Kulmiyoow Kacdoon iyo Kursi doon kala Daa?

 

“Kacdoonka shacbi ee lagu muusanabayaa noqonmaayo jarjartii kursiga  mada xtooyada; ummaddan sideedaba u tabaalaysan colaad sokeeyeeye iyo qori dab leh lala dhex wareegimaayo; haddii laga waantoobi waayo  hagardaamoo yinka mudada dheer soo taxnaa ee dalkan in lagu minjixaabinayo; haddii  dhow rsanaanta iyo guud ahaan anshaxa siyaasadeed loo hoggansami waayo; haddi xadgudubyada qaranka lagula kacayaa joogsan waayaan;

Haddaan sida hadda xaalku yahay wax laga bedelin taas ayaa imandoonta. In badan ayey ummaddani u dul qaadatay in durbaano colaadeed laga dul tumo. Dhiiga ubadka ummaddu noqon maayo mid nin kursi doonaya awgii si hawl yar loogu daadiyo; hantida ummadda iyo ta qarankana loo burburinmaayo kursi la isku maandhaafay. Magaalo madaxda dalkuna noqonmayso goob horseeda burbur Qaran.”

Ciddii hungureyneysa hoggaanka qaranku ha marto sida distoorka dalku  qeex ayo: Muwaadinku wuxu xaq u leeyahay in la doorto, isaguna wax dooran karo. Qaabka wax aynu u dooranayno iyana waxa qeexaya shuruucda Distoorka ka farcanta. Markaa cidii ay siyaasadu meherad iyo nolol maalmeed u noqotu waxa looga fadhiyaa in ay wixii ummaddu xaq ugu leedahay sideeda u  gudta an. Inta siyaasadda ku hirdamaysana ummaddu ka aqbalimayso muran joogta aha oon bilow iyo dhammaad midna lahayn

Lix iyo tobankii bilood ee ina dhaafay dalkii iyo ummaddii reer Somaliland waxa aafo dabiici ah ku noqotay muran doorasho madaxtooyo oo hadba xiligii loogu tala galay dib uga dhacda. Sababaha dib u dhaca keenay cid kastaa ha lahaate waxa mucaarid iyo muxaafidba ku khasbanyahay in ay iskood khilaafka ka  dhe xeeya uga heshiiyaan, tii oo mudnaanta koowaad la siinayo jiritaanka qaranka iyo xasiloonida.

TASHANWEYDAYE WAA LAGUU TALIN

Qaylo dhaantii mucaaridku waxay ina dhaxalshiisey in gurmad debedda inooga yimaado ka dib markay caddaatay in dhinacyada siyaasadda isku khilaafsani aanay marnaba awoodi Karin in ay miiska wada hadalka isku horfadhiistaan, gorfeeyaan arrimaha ka murugsan, ka dibna ay si wada jir ah go’aan ay ku wada qanacsanyihiin ku soo afjaraan. Nasiib darro waxay isugu biyo shubatay in warbaahinta la isu adeegsado, car iyo car, iyo waa keena debecsanaan muujiya. Dadkii iyo dalkiina waxay noqdeen xeego hadba dhinac qaare lagaga dhufto oon loo meel deyin wax yaabaha goolaaftankan ka dhalan kara. Waxa caddaatay in ahaba yaratee aanay jirin wax lexejeclo ah oo kursiga dhaafsiisan cidiba dalka ka lahayn. Laakiinse ummaddii dalka lahaydna wey idin daawanaysaa oo sida wax u socdaan wey arkaan oo wax inoo qarsooni ma jirto.

MARKII LA TOLEY AYEY OLOSHEY

Waawaantii laga diidey Salaadiintii, madaxdhaqmeedyadii, aqoonyahyahanadii, iyo waxgaradkii isu xilqaamay isusoodhoweynta dhinacyadii khilaafka  siyaasa deed isku maandhaafay, sow si hawl yar looma guddonsan lixdii qodob ee  bee sha Caalamku ku talisay. “Ishi Geytaa! Samcan waa daacan, ya sayidii.” Isusoo baxay oo dagaalama an kacdoon shacbi talada dalka ku maroorsanno, maxaa dambeeyey? Waxa ka dambeysey duco iyo ammaan aan hore looga baran  hog gaamiyeyaasha Axsaabta mucaaridka. “Subxaana Allahi Aladii yuqayiro min xaalin ilaa xaal.” Waxa la yidhi “ Barwaaqo iyo abaarba isujira laba bidhaamo od.” Waa marka aynu dib u qiimeyno hadaladii mucaaridka ka soo yeedhayey habeenka khamiista, bisha September 24, 2009, iyo jawigii reyn reynta iyo farxaddu ka muuqatey ee Jimcihii, Bisha September 25, 2009! Ya cajab alcaja aib, waa yaa aqrabal qaraaib! Allelehe waa cusub miyaa lagu waaberiistey Illaahayna sidaa ha inoogu wado.

Baalaxooftadii iyo hanjebaadihi ummadda lagu jaha wareeriyey ee dalka  gilgil ey sowtan si fudud beeshi Caalamku u furdaamisey. Xoogii la isku  muquunina yey iyo awood sheegashadii la isugu duurxulayey intuba waa bar kuma taal dheh; daryankii doobtii baarqabyadu seydhayeen iyana ma da’ furbaa xigay? Hadda ayaa mucaarid iyo muxaafid midba ka kale weydiinaya:

AYAA MURUQII AAD SHEEGATIYO KAA MASAXAY XOOGII ** DURBA YAA MATAANAHA KU JARAY KUGUNA MAANSOODAY **DURBA YAA MAWAASHIGA LA RARO MAGAN KAA YEELAY

MAXAA ISBEDELEY?

Lixda qodob ee beesha caalamku soo jeedisey iyo kuwii ay dadkeenii isu  xilqa amay ku taliyeen maxay ku kala duwanyihiin? Jawaabtu haba yaraatee wax faraq ihi uma dhaxeeyo. Ceebta ugu weyn ee meesha ka soo baxday waxay tahay: In isusoo dhoweyntii birimageydadii dalka laga doorbiday gurmad iyo gargaar inooga yimaada dibadda.Sharaftii iyo karaamadii muwaadiniintii u  tafa xaydtay badbaada dalkooda ma waxaynu ugu abaalgudnay in la yidhaa  indin kuma kalsoonin? Murankii siyaasadeed wuxu manta dalka u horseeday  fadeex addii ugu weyneyd.

Wejigey doontaba manta ha yeelatee bal isweydiiya dhaawaca aan abid laga soo waaqsanayn ee murankan u dambeeye sumcaddii Somaliland gaadhsiiyey. Waa marka u horeysee, waxa meesha si lama filaan uga baxday qiimeyntii  aqo onsiga dalka iyo geedi socodkii dimuqraadiya curdinka ee dalka ka hana qaday; taasina waxay si toos ah u saameyneysaa kalsoonidii bulshada Caalamku ka qabtay in aynu nahay dal iyo dad u qalma, hanan kara, kana bixi kara  mas’uu lida iyo waajibaadka Qarannimo. Derejadii hore la inoogu qiimeyn jirey hadda hoos u dhac ayaa ku yimid oo waxay noqonaysaa in dib loosoo yagleelo.

Su’aasha manta ina hortaal waxay tahay: Arrinta halkaa ina gadhsiisey ma laga waantoobi doonaa, mise berito ayaa halkii laga amba qaadidoona? Waa halku ninkii jirey yidhi: “Maxaa la igaga farxi beriba waan lumiye.”

XIISADDA CEELBARDAALE IYO MUCAARIDKA

Xiisadda ka aloosan deegaanada CeelBardaale waxa si toos ah iyo si dadbanba ugu dhex jira axsaabta mucaaridka ah, gaar ahaan xisbiga Kulmiye. Iyadoo  xi sbigu ka duulayo sidii uu Gobolka Gabiley taageeradiisa gebi ahaanba u hantiyi lahaa, ayaa awoodii xisbiga iyo itijaahiisii siyaasadeedba wuxu ku soo ururay “HIRGELINTA GO’AAMADII GUURTIDU KA GAADHAY!”Waa qorshe gurracan, sa babtoo ah dagaal sokeeye iyo dhiig data guul siyaasadeed ma noqon karaan; meel colaadi ka aloosantahay doorasho ka dhici mayso oo waa karis xun iyana ku kadab la’. Arrinta kale ee meesha ku jirtaa waxa weeye in JIDGOOYO  ABA DIYA AH LA KALA DHEX DHIGO AWDAL IYO GABILEY, ka dibna dalkuba sidaa u kala go’o oo jiritaankii Somalilandna halka ku burburo.

Dhibaatada CeelBardaale tiroba laba jeer ayey Guurtida dalku ka hawl gashay sidii loosoo afjari lahaa. Labada jeerba markii qarnaqsigii la dhegeystey waxa gartii helay oo loo xukumay dhinaca Gabiley. Go’aanka Guurtidu gaadhay  fulint iisu waxay u taala xukuumadda; garnaqsi dambe oo meesha yaala ma jiro.

Reer CeelBardaaloow gartii laba jeer ayaad hesheen; Madaha iyo ijaarka  beer uhu ma guuraan; beeraleydu ma qaxdo oo nina beertiisa cid kale ugama tago. Dadkiina walaalaha ah ee meesha qarniyada ku wada noolaa yaan qori dab leh la idin kala dhex dhigin; siyaasigu berito ayuu iska tegeyaa, idinka ayaa  deega anka ku hadhaya. Labadiina dhinac ee is haya, yaanay maahmaahdii ahayd: “ Masiibada wax galaafata waxay ka bilaabantaa: Ijaar Beereed, Hal Baarkeed, iyo Bowdo Naageed.”


Xisbigan colaada hurinayana waxan leeyahay: Awdal iyo Gabiley markay u  ba ahdeen gurmad iyo gargaar nabadeed ummadda reer Somaliland Bari iyo  Gal beed umay kala hadhin oo si gobanimo leh ayey ugu gurmadeen oo nabad  ay ey ka dhaliyeen; Xisbiga Kulmiyena waxa la gudboon in uu faraha kala baxo arrinta CeelBardaale.

 



Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse

September 30, 2009