KULMIYE oo ku Baaqay in Baadhis Rasmi ah Lagu Sameeyo Hawlgal Ciidamo Hubaysan ku Galeen Gudaha Xarunta Dhexe ee Xisbigooda

 

Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ku baaqay in baadhis buuxda oo degdeg ah lagu sameeyo hawlgal ciidammo boolis ah oo hubaysan ah Sabtidii 14 February 2009 ku galeen gudaha xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa.


Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu Afhayeenka KULMIYE Mr. Maxamed Kaahin Axmed shalay u kala diray Komishanka Doorashooyinka, Guddiga Anshaxa iyo Dabagalka Doorashada, Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyada Golaha Wakiillada, isla markaana ogeysiiyeen Golaha Guurtida, isagoo masuuliyadda arrintaasna u xambaariyey taliyaha ciidanka booliska Somaliland Mr. Maxamed Saqadhi Dubbad.


Waxa afhayeenku qoraalkiisa ku sheegay in markii ciidammadu galeen gudaha xarunta xisbiga su’aalo weydiiyeen Xoghayaha Guud ee KULMIYE iyo xoghaynta xafiiska, waxaannu masuuliyiinta xukuumadda ka dalbay in aanay ciidammada u adeegsan adeegsan hawlo siyaasadeed, dhexdna u ahaadaan axsaabta qaranka.


Nuqul ka mid ah qoraalka afhayeenka KULMIYE hay’adahaas kaga dalbay baadhista hawlgalka ciidammada ciidammada boolisku ku galeen gudaha xarunta xisbigooda oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay, waxa uu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan:


“Mudanayaal; waxaannu idin ogeysiinaynaa in shalay [Sabtidii] 14 February 2009 ay xarunta xisbiga KULMIYE yimaaddeen ciidan hubaysan oo ka tirsan ciidanka booliska, waxayna soo galeen xafiiska gudihiisa, halkaasoo ay kula hadleen Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE iyo xoghaynta xisbiga.


Mudanayaal; waxaynu ognahay in ciidammada qaranku yihiin ciidamo uu jideeyey distoorka qaranku, ayna yihiin kuwo ka madaxbannaan hawlaha siyaasadeed, isla markaana dhex u ah xisbiyada siyaasadeed iyo hay’adaha dawladeedba.


Qaabka iyo sifaha ay shalay 14 February 2009 ku yimaaddeen ciidammada boolisku xarunta xisbiga KULMIYE waa mid ka baxsan qaab-sharciyeedka ciidammada boolisku u gutaan hawlaha. Sidaa darteed, xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa mid sharciga baalmarsan in ciidanka qaranka booliska loo isticmaalo sifo siyaasadeed.


Mudanayaal; waxa kale oo idin ogeysiinaynaa marar hore oo badan in arrintan oo kale iyo falal noocaas ah lagula kacay xisbiga KULMIYE, waxana ka masuul ah taliyaha booliska. Arrintani waxay ku soo beegantay xilligii doorashada, waxayna daah-furaysaa in aan taliyaha boolisku dhex ka noqon Karin arrimaha doorashada.


Haddaba, xisbiga KULMIYE waxa uu ka codsanayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Anshaxa, Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Nabadgelyada ee Golaha Wakiillada, in si rasmi ah loo baadho arrintan iyo xadgudubka lagu sameeyey xisbiga, go’aanna laga gaadho cidda masuuliyadeeda leh.


Arrintan golaha xukuumadda waxba kama aannu ogeysiin, bacdamaa iyagu yihiin cidda waxanba wadda.”


 

 




Jamhuuriya Online