaan cumaamada hoggaanka aniga la ii duubin, cid kalena qun ugu laafyyon mayso. Si kale haddeynu u dhignana sidii doorashooyinkii lixdameeyadii la odhan jirey: AMA LA I DOORERY AMA DAADKU I QAAD. Horraantii lixdameeyadii ayaa nin la odhan jirey Aw Ismaaciil ayaa intuu socod ka bilaabo agagaarka maqaaxidii Geele Haad Qoyey-waa halka seddexdii sekedood ee magaalaa Hargeysi ka unkantay A,B, Iyo C- Ayaa wuxu odhan jirey:" Xaggan u diid, xaggoorna u diid, xabda ku rid; Xamar ha u yaacdeey." Allah ha u naxariiste wixii Aw Ismaaciil sheegayey ayaa manta in horyaal. Waa giraantii taariikhda oo marlabaad dib inoo hormaraysa.

Markaa maanta waxa xisbiga Kulmiye ku hanjebeyaa waa: Haddaan aniga la I dooraneyn, doonidaa masiirkiii ummaddu saaranyahay gunta ayaanu ka daloolinayaa si dad iyo dalba ugu shufbeelo. In Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ummadda reer Somaliland labadaa arrimood kala doorta ula shiryimaado xaq uma lahay; wuxu xaq uleeyahay in uu dadka codkooda si xalaal ah u weydiisto. Ta Muj. Cali Gurey liqiwaayey waa markuu arkay wixii uu naftiisa u huray oo gud madow lagu ridayo. Muwaadin kasta oo daneynaya jiritaanka iyo horumarka Somalilandna manta sidaas oo kale ayaa la gudboon.

Dhammaan dadkan magacyadan hoos ku xussan yihiin waxay hambalyeynayaan go’aanka taariikhiga ah ee Muj. Cal Maxamed Yuusuf ka qaatay marxalada dalku maanta maray:

AXMED CALI IBRAHIM SABEYSE

XASAN CISMAAN CABDI

ADAM MAXAMED CIGE

MUUSE NUUR DUCAALE

CABDIRIZAAQ ISMAACIIL ADAM

CABDIRASHIID XASAN AXMED

CABDILLAHI XASAN AXMED

ADAM CABDILLAAHI HANFI

CABDIKEYD IBRAHIM ADAM

XASAN YOUNIS CABDILLAHI

CABDIXAKIIM XAJI SACIID

XASAN MOGEH XIRSI

 


Ha jirto oo ha waarto Jamhuuridda Somaliland

 


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse