Kulmiye Oo Ka Hadlay Shuruudo Uu Ku Xidhay Ogolaanshaha Qabsoomidda Doorashada Ee 31-ka May
 

 

“Xisbiga Kulmiye 31-da May diyaar buu u yahay doorasho,laakiin..”Axmed-Siilaanyo


Hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in uu ka baxay Heshiisyo gundhig u ahaa in Xisbiyada Mucaaradka ahi ogolaadaan muddo-kordhin hore loogu sameeyay, waxaanay Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan ku eedeeyeen in ay wadaan iska horkeenka Beelaha dalka qaarkood.


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Madaxweyne Rayaale ku tilmaamay in uu ka baxay qoddobada heshiis uu sheegay in ay hore u wada galeen Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka ahi, kaas oo ay ka mid ahayd in loo sinnaado Warbaahinta Dawladda, in Wasiiradu aanay ka hadal arrimo aan khusaynin iyo qoddobo kale. Waxaanu sheegay in Madaxweyne Rayaale muddo-kordhintii loo sameeyay aanay sharci ahayn, isla markaana ay u sheegeen Madaxweynaha in aanu Sharci ku fadhiyin.


“ Maanta Daahir Rayaale waxa I bedeli kara Madaxweyne la soo doortay oo kaliya maalin walba waad ka maqashaan Raadyowga iyo Telefishanka, bal waxaad ku tidhaahdaan, maalintii ugu horeysay ee Kursiga Madaxweynuhu ku fadhiistay ma shacbigaa ku soo doortay? Maya ma dooran, dhaxal buu ku helay oo waliba sida uu ku fadhiistay la ogaa siday ahayd.


Sheekh Ibraahim bay ahayd inuu ku fadhiisto alla ha u naxariistee, laakiin waa loo daayey.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.


Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waar maalintaa ma Cod ummadu leedahay baad ku soo baxday? dhawrkii jeer ee laguu kordhiyey ma cod ummadu leedahay baad ku soo baxday?”

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye wuxuu ka hadlay waxyaabo uu sheegay in ay ka mid ahaayeen qoddobo ay Xukuumadda iyo Axsaabtu ku heshiiyeen, kuwaas oo uu sheegay in aanu Madaxweyne Rayaale qodob kaliya ka fulinin.


“Sanadkii dhawayd markii aanu wada hadalnay ee wakhtigu ka dhacay waxa aanu ku heshiisay oo aanu nidhi, Sharciyad aad ku fadhidaa meeshaa ma jirto. Markii aanu aragnay anagoo markasta dadka u tudhayna xaaladu siday tahay, ayaa waxaanu ku heshiinay ballan iyo Axdi oo uu qaaday. Anagoo u ogolaanay inaanu u kordhino wuxuu ogolaaday Ninka Wasiirka ahi inuu hawl qaran ku ekaado, oo Ninka Shaqaalaha ah ee dawlada u shaqeeyaa uu shaqadiisa ku eekaado, wuxuu balan qaaday in ummada loo sinaado, gaadiidka loo sinaado, Radio iyo Tv-ga loo sinaado. Waxaas oo dhani heshiiskay ku qoran tahay mid qudha axdigiisii kamuu fulin.” Ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo oo shalay ka hadlayay Munaasibad Xisbigiisu Xafiis kaga furanayay Xaafadda 26 June ee Magaalada Hargeysa.


Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu ka hadlay sababta Xisbigoodu ugu gacan-saydhay saxeexitaanka Heshiiska cayimidda muddada Doorashadu qabsoomayso oo Komishanka Doorashooyinku u cayimeen 31-ka bisha May. “Waxa maanta la leeyahay Xisbiga Kulmiye ayaa diiddan doorashadii, Kulmiye saacadaa doorasho diyaar buu u yahay, oo 31-da May diyaar buu u yahay doorasho laakiin 6-da April oo ay kaga eegtahay Rayaale, yaa dalka doorasho gaadhsiinaya ayaa laysku hayaa, ee kulmiye ma diidana doorasho” ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye.


Sidoo kale Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda ku eedeeyay in ay wadaan arrimo iska-horkeen Beeleed ah. “Anigu Burco ayaan joogay, shirarkii halkaas ka dhacay baan ka warhayey. Burco waa magaalo weyn waa caasimadii labaad ee dalka, waxa jira oo laga shaqeeyaa oo Niman dawladda ahi ay wadaan Beelaha ku nool Burco inay iska- hor yimaadaan oo ay isnacaan. Markay sidaas samaynayaan iyagu waxay is leeyihiin dan baa idiinku jirta..Taas ayey ka shaqeeyaan, nimankaa maanta leh KULMIYE ayaa nabadgelyo daro wada, laakiin reer Burco arrinkaa way iska garteen” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isna halkaa ka hadlay.

Dhinaca kale, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah Urur-Siyaasadeedka Qaran ee iskaashi-wadaagta yihiin Xisbiga Kulmiye ayaa isna yidhi, “Maanta Isbedel dhab ah ayeynu u baahanahay dad lex-jeclo u leh dalka iyo dadka ayeynu u baahanahay dalku inamuu gabin, ee xukuumadihii ayaa ina gabay…Dadku waxa uu ku kala baxaa waa sharci, sharcigii waa layska laabay, dawladan shan sanno ayaa la doortay oo loo dhaariyey way ka dhamaatay, wuxuu maanta ku joogaa waa sharci-daro, mana dhaarsana”ayuu yidhi Eng: Maxamed Xaashi Cilmi.

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee G. Hargeysa iyo Masuuliyiin kale.



 

 




Wargeyska  Ogaal