Kulmiye Waa Wada Maarshaal
Doodi kama taagna in xisbiga kulmiye iyo qaranka somalilandba uu ka bax ay shakhsi aad u culus oo sharaf iyo karaamo ku lahaa bulshada
dhexdee da, taasna waxaa cadayn kuugu filan shacab weynaha somaliland
ee mux a afid iyo mucaaridba leh oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba
baroordiiqda iyo tacsida tiiraanyada leh kasoo wada direy.
Hadana sidaas oo ay tahay xisbiga kulmiye marnaba ma waayi doono
sha kh si u dhigma oo uu ku buuxiyo kaalintii uu baneeyey alle ha u
naxariistee Cali Muxumed Guuleed (Cali Maarshaal)sababtoo ah xisbiga
kulmiye waxaa ku dhan ama isugu tegay waxgaradkii aqoonyahankii iyo
dhamaan indhee rgaradii umada somaliland oo Da'a kasta iyo
deegaankastaba leh.
Tusaale ahaan dabayaaqadii 2008 markii uu shil gaadhi ku dhintay
Xildhib aan Maxamed Cali Tuke AUN oo xisbiga kulmiye uga soo baxay
Degma Gar-adag waxaa markiiba lagu soo bedelay Xildhibaan A/rahmaan
Maxamed Tanyanle oo kamid ahaa xubnaha kaydka ah ee xisbiga kulmiye
iminkana katirsan golaha wakiilada somaliland.
Hadaba haddii aan ku noqdo ujeedada maqaalkayga ee aan cinwaanka uga
dhigey waxaa jirtay in 17 October 1984 markii uu dhacay dagaalkii
qadhaa dha ee Burco-duurey ee uu ku geeriyooday Alle ha unariiste
Muj. Maxam ed Xaaji Diiriye (Lixle) inay idaacada BBC-du waraysi la
yeelatay gudoom iyihii SNM ee xiligaas ee iminkana ah gudoomiyaha
xisbiga siyaasiga ah kul miye Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Gudoomiyaha kulmiye Ahmed siilaanyo oo inta badan lagu yaqaan inuu
ma sraxa siyaasada kusoo kordhiyo erayo diblomaasiyadeed ayaa isagoo
qir san geesinimada Mujaahid Lixle sidoo kalena aan wax niyadjab ah
ku ridin ciidamadii iyo saraakiishii kale SNM ayaa yidhi SNM WAA
WADA LIXLE, odh aahdaas oo caan ka noqotay deegaano badan oo somalidu
degto.
Guntii iyo gabagabadii xisbiga kulmiye waa wada Marshaal, sidoo kale mad axda KULMIYE maaha kuwo xil iyo xoolo toona ay isu keeneen waa
dad ku midoobay mabaadi' iyo mowqifiyo siyaasadeed oo dhaba, halka
xisbiga tal adada haya ee UDUB uu ka baxo ama ka digo rogto qofkii
xil laga qaadaaba.
|