KULMIYE Oo Xaflad Balaadhay u sameeyay Garab ka mid ah Ururkii UMMADDA Oo la midoobay
 

 



Hargaysa (TNN): Siyaasiyiin, xubno iyo taageereyaashii urur siyaasadeedkii hadhay ee UMMAD A ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay ku soo biiritaanka garabkaa hore uga tirsanaa ururkii UMMA DA ee xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay huteelka Shiraaqle ee bariga magaalada Hargaysa, waxa ka so o qayb galay wasiirka Arrimaha guddaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), wasiirka madaxt ooyada Xirsi Xaaji cali Xasan, wasiirka maaliyada C/casiis Maxamed Samaale, wasiiru dawlaha maaliyada Cismaan C/laahi Saxardiid, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Sidoo kal e waxa xaflad aasi ka soo qayb galay masuuliyiinta hore uga tirsanaa ururkii Ummada eek u soo biiray Kulmiye oo uu ka mid ahaa xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), iyo guddoomiyeyaashii labadaii urur siyaasadeed ee hadhay ee Dalsan iyo Rays, siyaasiyiin cuqaal salaadiin iyo masuuliyiin kale.


Wasiirka maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si kal iyo lab ah ku soo dhaweeyay siyaasiyiinta iyo taageerayaasha hore uga tirsanaa ururkii Umma da ee hada ku soo biiray xisbiga Kulmiye.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “waa munaasibad aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay oo aan u soo dhawaynano, waxaanu u nimid halkan in aanu idinku soo dhawayno qalbi furan, gacmo furan iyo laaltinimo, xisbiga Kulmiye waa xisbi cidwalba jecel in uu soo dhaweeyo, ilaa aas aaskii xisbiga waa mid ku suntan in lawada leeyahay, oo ummada u dhex ah”.

Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay tahay guul way n oo u soo hayatay xisbiga Kulmiye ku soo biiritaanka garab ka mid ahaa ururkii Ummada, waxa anu yidhi “runtii waynu kala maqnayn ee maynaan kala tegin in aynu maanta isu nimaadnaana wax wa yn ma aha, waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada xisbiga Kulmiye.Kulmiye kalsoonidii shacabka ayuu sii adkeeyay, doorashadii hore wuxuu helay aqlabiyad, aqlabiyadiina waxqabad ayuu ku muujiyay, mar haddii uu aqlabiyadii waxqabd ku sameeyayna ma luminaayo kalsoonidii shacbkiisa, waana wakhtigii aynu midoobi lahayn ee aynu isugu tegi lahayn halkii uu tacab ku jiro”.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa shee gay in xisbiga Kulmiye yahay horyaalka xisbiyada siyaasada Somaliland isla markaana uu yahay xisbig a aragti fog oo aan la kala lahayn.
Waxaanu Muuse Biixi ku dooday in xisbiga Kulmiye uu yahay xisbi aragti dheer isla markaana u bisil hogaaminta siyaasada wadanka iyo bulshadaba.

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), oo ku hadlayay afka garabka hore ugu tirsanaa ur ur kii Ummada ee kulmiye la midoobay oo isn halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in sabab ta ay xisbiga Kulmiye ugu soo biireen in ay ka danbaysay markii ay xidlhibaanadii ururka Umma da uga soo abxay degmooyinka kala duwan ee dalka iyo dhamaanba taageerayaashii ururku ay g o’aans adeen in ay ku soo biiraan xisbul xaakimka Kulmiye.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan idiin sheegayaa in aanu la midawno oo aanu ku biirno oo aanu wax la qabsano xisbul xaakimka Kulmiye waxay ka dhalatay xildhiba anadii u soo baxay ururka iyo taageerayaashoodii oo kala jooga Hargaysa, Burco Boorame, cee rigaabo iyo meel kasta oo ay ka soo baxeenba, markii ay arrinta rog-rogeen waxay go’aan sad een in ay xisbul xaakimka Kulmiye ku biiraan la shaqeeeyaan waxna la qabsanadaan”.
 

 


Cumar Maxamed Faarax