Kulmiye iyo Xukuumadiisi ba Gurmada bey u baahan tahay degdeg ah hadii kale sidii laxdii bey qaranimada laba waaxood u kala go'oosaneyaan


 


Sheekadii labada waraabe ee laxda wada lahaa eyaad mooda sheekad Kulmiye ka soo socota mustaqbalka dhaw in ay u eegtahay, waxa jiray labo waraabe oo wada lahaa lax, laxda lafteedan waxay ku heleen baadi iyadoo reer ka soo halooday markey laxdii baadida aheyd heleen bey isku qabsadeen waxay ku heshiiyeen in an midkoodna hungureyn laxdan oo ay dhaqdaan sida binu aadmigu ba wax u dhaqdo taasey wacad ku mareen labadaasi waraabe, ileyn waa dhurwaa oo cawada ma laha oo sheydankuu la camal yahay.

Maalin maalmaha ka mid ah eyey labadii waraabe kusoo hungoobeen ugaadhsigii ay u jarmaadeen salaadii waabari, waxay maalintaasi u aheyd maalin madow waayo waxba wey soo qaban waayeen sakaaro yarna dheho, markey gurigii kusoo dhawaadeen ayey geed hoostii kuwada hadaleen iyagoo cadho iyo daal badan iyo diifi ka muuqato wajigooda ama jaahooda, mid ka mid ah labadii waraabe ayaa erayo an loo ba fadhiyin kasoo yara fakadeen isagoo gaajo la liita ayuu ku yidhi sxbkii waar hebelo laxdeeni Cawo ma soo nacnaceysa oo ma kula tahay in aynu go'aan mideysan maanta ka gaadhno.

Sxbkii kale intuu dhoosha ka qoslaya ugu jawaabay waar anigu mudo lix bilood ah ba waan nacsanaa wax qiimo ahna iguma fadhido ee adigun ban ku ixtiraamayaye arini meel bey i taaley anigu runtii ma doonayo laxdan duufku ka dayo maalin kaste iney horteyda marmarto, haddiise ad garatey maanta in aynu go'aan mideysan ka gaadhno dee aniguba waxba kamaqabo ee caawa ba inoo tali oo laba waaxood oo isleeg inooga dhig hadal heynteedubu ha ina deysee

Waxa sheekadan yar ee gaaban uga socda maanta reer kulmiye waxay heshiis ku yihiin oo ay soo nacnaceyaa dawladnimadii iyo qarannimadii JSLand, waxay mudada yar ee sanadka ah u samir la yihiin in ay ku daalan ictiraaf raadintii iyo hawshii qaranku u igmada¨waxay ka door bidayaan in sidii laxdii in laba waaxyood loo kala gooosto qarannimadii iyo sharaftii iyo karaamadii JSLand

Waxanse illaahey ka baryayaa in aney noqon sida ay jecelyihiin reer Kulmiye oo aney dusheena fotbool ku ciyaarin ee aynu ilgaar ah ku eegno dhibaatooyinka soo socda ee midi midi ku taagta ah ee ka soo dhago weyne Kulmiye dhexdiisa, runtii khibrada badan baan u leeyahay oo maaha kuwa gudahooda xal gaadhi kara, waayo ila ay ismaquuriyaan oo qolo ka soo boodo albaabka ma laha talo waxkool ah oo ay ku kala badbaadi karan haddii ay fooda si daraan.


Sanad baa maanta laga jooga ila maalintii ay xilka la wareegeyn xisbiga kulmiye ila mudadaasi shacabku waxay ku sugneyeen jahaweree iyo shir beeleedyo boodhka lagasoo tumayo oo kusaleysan sami qeybsi iyo xil deyday. waxad maqlaysaa mudadaasi sanadka ah balamo iyo heshiiso hore loo saxeexay oo hadda la leeyaha waa bug iyo been, waxad arkeysa arimo badan oo an la isku ogeyn oo hadda soo baxaya sida ururada siyaasada oo an xisbiga kulmiye heshiis ku aheyn in la furo ururo siyaasadeed taaso qeyb kulmiye ka mid ihi aad uga soo horjeedan in ururo la furo, waxad maqlaysa beelihi ee xisbiga ugu miisanka weynaa oo uu xidhiidhkoodii iyo kalgacalkoodii badnaa isasoo nacnacayan oo ad runtii ka dareemeyso meelaha la isku yimaado iyo webabka qoraalada lagusoo daabacayo, waxad arkeysa maalin walba haddii ad maxkamada booqato cadaalad darada ka socota, waxad maqleysa dadka an waxba galabsan ee jeelasha ka buuxa ee loo soo xidhey bari buu kulmiye ka hor yimid iwm


Waxase ayaamahan danbe soo ifbaxayaa ama isasoo taraya oo warbaahintii kulmiye kusoo kordhey qeybsanaa iyo midi midi ka horgee, wax biyo hoostii la isku garaacaba, sheekadii kulmiye waa mid banaanka u soo baxaday oo u baahan in loo gurmado oo la kala badbaadiyo mucaaridka kulmiye iyo xukuumada kulmiye. somalidu waxay ku maahmaahda labad daalinimo ku hesheyay kheyrka iyo nicmada ayey ku colooban
'
Waxa marag madoon ah oo ad la wada socotan halka ay ciyaartu mareyso sidey warbaahintoodu ba qortey maalmahan u danbeyay waxa isasoo taraya khilaafiyo hor leh oo gudaha iyo dibada ba ka jira oo xisbiga iyo xukuumada ba halis ku ah, maalintii dhaweyd ee xilka qaadistii gudoomiyaha maxkamada sare waxad arkeyseen xildhibaano iyo madaxda hogaanka kulmiye ah oo ka soo horjeestey xilka qaadistii u madaxweynuhu soo jeediyay ee gudoomiyaha maxkamada sare, runtii waxa inoogu filan khilaafka iyo dhibaatada xisbiga iyo xukuumada ka soo dhago cad intaasi iyo kuwa kale oo aynu maalin walba aragno oo an runtii loo dul qaadan karin.

Waxan kusoo gabagabeynayaa qormadeydan dawladii kulmiye waxay ku fashilantey sanad gudaheed diba iyo gudaba, taaso sharaftii iyo karaamadii qaranimo dib ugu celisay in shir beeleedyo, hantidii qaranka oo sharkado gaar loo leeyahay lagu wareejiyay, kontrakiyadii qaranka oo sharkado gaar ah laaluush lagu siiyo, shaqooyinkii qaranka oo la yidhi AYAAD TAQAAN halkii laga odhan la MAXAD TAQAAN IWM

Wa bilaahi tawfiq

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway