Kulmiyow markaad leedahay ma aqoonsani xukuumadda 06,April waxad ula jeedaa Somaliland ma Aqoonsani

 

Waxa cajaaib leh markaad aragtoo wax kaa yaabiya ee aduu layaaban haddana wax ka sii yaab badan aad la kulanto taas oo aan macneheeda uga socdo waxaynu ogayn mawqifkii guracnaa ee kulmiye kaqaatay go,aankii guddiga doorashooyinka Somaliland ee muddo kordhinta doorashada madaxtooyada oo ay qorsheeyeen inay dhacdo 31,05,09 .
runtii waxay ahayd muddada ay kordhiyeen 60 maalmood oo kali ah iyagoo sababo macquul ah u cuskaday dib udhigidaas

waxa qaylo cirka ku shareeray hogaanka sare eee xisbiga kulmiye isla markaana loogu tol iyo taagba waayay inuu saxiixo go,aankaas oo ay labada xisbi qaran ee kale ogolaadeen

waxbadan oo murankaasi taagnaa kadib waxa dhacday in madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mudane daahir rayaale kaahin oo golaha guurtida somaliland u gudbiyay qoraal uu ku lifaaqanyahay dalabkii muddo kordhinta ee guddiga doorashooyinku
taas oo dood iyo falanqayn dheer kadib ay guurtidu guteen waajibaadkoogii distooriga ahaa isla markaana ay xal u arkeen in doorashada dib loo dhigo lixbilood oo kaliya

kulmiye wuxuu kafilayay guurtida in ay soosaaraan go,aankaas mid kaduwan oo uu isagu danihiisa gaarka ah u arkayay balse odayaasha guurtidu waxay eegeen dadkii guud ee qaranka go,aan geesinimo lehna way qaateen waanay ku amaananyihiin runtii

haddaba haddii maalintii uu komishanku mudeeyay kulmiye go,aankaas qaadan lahaa wax sadexda xisbi qaran iyo komishanku isla ogolyihiin oo heshiis kuyihiina loola tagi lahaa guurida waxaan aaminsanahay inaanay kahor yimaadeen balse hi,iinyadii kulmiye lasoo taagnaa waxay keentay in dib udhac kale yimaado oo labadii bilood uu diidanaa waliba Afar bilood oo kale lagu daro

waxa haddaba iyona aan aad ula yaabay kulmiye oo maanta leh guddiga doorashooyinkaa xaq uleh muddo kordhinta ee yeeli mayno go,aanka guurtida
kulmiyow goorma ayaad ogolaateen go,aanka komishanka mamarkii waxaad filayseen socon waayay

kulmiyow saaxiibayaal waxa ,maanta idinka soo yeedhay maaha waxaad ula jeedaan xisbiga talada haya iyo daahir rayaale midna cidda aad ujeedaan waa shacabka masaakiinta ah ee nabada jecel ee dalkooda jecel ayaad duulimaad kutihiine kadaaya

doqonta usha agteeda kudhufo hadday garanweydana goga ugali ayay somalildu tidhaahdeeye daahir rayaale ma aqoonasninta siilaanyo ku dhawaaqay marka lagaadho 6,April wuxuu ula jeedaa somaliland ma,aqoonasni wixii kadambeeya 06,April

waanu oganahay axmed siilaanyow inaad ceelalyo udiratay koonfurta somaliya waan lasoconaa xidhiidhada idinka dhexeeya somaliya iyo ujeedooyinka kuu qarsoon waana lawada ogyahay saaxiibadaadii aad isugu jeclaydeen halkaad udiratay ee ay maxamuud sifir iyo rag kale kamid yihiin

waxaanu kuleenahay waar aayar cagaha dhulka dhig haddii saar kursi kuhayo waa lagaa tumi doonaaye


ugu dambayntii shacabka somaliland ee nabad jecel waxaan leeyahay ilmada beenta ah ee kulmiye qubayo ayaan laidinku beer laxawsane ilaashada walaalayaal nabadgalyadiina iyo qaranimadiina


somaliland haguulaysato

wabilaahi tawfiiq
 

 



Axmed Aw Cabdilaahi khaliif

Finland