KULMIYOOW IN AAD LA KUFEYS KOLEY WAAN GARANAAYEY-II

 




MAARAYNTA ISMAANDHAAFAYDA SIYAASADEED:

Dhibta ka dhalanta muran iyo ismariwaa siyaasadeed, bulsho, dhaqaale, iwm ummad waliba waxay leedahay marjac soo jireen ah oo loo adeegsado maaraynta wixii khilaafaad ah ee ka dhex aloosmay. Qowmiyadda Soomaaliyeed waxay quruumaha kale kaga duwanytahay ee maamul dawladeed hanaqaadiweyday, shayga wadaniyad la yidhaana ugu hagaasay waa dhaqan beeleedka sida jeegaanta todobada midba leh ee qofka Soomaaliyeed hadba midab kuu jecleysto shaadhka uga tolanayo.

Ta maamul dowladnimo u saldhigi la'yahay carriga Soomaaliyeed idaylkiis waa labadan nidaam ayaa ilaa hadda cid iswaafajisay la waayey. Sidaa aan hoos ku xusi doono inagu weynu ka soo gudubnay marxaladday labadu isku murgi lahaayeen haddaanay xukuumadda talada dalka haysa tacabkii ummadda minjo xaabin oo waa waataa maanta markay tahliweyd si ay u maarayso muranadii ka dhashay doorashadii deegaanada ee xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka ugu shuraakoobeen boob iyo isdabamarin cod. Maanta may ahayn in ay masuuliinta xukuumadda iyo xisbigeedu qeylo dhaan u dirtaan madax dhaqmeed, qanacsato, iyo culimo.

DHAGAXIYO DABKA KALA DHOWRA

Haddaynu wax yar ka bidhaamino sooyaalka taariikhda qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo saamaynta ay ganacsatadu kuu yeelatay geedi socdka dowladnimo marnaba ma haboona in ay isku milmaan ganacsatada iyo dowladnimadu. Tusaalo waxa innoogu filan seddexda wadan ee Nigeria, Zimbabwe, iyo Kenya muranada dhasha doorashooyinkooda oo had iyo jeer naf iyo maalba lagu waayo. Seddexdaa dal intay qarannimada haysteen iska horimaadyada siyaasadeed waxay ku salaysanyihiin isku milanka dowladnimo, ganacsato, iyo beelo awoodii dowladda ku adeegsanaya dano gaar ah. seddexdan dal uun aafadu kuma koobne wadamo badan oo qaaradda Afrika ah ayey mushkiladani ragaadisey. Innaguna uma baahnin in aynu toobiyahaa cagta saarno.

MURANKA GUDDOOMIYENIMADA SAYLAC:

Waxa hore loo yidhi intaanad geedka tegin gartaada sii akhriso oo adigu naftaada la shawr. Gartu hadday tahay laba geesood waa in labada is hayaa goobjoog noqdaan; ninkii gar lihina waa in uu geedka la yimaadaa oo cidda uu wax ka tirsanayo hor fadhiistaa. Sida maalintan dhowayd Boorama ka dhadayna waxay ka baxsanayd anshaxii dhexdhexaadinta sababtoo ah hadday labada beelood ee Gobolka Awdal ku dhaqani arrinta Guddoomiyenimada isku maandhaafeen; waxay ku qurux badnayd in marka hore labada beelood iskood isu waajahaan, hadday ismari waayaan markaa iyadoo labada dhinacba raali ka yihiin xukuumaddu ha ka hawl gasho. Natiijadii ka soo baxday isdabayaacii Boorama weftigii tegay waxay ku dhammaatay oo lagala soo guryo noqday wajigabax iyo dhimasho laba qof. Horaa loo yidhi taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa; arrinta haddii loo dhaafi lahaa cidday khuseyneysay weji kale ayey maanta lahaanlahayd ee waa karis xun iyo kadabkeed dheh. Duqa abaal tirsanayoow adigiyo garaadka; abaalna waa nin guda iyo nin gees mara.

GEEDI SOCODKII QARANNIMADA SOMALILAND:

Bilowgii markaynu Somaliland yagleeleynay waxa lagama maarmaan noqotay in hab beeleedkii dib loogu noqdo; laguma khasaarin inkastooy dhibaatooyin ka horyimaadeen. Geedigii labaad waxaynu isku afgaranay in laga hayaamo nidaam beeleedka oo nidaam dowli ah iyo distoor qaran loo diga rogta( waa maxsuulkii Shirkii Borama ee 1993). HIndisahaasi wuxu ku gunaanadmay aftidii Distoorka ee Bishii May 31, 2001; Waxa xigay hirgelintii nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinkii Deegaanada (December 7, 2002); Madaxtooyada (Abril 14, 2003); Golaha Wakiilada (September 29, 2009); Madaxtooyadii labaad (June 26, 2010); Golayaashii Deegaanada ee labaad (November 28, 2012). Mudadaada kow iyo tobanka sannadood ah hawsha baaxaaddaa leh ayaa inuu hirgashay; adduun tiro badan oo badhkii la inagu kaaliyey ayaa suurtageliyey ka midho dhalinta arrimahaasi.

Doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay Bishii June 26, 2012, ummaddii Xisbiga Kulmiye u codeysey waxay fileysey in xisbigu korodhsaday waayo arragnimo siyaasadeed sideedii sannadood ee uu mucaaridka xagjirka ah ahaa, hase ahaatee waxaa markiiba caddaatay in aanu xisbiga Kulmiye diyaarba u ahayn maamul dowladnimo iyo in uu la yimaado hab dhaqan ka duwan kii uu xukuumaddii ka horeysey ku canbaareyn jirey. War moogee illayn teneg faaruqa ayuu Kulmiye ummadda u tumayey oo taloba kuma laabnay xaalku waa ka bes!!


URURKA XAQSOOR IYO MURANKA NATIIJADII DOORASHADA

Marnaba may haboonayn in muranka natiijada doorashadu ku dhammaato dhiig daata. Guddomiyaha Ururka Xaqsoor Mj. Xasan Ciise Jaamac waa muwaadin ku suntan aasaaskii dibu-xoreynta dalka; waa halgamaa dhab ah; waa halyey qaran oo magac iyo sharaf ummadda ka mudan. Waa nimaan ku sifoobin kursi jacayl ama damac siyaasadeed aan la loodin karin. Waa nin aan geyin iyo gardarotoona. Ma aha shakhsi ay isku cusubyihiin Md. Axmed Maxamed Maxamuud. Inta hadba odayaal iyo dhalinyaro madaxtooyada lagu shirinayo waxa ka qurux badnayd in uu madaxweynuhu toos saaxiibkii ula xaajoodo. Markii siduu xalku ku iman lahaa haddii badheedh loo gees maray maxaa laga dheefsaday? Bal akhristoow iswedii ujeedada dhacdooyinkan weli ka socda xaafadda Axmed Dhagax- Dhalinyaro y io aabayaashood oo askari kala horjoogto? Waa mucjisooyinkii doorashadii deegaanada.

MAXAY DOORASHADU DAARANAYD:

Marka aynu qiimayno natiijadii doorashada deegaanada iyo arrimaha la kowsadey ayaa waxa kuu iftiimaya in ujeedada ugu muhiimsani ahayd soo afjarida doorasho dambe oo dalka ka qabsoonta mustaqbal dhow iyo ka fogba. Waxa qorshaysan in sannadaha 2013, 2014, iyo 2015 seddex doorsha isdaba joogaa ay qabsoomaan. Haddaynu ka saadaalino maxaa suuro geli kara, waxa cad in seddexdaa doorasho midina hirgelidoonin. Sidaa marka xaal noqday, waxa in muuqata arrin Xisbiga Kulmiye markuu mucaaridka ahaa sida fiinta ugu qaylin jirey: Muddo kordhin dambe aqbalimayno 'e xukuumadda UDUB xilka ha dhigto oo meesha ha soo dhaafto. Waxa la isweydiinayaa muddo kordhini waa lama huraane intee doorashooyinka dib loo riixidoonaa? Saadaashu waxay sheegaysaa inta koreysa 2018 in aan doorasho dalka ka dhicin. Xaqiiqada dhabta ihi sidaas weeye bal an dhowro dhawaqa xukuumadda ka soo yeedha.

 


Axmed Cali Ibrahim Sabeyse