WAR-SAXAAFADEED
Shalay (09/11/2013) waxa Huteel ku yaala magaalda Hargeysa ugu soo
galay Mujaahid Maxa med Kaahin Axmed isagoo ka shaahaynaya saddex
nin oo walaalo ah kuna qabtay qori. Maxam ed kaahin waa astaan qaran
ee maaha qof caadiya. Xisbiga KULMIYE ma cambaraynayo oo kel iya
falkaa ee wuxuu kaga hortagayaa gacan bir ah.
Maxamed Kaahin oo ka mid ah saddexdii mujaahid ee ugu hortalaabay
1982kii ilaa maantana ha lgan naf hur ah ugu jiray xorayntii,
dhismaha iyo horumarinta Qaranka Somaliland.
Maxamed Kaahin intii aannu tallaabin wuxuu ahaa Gaashaanle Sare,
isagoo ahaa madaxii sahan ka ee qaybtii 26aad, waxaannu ahaa cidda
qudha ee ay u cabato ciddii dhibaataysani, ugana hiilaya daalimkii
Siyaad Barre isagoo gudaha jooga.
Waa taliyihii ciidankii buuraha barga (Miriye) galay 1984kii, markii
Dhagawayne sheekh galay, Cabdilllaahi Askarna buuraha galbeedka.Waa
taliyihii ciidankii galay Burco 1988kii isaga iyo Ax med Mire, kuna
dhaawacmay ee ay madax a kaga dhacday ilaa haatana ka muuqato.
Maxamed Kaahin 30kaa sanno danguud mooyee tu gaara ma qabsan, waxa
la hubaa inaanu Maxamed Kaahin ku lahayn jago iyo guri midna dalka,
waayo maba haleelo tiisa gaarka ah.
Daaraha dhaadheer ee dalka ka dhisan iyo maalqabeenada, jaamacadaha
iyo ardayda ka baxd ay ee dunida ku faaftay iyo horumarka la gaadhay
waa tacabkii Maxamed Kaahin iyo kuwii la midka ahaa ee SNM.Bal aan
iswaydiino ninka qoriga ku qabtayna waa kuma.
Waxa xannuun badan in ninka mujaahid Kaahin maanta qoriga ula baxay
uu yahay kii marxuum Cabdillaahi Askar qoriga ku qabtay 1983kii.
Waxa kasii daran in kuwa la socday markii uu Maxamed Kaahin maanta
qoriga ku qabanayey ay ahaayeen kuwii maalintaa Gaani Tiyaatarka
Hargeysa uga heesayay ee lahaa waxaannu soo qabanay qudhmistii ugu
waynayd.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ummada u caddaynayaa inuu dagaal aan naxariis
lahayn la gali doono kuwa neceb guusha qaranka, isla markaana
caadaystay inay marwalba cadowga u adeegaan.
Alla mahadle
Muuse Biixi Cabdi
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
|