Kulmiye oo lagu Takooray Siyaasaddiisa Aqoonsi diidka Dawladda JSL


 

Shacbi weynaha JSl,Xukuumadda JSl, Golaha Guurtida, Golaha Wakiiladda, Gudiga Doorashooyinka Qaranka, Sooyaal oo ah Jimciyadda Mujaahidiintii SNM, Xisbiga UDUB,Xisbiga UCID iyo Bulshada Caalamiga ah ayaa ka soo horjeestay oo ku diiday Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye go'aankiisa ku saabsan inaanu aqoonsanayn dawaladda JSL laga bilaabo 6 april 2009.
Sidaas oo ay tahay hadana ilaa hadeer xisbiga kulmiye kamuu tanaasulin Go'aankan oo lagu tilmaami karo siyaasiyan qalad taariikhi ah oo uu galay Kulmiye khatarna uu ku ahaan lahaa nabad galyada iyo jiritaanka JSL haddii qaybaha kor ku xusan midkood ama ka badani ay ku taageeri lahaayeen.


Inkasta oo si cad loogu muujiyey Kulmiye inaan lagu raacsanayn go'aankan (lana taageersan yahay go'aamadii ay soo kala saareen Golaha Guurtida iyo KDQ Kuna saabsanaa muddo u kordhinta Xukuumadda 6 bilood oo ku beegan 29 October 2009 iyo waqtiga Doorashada Madaxweynaha oo loo cayimay 27 September 2009)hadana ka sii darane hogaanka Xisbig a kulmiye wuxuu dhegaha ka furaystay dhawaaqa ummadda waxaanu xaaraan iyo sharci darro ku sheegay go'aamadii Guurtida iyo KDQ waxaanu u bilaabay uguna baaqay taageerayaashiisu inay sameeyaan mudaharaado iyo banaan baxyo joogto ah oo ay ku taageerayaan.


Dad badan ayaa is weydiinaya sida xukuumadda JSL u aqoonsanaan doonto xisbi aan ogolayn jiritaankeeda uguna ogolaan doonto Mudaharaado iwm.
 

 

 



Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Gudoomiyaha UDUB UK
Ahmedlibaah@hotmail.com