Kulmiye Wixii U Dan Ah Ayaa Somaliland U Dan Ah
 

Dhawaan markii ay safarka ku tageen laba wasiir oo ka tirsan xuku uma da Somaliland magaalada Nairobi, waxa ay ujeedada safarkoodu ahayd in ay Deeqbixiyayaasha ka dhaadhiciyaan sida iyo qaabka ay dawladu u rabto in doorashada loo galo,

Sida muuqata waxa uu madaxweynuhu isku qanciyay inaan Golaha  Guu rtida la hor geyn karin Kordhin danbe iyo doorashada oo dib loo dhigo. Waxaa taasi marag u ah dhaq-dhaqaayo badan oo dhinaca xukuumada ka jira, waxa kale oo calaamad u ah in dawladu ay  door asho diyaar u tahay waji gabaxa ay kala kulantay Deeq  bixiyayaas ha Caalamiga ah ee dhaqaalaha ku bixiya dhismaha dimoqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland, oo ay xaruntoodu tahay magaalada Nairobi.

Dhawaan markii ay safarka ku tageen laba wasiir oo ka tirsan  xukuuma da Somaliland magaalada Nairobi, waxa ay ujeedada safarkoodu ahayd in ay Deeqbixiyayaasha ka dhaadhiciyaan sida iyo qaabka ay dawladu u rabto in doorashada loo galo, iyo waliba waxyaabaha ay ku diidan yihiin shuruudaha ay deeqbixayaashu ku xidheen 3d xisbi si doorasho u  dhac do wakhtigeeda. Labada Xisbi mucaarid iyagu way aqbaleen dhamaan qodobada ay soo jeediyeen  Deeq  bixiyay aashu iyo talooyinka kale ee ay soo jeediyeen si aanay doorashadu mar danbe dib ugu dhicin. Laakiin dawladu ilaa hada kuma faraxsana arrintaas inkastoo ay dhawaaan soo shubtay saamigii dhaqaale ee doorashada ee laga sugayay dhinaca dawlada.

Arrinta soo shubista saamiga dhaqaalaha doorashadu waxa ay  muuji naysaa in dawlada ay ka soo xidhantay albaab kasta oo kale oo aan ahayn albaabka doorashada. Dawaldu ilaa imika waxa ay raadinaysaa meel ay uga baxdo suryada la geliyay ee ah in doorasho mooyaane aan wax kale la aqbalayn. Madaxweyne Daahir Rayaalena waxa uu  raad inayaa qorshe amaba hindise wanaagsan oo uu kaga bixo ama kaga tago madaxweynenimadiisa [Appropriate Exit Strategy] , qorshahaasi oo ugu danbayntii uu isku qanciyay inuu yahay doorashada oo laga helo ka dibna xilwareejin nabada uu sameeyo[Peaceful and Smooth Transition].

Arrintaasi oo marka laga eego dhinac walba sharaf iyo maamuus weyn oo taariikhiya u ah Madaxweyne Daahir isla markaana sumcad weyn oo caalamiya u ah Somaliland iyo geeska Africa. Haddii Daahir arrintaa  sam e eyo waxa ay si xawliya usoo dhawyn doontaa helitaanka aqoonsi  caal amiya iyo maalgashi caalamiya oo ka yimaada adduunyada  dhaqa alaha hore ugu martay. Waxa kale oo ay sii adkayn doontaa nabad-gelyada iyo xasiloonida Somaliland iyo is-aaminaada dhinaca siyaasada ee qoomiyadaha ku dhaqan Somaliland gaar ahaan Sool iyo Sanaag oo aad ugu hanweyn inay ka dhex muuqdaan hogaanka sare ee siyaasada Somaliland.

Iyadoo hadaba diyaar garawga doorashada Madaxweynaha ee doorkan aad moodo inuu yahay mid dhab ah oo meel looga leexdaa aanay ayaa waxa uu xisbiga Kulmiye ugu jiraa tartan hufan oo xalaal ah sidii uu  tala da dalka gacanta ugu qaban lahaa markii ugu horeysay tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 2002dii.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Ahmed Mahamed Mahamoud Siilaanyo  ay aa hormood u ah doorkan sidii loo heli lahaa talada dalka. Waxa laga maarmaan in la ogaado in Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye aanu hamuun u qabin inuu madaxweyne noqdo laakiinse waxa uu hamuunta u qabaa ay tahay sidii uu mustaqbalka Somaliland meel wanaagsan ugu hubsan lahaa inta aanu gabi ahaanba ka fadhiisan guud ahaan saaxada siyaada Somaliland. Waana arrin waajib ku ah inuu raadiyo wax u cuntama oo halgankii dheeraa uu hurdada kaga gam’o si aanu marnaba uga tiiraanyoon dhibtii loo soo maray soo celinta xoriyadii Somaliland. Sidaa darteed bay muhiim u tahay inuu hogaanka dalka qabtaa oo uu dhamaystiraa isla markaana dhisaa dhagaxii uu AHU Madaxweyne Cigaal dhigay ee ahaa dhismaha Somaliland.

Iyadoo hadafka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu yahay kaa aynu kor ku soo sheegnay ayaa dhinaca kale waxa uu Xisbiga Kulmiye guud ahaan rumaysanyahay in wixii Kulmiye u dan ah ay dan u tahay Somaliland.

Kulmiye waxaa u dan ah in doorasho la qabto oo wakhtigeedii ay dhacdo isla markaana aan dib loo dhigin mar danbe. Dib-udhigista doorashadu waxa ay sumcad xumo weyn u keentay geedi socodkii dimoqraadiyada, waxa kale oo aamin-darro ka dhex abuurtay wadamada iyo hayadaha xidhiidhka iyo saaxiibtimadu inaga dhaxayso ee inaga caawiya horumarka siyaasada, dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada.

Somalilandna waxaa u dan ah in doorasho la qabto oo dadweynaha la  si iyo fursad ay ku doortaan xisbiga iyo qofka ay rabaan inuu hogaanka dalka sii amba qaado. Doorashadu waxa ay dan u tahay dadka oo helaya nasiib mar kale ay ku dhagaystaan xisbiga wanaag iyo horumar soo  wa da, xisbiga wax ka qabanaya cabashooyinka shaqo la’aaneed, biyo la’aaneed, waddo la,aaneed, Dhakhtar la,aaneed, Cadaalad la,aaneed iyo guud ahaanba horumar la’aaneed.

Kulmiye nabadu waa u dan. Waxa uu jecelyahay in dalku nabad waarta ku jiro waligiiba, in dadku is dhexgalo oo lixda gobol ee Somaliland ay  da wladnimo hano-qaaday ka jirto. Kulmiye waxaa u dan ah in waxa  Harga ysa yaala laga helo Laascaanood, Boorama iyo Ceerigaabo. Kulmiye  wa xa u dan ah maamul fidin qoto-dheer oo cilmi ku fadhida.

Somalilandna nabadu waa u dan. Somaliland waa inay noqotaa  Sweden tii Africa. Nabadu waxay dan u tahay dhamaan dadweynahay Somaliland oo dhan. Marka nabad la helo ayaa horumarku yimaadaa oo laga fikiraa in la helo waxyaabahaha nolosha qurxiya ama u fududeeya dadku inay si wanaagsan u nooladaan. Nabad marka la helo ayaa waxbarasho la  tag aa, nabad marka la helo ayaa  caafi maadka la ilaaliyaa oo dhakhtaro la dhisaa, nabad marka la helo ayaa dawladnimo la helaa, nabad marka la helo ayaa mushaarooyin la qaataa.

La soco qaybta labaad.
 


Ahmed Ali Aden

Birmingham, UK