Kulmiyow kolkana waa loo kordhiyee Kadabaa dhah ee: Kadabaa, kadabaa, kadabaa

 


Qaybtii kowaad


Hargeysi waxay hore u diidey in Xamar laga daaro immikana diyaar umma ah in qurba joogtu London iyo Newyork ka maamusho.

Guurtidu waxay dhaankii u negeysey ee doorashadii dib ugu dhigtay iyada oo dhawraysa duraafaha gaarka ah ee dimoqraadiyada socod baradka ah, iyada oo tixgelineysa dhawaaqa iyo codka muwaadinka aan lahayn labada dal-ku –gal amma laba dhalasho., iyada oo tixgelineysa cimilada gaarka ee Somaliland oo doorbidaysa xilliga laga codayn karo ogadeeda iyo gubankeedaba, iyada oo ka duuleysa oo ixtiraamaysa Hay’addihii loo igamadey abaabulka doorashooyinka qaranka.

Aniga siday ila tahay waa go’aan aad looga baaraan degey oo soo gabagabeyn kara murankii iyo ismaandhaafkii golayaasha Axsaabta Qaranka oo mudan in lagu dhaqmo.

Golaha Guurtidu sida aynu la wada socono waa gole taariikhi ah oo dhismaha Somaliland iyo kala badbaadintii beelaha iyo dhismaha Hay’adihii dawladaha ee maanta jira oo dhan sal iyo asaas u ah.
Kaalinta Guurtidu ka jirto Somaliland iyo taariikhdii ay soo martay waxaad ka akhrisan kartaa buuga la yidhaa Dhaxal reebtay oo uu qore Muddane Cabdi Yusuf Ducaale (Boobe). Waxaad akhridaa faqradaha uu kaga hadlayo Guurtida.

Maxay Guurtida kaga duwan tahay Golayaasha kale ee Somaliland iyo Golayaasha Dhexe ee Axsaabta Qaranka?

Golaha Guurtidu beelaha waa ka xor oo mid ay cod iyo aqoonsi gaar aha ka doonayaan ma jirto. Axsaabta way u simana yihiin oo mid gaar ay darajo ka goynayaa amma u kordhinayaa ma jiro. Distoorka iyo duruufaha ayuun bay tixgeliyaan.

Golaha guurtidu waa gole aqalabiyada xubnahoodu ka kooban yahay muwaadiniinta aan laba dalku gal haysan. Waa gole xubnaha aqlabiyadood dhammaan goob joog u ahaayeen go’aamadii iyo daruufihii ay Somaliland soo martay oo dhan.

Xubnaha Golaha Guurtidu tartan ugu ma jiraan jagooyinka Qaranka iyo mid ka saraysa tay ay hayaan.

Golaha Guurtidu xilal iyo wasiiro ma bixiyaan, cidna umma ballan qaadaan, sidaa daraadeed kooxaha u tartamaya kuraasidu xidhiidh lama laha oo go’aamadooda arrintaasi saamayn kuma lah.

Golaha Guurtidu wuxuu mar walba xidhiidhka ugu badan iyo tixgelinta mawaadinka dhabta ah ee aaminsan dalkiisa hooyo miyi iyo magaalaba. Golaha guurtidu xidhiidh lama laha Qurba joogta oo maal iyo taageero kama raadsadaan. Qurba joogtuna xidhiidh lama laha oo jagooyin umma doontaan.


Golayaasha Axsaabta Qaranka


Golayaasha Axsaabta Qaranka waxaa xubnahooda ku badan Qurba joogta, haba ku sii kala bataane. Go’aamadooda inta badan ma tixgeliyaan danaha reer miyiga iyo mawaadiiniinta magaalooyinka ee waxay had iyo jeer iswaafajinayaan danahooda gudaha iyo qurbaha. Waxay Golayaasha Axsaabta Qaranku tixgelin siiyaan oo dhegeystaan talooyinka taageerayshooda ku nool Yurub iyo Amerika. Bal u fiirso immika qaylo dhaanta dhacaysa. Markaad eegto go’aanka Golaha ee ku salaysan cimilada dalku ma anfacayo Axsaabta mucaarid ka ah oo maal iyo talaba ku tiirsan qurba joogta. Waxaa is waafiqi waayey Xilliga Guurtidu u qoondaysay doorashada iyo Xilliga Qurba joogta Yurub iyo America fasaxa yihiin oo ah Juulay iyo August.
 

 

 

 

 Hamud  Duale