REF: XK/XGX/0042129/2015 Date: 23/07/2015



Ujeeddo: Aragtida Go’aanka Maxkamadda Sare SL

Xisbiga KULMIYE waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo taariikhdu tahay 23/07/2015, waxaannuna diyaar u nahay in aannu ugu dhaqanno sidiisa.

Waxa kaloo aannu si gaar ah u soo dhawaynaynaa qodobka saddexaad ee go’aan ka Maxkamadda Sare ee amraya in dhinacyada doorashadu khusaysaa soo afjar aan muranka taagan.

Sidaa darteed xisbi ahaan waxaannu jecelnahay in arrintaasi laga midho-dhaliyo, iy adoo horeba KULMIYE uu ugu jirnay sidii loo dhammayn lahaa khilaafkan, waxaann una ugu baaqaynaa xisbiyada mucaaradka ah inay nalaga hawl galaan dhammaystir ka iyo hirgelinta heshiiskii hore loo galay.

 



ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE