kulmiyoow bulshada Somaliland way ka kortay shir beeleedyo lagu abuuro fidmo iyo kala fogayn

 

waxa jirta in muddo badan uu guddoomiyaha xisbiga kulmiye ku mashq uulsanyahay shirbeeleedyo iyo nidaam qabaaila oo uu taageero ugu raadinayo xisbigiisa si uu maruun ugu ugu guulaysto hogaanka dalka ee uu wakhtiga dheer kuriyooniyay isla markaan geed dheer iyo midgaaban ufuulay rajadiisuna noqotay mid maalinba maalinta kadambaysa hoos usii dhacda waxa hubaal ah oo aan madaw kujirin in wakhtigan xaadirka ah uu marayo hogaanka kulmiye quus iyo fara madhan

isagoo taagan habar dhali wayday aleelo ku rafatay waxaynu ognahay inuu ku caano maalay furfurka iyo qaybinta iyo qabyaalad abuurka beelaha wada degen dalka jamhuuroyada somaliland ee walaalaha ah isagoo beel walba kula hadla afgaar ah

guddoomiyaha kulmiye haddii aynu taariikhdiisa dib ugu yar noqono waxa uu muddo ahaa gudoomiyaha ururkii gobanimadoonka ee snm wakhtigaas oo lagu xusuuto khilaafkaa ba,naa iyo kala daadsanaantii nidaam la,aanta ahayd ee ku hogaaminayay ururkii snm isagoo markasta iska hor keeni jiray mujaahidiintii waaweynayd ee halganka horseedka ka ahayd una kala qaybiyo beelo iyo jufooyin dhamaanba ciidankii snm taasi oo keentay in reer waliba urur magac le oo snm katirsan uu yeesho loona kala baxay qabiil qabiil

waxa iyana aan meesha kamaqnayn in loo tiriyo axmed siilaanyo inuu kadambeeyay mujaahidiin halgamayaal ahayd dilkooda kadib markii ay isaga horyimaadeen arrimo siyaasadeed oo ururka dhexdiisa ah
snm waxa soo wajahay wakhtigii uu hogaaminayay kala jab iyadoo qarka uu saarantahay in uu burburo ururkii xaq udirirka ahaa ee snm taasi oo keentay in laga horyimaadaa markii hogaan xumadiisii loo adkaysan kari waayay lagana qaaday xilkii uu snm uhayay isla markaana la doortay aabihii gobanimada somaliland muj. cabdiraxmaan axmed cali tuur
doorashadii tuur kadib waxa hana qaaday halgankii hubaysnaa ee snm iyado wax waliba udhaqaaqeen sidii loogu tala galay waxay sabatay in taladii dalka laga tuuro hogaankii faashilka ahaa ee maxamed siyaad barre sidoo kale dalka somalilandna ku dhawaaqo gooni isu taag
waxa hubaal ah in wakhtigaas uu siilaanyo ahaa raggii siyaasiyiinta ahaa ee kasoo horjeeday in somaliland ka go,do dalkii laisku odhan jiray somaliya

laga soo bilaabo wakhtigii somaliland gobanimadeeda lasoo noqtay waxa jirtay in uu axmed siilaanyo mashquul ku ahaa dibin daabyo loo maleego shacabka somaliland isagoo daaha dabadiisa ka hagayay dagaaladii sokeeye e sagaamashamaadkii dhexmaray beelaha walaalaha ah ee bariga iyo galbeedka burco sidoo kale waxa uu huriyay colaadihii sokeeye ee ka dhacay berbera

waxan xusuustaa wakhtigii allaha unaxariistee dawladii madaxweyne cigaal ee lasoo saarayay lacagta shilinka somaliland markii madaxweynuhu baarlamaanka horkeenay in labadalo oo lasmeeyo lacag wadanka ugaar ah wuxuu siiilaanyo hogaaminayay mudanayaashii diidanaa isagoo wakhtigaas ku dooday in lacagta somalailnd tahay lacag reer soo samaystay

waxa iyona sidoo kale xusuus mudan in Axmed siilaanyo madaxweyne cigaal ku yidhi axmedow dhaqaalaha ayaad wax kataaqaanaaye waxan kuu magacaabay wasiirka maaliyada waxa markaa laga filayay in siilaanyo u lacgta shilinka somalilnd dalka wada gaadhsiiyo waxa marag madoon ah inuu ku guuldaraystay inuu gaadhsiiyo lacagta shilinka somaliland gobolkii uu kasoo jeeday dhalasho ahaan iyadoo loo fasiran karo amaba ay runtu tahay inuu ujeedo gaar ah kala ahaa

muddo kadib siilaanyo waa is casilay waxaanu sheegay inuu kafadhiistay siyaasada balse wuxuu markale ooda soo jabiyay markii cigaal geeriyooday isagoo qaskii iyo wareerkii looga bartay halkii kasii wada

waana kaa maanta maraya halkii udambaysay ee maalin walba ku hadaaqaya hala baabiiyo qaran jira
ee shirbeeleedyada abaabulaya

ugu dambayn waxaan leeyahay kulmiyow somaliland wa ka gudubtay shirbeeleedyo iyo qabaail loo kala shiro waxaanay bulshadu u bislaatay wakhtigan hanaanka dimuqraadiga ee axsaabta badan nabada iyo kala dambaynta kajirtana majirto cid carqaladayn karta oo shacabku kayeelayaa haddii aad tartamaysaan udiyaar garooba wakhtoga komishanku cayimay haddaydan wax isla hayna umada qaska kala fadhiista oo halkaad kusocotaan waa ognahaye wareer la,aan isaga aada

xukuumadda talada haysana waxaan usoo jeedinayaa inaan cidna uga habran ilaalinta nabada iyo kal dambaynta ay shacabka masuulka uga yihiin oo ay amaanka gacan bir ah ku qabtaan cidkastoo isku dayda inay waxyeelaysana waxaan leeyahay halaga qaado talaabo sharciga waafaqsan

wabilaahi tawfiiq

 

 

 


Axmed Aw cabdilaahi khaliif

Finland